
Ilaa saaka markii uu toosay dhiig baa afka uga dhadhamayey. Markii hore wuxuu mooday in uu afka ka dhiigayo dhawr jeer ayuuna candhuuf iska soo muudiyey oo eegay dhiigse kuma uu arag, haddana waxaad mooddaa in uu xinjiro afka ku sito. Wuxuu ka fekeray goorta iyo waxa uu dareenkaasi ka soo raacay, wuuse xasuusan kari waayey. Wuxuu isku dayey in uu is illawsiiyo laakiin ma ahayn wax uu is illawsiin...