Qaybta

Sheeko Faneed

S

#2 Sideen ku gaaloobay?

2007 waxa uu ii ahaa sannadkii isbadalka. Waxaan u soo tillaabay tacliintaydii sare. Inkastoo aan hakad galiyay markii aan dugsiga dhexe ka soo aflaxay oo aan dhanka barashada diinta u soo jihaystay, se waqtigu waxa uu mar kale jaanis ii siiyay inaan dib ugu laabto waxbarashadaydii maadiga ahayd. Waxaa dhammaan is badalay xaaladahaygii nololeed oo ay ugu horreyso qaab noolaanshahaygii ahaa...

#1 Sideen ku gaaloobay?

Waa goor fiid ah, waxaan dul jiifaa firaash dhexyaal qol ay laambad daciif ahi ka baxayso. Gacanta midig ayaan moobil yar ku haystaa. Waxaan marba dhan u mushaaxayaa ciwaanada aan ku leeyahay baraha bulshadu ay ku kulanto. Judhiiba ishaydu waxay qabatay maqaal aan dhawr caana maal ka hor qoray. Waakan alaylahe Facebook-gu uu maanta isoo xasuusiyay. Ho'gaaa!! ma afar sanaa ka soo wareegtay? Alla...

Caashaqii labo kacleeyey (Sheeko Faneed)

Afarta indhood oo ay laboba labo jeceshahay waxaa isugu horraysey gu' ay geedaha sare huwadeen caleemo, xay, miro iyo faraq uu roobba roobkii ka danbeeyey ku saagootiyey onkod iyo hillaac isdaba joogey toddobkii ilaa gusooraha oo labo bilood oo isdaba joogey ay balliyada iyo meel kasta oo godan xareedi ku negaatey. Dhirta hoose oo isugu jirtey qaar magacyo leh iyo kuwo aan magacyo lahayn iyo...

#20 TUKASHO IYO TUMASHO

Shiikh Kabriid waxa uu aroortii arbacada shaqada u toosay isaga oo qaaddiro iyo daal bestiis la ahaa, waayo waxa uu gurigii Dhudi Gaatame ka soo guureeyey xilli danbe, ka dibna hurdo ayuu iska waayey. Maalintii arbacada waxa uu shaqeeyey isaga oo aan ka la garaneyn madaxa iyo majaha mid uu ku soconayey. Maalintaas keli ah baa ka xumaatay, ee khamiis iyo jumce waxa uu u shaqeeyey si firfircooni...

#19 TUKASHO IYO TUMASHO

Shiikh Kabriid axaddii oo dhan waa uu hurdey, isniintii iyo talaadadiina sidii caadiga ahayd buu shaqadiisii u kallahay. Isaga oo talaadadii shaqada joogey baa la soo wacay, mana uu sii eegin magaca soo garaacay ee waa uu ka jawaabey. Qofka soo wacay waxaa la moodey in uu isku soo aaddiyey xilli yaraa ee shaqada loo nasanayey. Sidii qof u jeedey in uu shiikhu biririf galay buu wacitaanka nasasho...

#18 TUKASHO IYO TUMASHO

Shiikh Kabriid waxa uu internetka ama falkiska ka baarbaaray heeso soomaali ah. Intii uu heesaha baarbaarayey buu daasaddii biirka oo koobaddiinka saarnayd kor u qaaday, waxa uuna arkay in ay marnayd. Kumbuyuutarkii buu waxa uu dhigay sariirta dusheeda, ka dibna waxa uu u kacay xagga jikada isaga oo daasaddii marnayd midigta ku sitey. Khaanad ay baco badani ku jireen buu bac ka soo saaray, waxa...

#17 TUKASHO IYO TUMASHO

Kowdii habeennimo ayaa waxaa soo dhacay guurguurehii shiikh Kabriid. Waa uu sii gam’ayey markii uu koobaddiinka dushiisa ka gariirey oo uu ka sharqamay guurguure gal madoobi. Shaashadda ama muraayadda waxaa ku qornaa ”Seeraar Duubigeel”, waxa uuna Kabriid qabtay markii uu labo jeer dhacay, oo waxa uu yiri

#16 TUKASHO IYO TUMASHO

Shiikhu waxa uu dareemay in uusan ku jacsanayn in uu gurigii ku laabto, waxa uuna ku leexday baar guriga u dhawaa oo uusan markaas ka hor weligiis gelin. Sababtii uusan awal u geli jirini waxa ay ahayd in uu dad agaggaarka ka dhawaa ka madaxqarsanayey, laakiin galabtaas waxa uu islahaa “Yaa dad danbe dan la leh”. Intii uu baarka ku sii socdey waxaa ka hor yimid nin soomaali ahaa oo buurnaa, oo...

#15 TUKASHO IYO TUMASHO

Macawis ama hoosgunti sabarhindi ahayd oo uu midabkeedu caddaan ay midabbo kale weheliyeen ahaa iyo garan cad buu xirnaa, waxa uuna fariistay fadhiga oo waxa uu daaray telefishin. Kannaalkii ugu horreeyey ee uu shiday waxa uu ahaa iswiidhish, waxaana ku jirey filim dokumentari ahaa oo denbiyo iyo xabsiyo ku saabsanaa, oo meel dhexe marayey. ”Dokumentari” waa filim aan la hal-abuurin ee xaqiiq...

#14 TUKASHO IYO TUMASHO

Waxa uu soo xusuustay xilli hore oo uu dalka Tansaaniya tegey qiso dhacday. Waxa ay ahayd magaalada Daarasalaam. Reer ay wiilal dhawr ahi u jogeen oo guri aad u weyn lahaa buu la degganaa waagaas uu Daarasalaam joogey. Wiilashii reerka labo ka mid ahaa baa waxa ay magaalada ka soo kaxaysteen naag tansaaniyaan ahayd. Waxa ay naagtaas ku la heshiiyeen in ay ugu galmoodaan afar kun oo shilinka...

Nala Soo Xiriir

Follow Us