Qaybta

Sheeko Maadeed

S

Igu waallo: Awoodaha dhuumaalaysta

Haku fakarin cida aan ahay inaad waqti ku lumiso, waxaan kusiin  doonaa, wax waliba . Waqtigaygu waa kaaga. Sida aaadan u garanayn meesha aan joogo iyo maqaamka aan sito, ayaanan u aqoon aniguba. Horta yaan ahay?  Maahi muuqaalka uu maankaagu ii ekaysiinayo. Hana isku dayin inaad miisaanka culayskayga aad micbaarato, aan isku kaa suureeyo anigu'e ha iga dagdagin. Waxba ma qabto, saamayn toosanna...

Gogoldhaafkii shahiidka baahnaa ku dhacay!

Saboolnimada iyo fakhrigu waa caado ay soomaalidu leedahay oo tacab la’aan, aqoon darro iyo ilbaxnimo xumo ma aha ee waa dhaqan ummadeed. Tuulo soomaaliyeed oo ay wadaaddada Eebbe u go’ay ee Ashabaab haystaan baa waxaa deggan wadaad Ashabaab ah oo reer leh. Qoyskiisu waxa ay sabool u yihiin sida uu shaydaanku fakhri u yahay, wadaadkuna aqoon ma leh oo xoogaa xaddiisyo ah buu garanayaa, waana...

“Ilaahay ha u naxariisto”

Waxaa la sheega in oday kamid ah Soomaalida geelleyda ah wiil uu dhalay uu jirro ama xanuun ugu dhintay deegaan aan kiisii ahayn. Odaygii geel jiraha ahaa warkii baa soo gaadhey, warankiisuna hore qaatay isagoo go’aansaday inuu u aaro wiilkiisa. Markuu soo gaadhey goobtii wiilkiisu Ku dhintay, dadkii waxay Ku boobeen tacsi dhegihiisa waxaa ka batay ereyga “Illaahay ha u...

Sawirka Jannada

aa dhul ballaadhan oo sida dheemmanka u dhaldhalaalaya, dhan walbana dhir iyo ubax baa isku maran oo kannaalo biyo ah baa qulqulaya, daruuro yaryar oo dhool ah baa dhaladayda ka muuqda, dhanka barina guulaamo culus oo madoow baa soo guur-guuranaysa. Dhalinyaro wada shuhado ah baa meel halkaas ah oo wejigayga ku beegan ku tumanaya muusig oo gabdho xuuralcayn ah baa u niikinaya oo dabada iyo...

Kani ku gal (Sheeko)

Dhaqankii hore ee soomaalida wadaaddadu sida badan khayr bay ahaayeen oo ma ay jirin wadaaddada xunxun ee maanta dadka caaya, dila, addimada ka jara oo gaaleeyaa.Wadaaddadu saddex nooc bay ahaayeen. Kow macallin quraan oo dhibta ugu badan ee uu geystaa ay ahayd in uu carruurta jirdilo midkoodii quraanka si fiican u baran waaya ama dowdarnimo kale sameeya, waxa uuna macallinku heli jirey xoolo...

Siyaarada weliyadda Turba Bintu Wallac

Waxaa dalka Lubnaan magaalada Bayruud joogta haweeney weliyad saalixad ah ah oo gaartey darajada ”Caarifad”, waxa ayna cuntaa kalluuun ceeriin keli ah oo cuntada kale xagga Rabbi baa laga soomiyey, waxa ayna cabtaa biyo iyo khamri adag. Dabcan qofkii caarifnimo gaara khamrigu xalaal buu u yahay, waxa ayna sheegtay in biirka iyo wayntu aysan darajada ay gaartey u habboonayn in kasta oo ay xalaal u...

My Bookmarks

Follow Us