Qaybta

Xulka

X

Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar

Goor fiid ah, cadceedduna kolkaas uun godka  ku xarootey. Falaadhaha cirka guduudka ka dhigeyna ay weli sii muuqdaan. Laydh macaan oo aad mooddo sidii saxansaxo, roob inta uu dhulka maasheeyey, laamaha dhirta kolba dhan u ruxaysa. Shimbiraha saaka hiirtii waaberi kasoo hayaamey badda xeeligeeda, ayaa hadda deegaanka korkiisa maraya, kuna luuqeynaya codad ashqaraarka dartii diihaalkii maanta ku...

Sideen ku gaaloobay?

Waa goor fiid ah, waxaan dul jiifaa firaash dhexyaal qol ay laambad daciif ahi ka baxayso. Gacanta midig ayaan moobil yar ku haystaa. Waxaan marba dhan u mushaaxayaa ciwaanada aan ku leeyahay baraha bulshadu ay ku kulanto. Judhiiba ishaydu waxay qabatay maqaal aan dhawr caana maal ka hor qoray. Waakan alaylahe Facebook-gu uu maanta isoo xasuusiyay. Ho'gaaa!! ma afar sanaa ka soo wareegtay? Alla...

Thomas Paine: Faylasuufkii kacaanka

Malahayga ma akhrin faylasuuf ka saamayn wayn Thomas Paine marka ay timaado fikiradda siyaasadda, xuquuqda dadka iyo madax-bannaanida dawladaha hab is xukunka doorashada iyo mataaladda tooska ah ku dhisan. Suuragal maaha inaan halkan ku soo koobo taariikhda iyo fikiraddii Thomas Paine balse waxaan ku hakanaynaa oo si kooban uga hadli doonnaa laba qodob oo kala ah kaalintii uu ku lahaa kacaankii...

Dhaqanka & Diinta: Qaar baa cuna hilibka dadka dhintay!

Dunida waxaa ka jira dhaqamo kala gedisan, tusaale dhaqanka Bushman-ka ku nool lama dagaanka Kalahari ee Koonfurta Qaaradda Afrika, waxaa ka caadi ah in dumarku inta kore ka dhar la’aadaan. Qaawanaantaasi waxba ugama duwana, sida aan anaga u aragno dhar xirashada; raggooda kuma ashqaraaraan, kumana dhaygagaan dhar li’ida dumarkooda. Waxaa la mid ah Turkana-da iyo qaar kaloo badan.

Hidde-Sidaha danaystaha ah iyo Noolaha Nafhurka badan

Nafhurka iyo doorbidka noolayaashu sameeyaan, waxa ugu cajiibsan kan hooyadu ilamaheeda u samayso, waxa aanu gaadhaa heer ay hooyadu nafteeda halis u geliso bedqabka dhallaankeeda, arinkani kolka xayawaanka iyo xeerka badbaaddada lagu eego waa mid aan caqligal ahayn, sidee ayaa ay dabeecaddan cajiibka ahi kusoo horumartay, waayo waxa ay noolaha gayaysiinaysaa geeri, faa'iido iyo badbaado...

Milicsiga aqoonyahanka: Aristarchus of Samos & John Michell

Waxaa jira laba saynisyahan oo aan caan ku ahayn aragtiyihii saynis ee ay soo bandhigeen, inta badan na aragtiyahaas saynisyahano kale loo tiriyo. Labadan saynisyahan waxaa ay kala yihiin, Aristarchus of Samos (dh. 230 BC), iyo saynisyahan Ingiriis ahaa oo la odhan jiray John Michell (dh. Abriil 1793). Aristarchus waxa uu ahaa inta laga warqabo shaqsigii ugu horeeyay ee soo bandhigay aragtida ah...

Maxay ku dhacday in nin kasta oo wahaabi weyn ahi uu lacag badan haysto?

Maxay ku dhacday in nin kasta oo wahaabi weyn ahi uu lacag badan haysto? Dalka Sucuudi caraabiya oo ahaan jirey waddan ku dadaala in ay wahaabiyadu caalamka ku faaftaa nimanka ka soo baxa jaamacadaha dadka lagu wahaabiyeeyo waxa uu u qori jirey lacag ay dalalkooda kaga hawlgalaan oo ay ku faafiyaan wahaabinimada, laakiin lacagtaasi ma ahayn hanti badan oo shirkado lagu samaysan karo ee waxa ay...

Cuf-isjiidadka iyo Carshiga!

Marka aynu u weecano awooda cuf-isjiidadka dhulka, waa mida suura gelisay in wax walba oo dhulka dushiisa saaran ay dhulka uun ku sugnaadaan oo aysan ka duulin oogada dhulka. Dhulku maadaama uu aad uga weyn yahay wax walba oo dushiisa saaran, sidaas daraadeed, awood cuf-isjiidad oo xoogan ayuu ku hayaa wax walba oo oogadiisa ku sugan. Inta mitir ee aad kor u boodi karto marka aad dhulka dushiisa...

Caqliga Eebbe

Waxa aynu nahay dad mu’miniin ah oo caqligooda aan adeegsan ee caqliga Eebbe ka danbeeya xataa haddii uu caqliga Eebbe yahay wax aan la fahmi karin. Caqliga Eebbe waxaa ka mid ah cadaabta aakhiro oo ah in qof nool la gubo oo markii uu dhuxul noqdo haddana la soo nooleeyo oo la gubo oo gubitaankaas lagu wado weligiis. Caqligaas Eebbe la ma fahmi karo cid uu dan u yahay oo Eebbe laftiisa xataa wax...

Jaamacadaha Islaamiga ah maxaa lagu bartaa?

Su’aashaas kor ku qoran in aad hore isu weydiisey waa aan hubaa haddii aad aqoonta aragti ka haysatid. Caalamka kale waa ay jiraan kulliyado diimaha lagu barto, waxa ayna kuwa islaamiga ah kaga duwan yihiin in kulliyadda diimaha lagu barto dhammaan diimaha dunida ka jira kuwa qoran iyo kuwa weli dhaqanka aan qornayn ah, mana jirto jaamacad aan islaami ahayn oo hal diin keli ah lagu bartaa, waayo...

My Bookmarks

Follow Us