Qaybta

Xulka

X

Milicsiga aqoonyahanka: Aristarchus of Samos & John Michell

Waxaa jira laba saynisyahan oo aan caan ku ahayn aragtiyihii saynis ee ay soo bandhigeen, inta badan na aragtiyahaas saynisyahano kale loo tiriyo. Labadan saynisyahan waxaa ay kala yihiin, Aristarchus of Samos (dh. 230 BC), iyo saynisyahan Ingiriis ahaa oo la odhan jiray John Michell (dh. Abriil 1793). Aristarchus waxa uu ahaa inta laga warqabo shaqsigii ugu horeeyay ee soo bandhigay aragtida ah...

Maxay ku dhacday in nin kasta oo wahaabi weyn ahi uu lacag badan haysto?

Maxay ku dhacday in nin kasta oo wahaabi weyn ahi uu lacag badan haysto? Dalka Sucuudi caraabiya oo ahaan jirey waddan ku dadaala in ay wahaabiyadu caalamka ku faaftaa nimanka ka soo baxa jaamacadaha dadka lagu wahaabiyeeyo waxa uu u qori jirey lacag ay dalalkooda kaga hawlgalaan oo ay ku faafiyaan wahaabinimada, laakiin lacagtaasi ma ahayn hanti badan oo shirkado lagu samaysan karo ee waxa ay...

Cuf-isjiidadka iyo Carshiga!

Marka aynu u weecano awooda cuf-isjiidadka dhulka, waa mida suura gelisay in wax walba oo dhulka dushiisa saaran ay dhulka uun ku sugnaadaan oo aysan ka duulin oogada dhulka. Dhulku maadaama uu aad uga weyn yahay wax walba oo dushiisa saaran, sidaas daraadeed, awood cuf-isjiidad oo xoogan ayuu ku hayaa wax walba oo oogadiisa ku sugan. Inta mitir ee aad kor u boodi karto marka aad dhulka dushiisa...

Caqliga Eebbe

Waxa aynu nahay dad mu’miniin ah oo caqligooda aan adeegsan ee caqliga Eebbe ka danbeeya xataa haddii uu caqliga Eebbe yahay wax aan la fahmi karin. Caqliga Eebbe waxaa ka mid ah cadaabta aakhiro oo ah in qof nool la gubo oo markii uu dhuxul noqdo haddana la soo nooleeyo oo la gubo oo gubitaankaas lagu wado weligiis. Caqligaas Eebbe la ma fahmi karo cid uu dan u yahay oo Eebbe laftiisa xataa wax...

Jaamacadaha Islaamiga ah maxaa lagu bartaa?

Su’aashaas kor ku qoran in aad hore isu weydiisey waa aan hubaa haddii aad aqoonta aragti ka haysatid. Caalamka kale waa ay jiraan kulliyado diimaha lagu barto, waxa ayna kuwa islaamiga ah kaga duwan yihiin in kulliyadda diimaha lagu barto dhammaan diimaha dunida ka jira kuwa qoran iyo kuwa weli dhaqanka aan qornayn ah, mana jirto jaamacad aan islaami ahayn oo hal diin keli ah lagu bartaa, waayo...

Sida aad doonto u fikir, laakiin sidooda oo kale u dhaqan

hamaadkii qarnigii Lix iyo tobnaad, waxa ka dilaacay talyaaniga dhaqdhaqaaq xooggan oo ka soo hor jeeday dedaaladii Dib-u-habayntii diinta kiristaanka ee Borotestanku hoggaaminayeen. Dhaqdhaqaayadan is bedel diidka ah ee ka imanyey kiniisada waxaa ka qayb ahaa isku day la damacsanaa in xidididaha loogu siibo murtadiinta iyo dadkii ay markaa kiniisadu u arkaysey in ay diinta ka beexeen bidcona ku...

Doodda Akhlaaqda (Morality)

Dooddani waa mid culus oo soo jireena, in badanna u dhaxaysey dadka Eebbe rumaysan (Theists) iyo dadka aan Eebbe rumaysanayn (Atheists) sida dad badan oo Soomaliyeed uga hadlaana uma fududa, doodduna ma aha dood qofeed ee waa dood aragtiyeed, waana dood dadka Eebbe rumaysan ugu jirta halka doodda Hoogga iyo Hallaaga adduunku (Proplem of Evil and suffering) ugu jirto dadka aan Eebbe rumaysnayn.

Maxamed, Joosif Istaalin iyo Ilaahay

axamed (571-632) oo aan u baahnayn qeexitaan waxa uu deegaan ahaan ka soo jeedaa magaalada Makka ee dhacda galbeedka boqortooyada maanta loo yaqaan Sucuudiga. Maxamed sida la soo wariyo waxa uu sheegtay in awood sare dooratay una xil saartay gaarsiinta dhambaal ay ugu talo gashay dadwaynaha adduunka ku dhaqan.  Dadkii deegaankiisa oo fikraddan Nabinimada ama wakiil Ilaaheedku ayna ku cusbayn ayaa...