Qaybta

Fanka

F

Laba Gelin

Ilaa saaka markii uu toosay dhiig baa afka uga dhadhamayey. Markii hore wuxuu mooday in uu afka ka dhiigayo dhawr jeer ayuuna candhuuf iska soo muudiyey oo eegay dhiigse kuma uu arag, haddana waxaad mooddaa in uu xinjiro afka ku sito. Wuxuu ka fekeray goorta iyo waxa uu dareenkaasi ka soo raacay, wuuse xasuusan kari waayey. Wuxuu isku dayey in uu is illawsiiyo laakiin ma ahayn wax uu is illawsiin...

Fan (Art)

Fanku waa luuqadda ay quruxdu ku hadasho. Marba haddii wax loo soo bandhigayo si farshaxamaysan, masrixiyad leh, laabtu u bogayso, waxaa la galay caalamkii fanka. Fanka la'aantiis cidina nolosha quruxdeeda ma dareenteen. Sida ay noloshu u leedahay waji maaddi ah, oo sayniska lagu fahmi karo; iyo waji "abstract" ah, oo caqliga lagu fahmi karo; ayaa ay u leedahay waji kale oo qurux ah, oo lagu...

Aroor Maroodi iyo Itaal Atoor

Bishu waa April Saacaduna waa labadii duhurnimo qoraxdu waa kulayl daran, hayeeshee waxaa fadhiya Harada ama ceegaaga biyo uu dhigay roobkii guga. Darka Harada waxaa taagan raxan Sagaaro ah oo Harada ka cabtay waxay la tahay sagaarada oo uu madax u yahay Atoor lagu magacaabo geeswayne in ay ayagu leeyihiin Harada oo dad iyo duunyaba aysan dul imaan,. hadii ay saas dhacdana Geeswayne wuxuu diyaar...

Diin iyo dareemo

Gooraysado ama saacaddu waa 12 kii duhurnimo bishuna waa Maarso, waa bisha oogu kulul sannadka oo dhan halka uu joogo Diinku oo ah dhinaca bari ee qaaradda Afrika. wuxuu ku hoos-jiraa geed wayn oo aan laheyn wax caleen ah wax uu cuno waxaa oogu danbaysay dayrtii hore. jirkiisa wxaa ka muuqda harraad, daal iyo diihaal badan, hayeeshee ma uusan quusan inkasta oo tabar yari badan ka muuqato, ma...

Kulankii aniga iyo Ilaahay

axa u gu badan ee aan ku hamminayey waxay in aan Ilaahay la hadlo! Markii ay soo billatay bishii Ramadaan ayaan naftayda kula hasaaway, oo maad isku daydid iminka?. Waxaan is weydiiyey su’aal ah: horta kuwii Ilaahay la kulmay qaabkoodu sidee ahaa iyo la kulankoodu?. Waxay hore loo yidhi, “Ilaahay waxa uu jecelyahay in kulanku ka dhaco buur dusheed” Waayo, Ilaahay waxa ay Muuse...

Daruurow iyo Alshabaab

Magaciisu waa Daruurow oo goortii uu muslimay ma uu garanayo ee sida ay muslimiintu u badan yihiin isaga oo muslim ah buu caqlisaday, tuuladii uu ku garaadsadeyna ma lahayn iskuul aan ahayn malcaamad. Soomaalidu dugsiga Qur’aanka iskuul u ma yaqaanniin, laakiin caalamka meelo badan iskuul baa looga yaqaan, waayo qofkii ka soo baxaa isaga oo wax qori kara, waxna akhriyi kara ayuu ka qalin jebiyaa.

Sapiens (Gorfayn)

Buugga Sapiens oo gabagabo iigu dhow ayaa waxyaabaha aadka iiso jiitay waxaa ka mid ah, sida uu qoraagu, Yuval Noah Harari, uga hadlayo Kacaankii Sayniska iyo sababta qeyb aad u yar oo Yurub ka mid ahi, waa Galbeedka Yurub e, ay ugu suuragashay in ay hannaanka iyo majarahaba u qabtaan daahfurada cilmiga, noqdaanna horseedka cilmiga.

Aniga iyo Qabyaaladda!

Waan ku salaamay qabyaaladeey. War horta salaanteyda ma maqleysaa? Dhago iyo af ma leedahay? Qabiilkaagu waa kuma? Qolamaa tahay qabyaalad quruneey? Koleey cadaawadda innaga dhaxeyso baan ogahay iga qaadi meeysid salaanta. Aniguse dan iyo xaajo kama lihi. Muddo baan goobayey nooca aad tahay. Sida aad u taal. Qaabka aad dadkeyga colaadda ugu dhex huriso. Feyruska ku sababo nociisa. Lakiin waan ku...

Dhoohanayaal!

Marka hore waan ku salaamay. Waxa aan hadda ku fadhiyaa kursiga aad igu fadhiisisay. Waxaan gacanta ku hayaa qalinka aad ii dhiibtay. Waxa aan xidhanahay suudka aad sababteeda laheyd in aan xidhto. Xafiis seddex mitir ah baan ka soo dhex salaamayaa. Waa xafiiski aad adiga i geysay, lakiin miyaad iga qaadan kartaa? Xaasha. Waa hanti aad i amaahisay, lakiin aad dib iiga dhigtay sida wax aan...