
Ereyga ”Suugaan” oo laga wado maansada iyo waxyaalo kale ma aha erey ay soomaalidii hore macnahaas u yaqiinneen ee waxa uu macnahaas yeeshay xilligii kacaanka, laakiin waxa uu ereygu jirey isaga oo macneyaal kale leh. Xilligii kacaanka iyo intii ka danbaysey dad badan oo maansooday baa ereygaas maansooyinkooda ku daray, waxa ayna dadkaasi u badan yihiin dad aan u maansoon sidii dhaqankii hore.