Caqiidadu waa siyaasad ay shakhsiyaad ku raadinayeen in ay dadku taageeraan. Dadku waxa ay u ka la baxaan qaar dadka kale lagu salliday oo jecel in ay sida dadku u fakarayaan xukumaan oo in iyaga lagu xirmo jecel iyo qaar aan dadka kale dareenkooda dan ka lahayn oo iskood isaga nool. Dadkii caqiidada soo rogey waxa ay ahaayeen dad jeclaa in iyaga la taageero oo niyadda lagu hayo, waxa ayna sida badan caqiidada ku saleeyeen in ay dadka bajiyaan ama hunguri geliyaan si iyaga loo raaco. Taageerada dadkaas loo hayo oo ah caqiidada ayey cibaadada lafteedu ku xiran tahay oo waa siyaasad loo degey xilli ay dadku aad u wacyi hooseeyeen.
Meelaha cibaadada oo la isugu yimaado waxaa fiican in aan la dumin si dadku markii ay ilbaxaan ay qarniyada danbe u arkaan waxyaalihii ay dadkii ka horreeyey samayn jireen iyo meelihii ay ku samayn jireen. Xilliga aynu joognaa weli waa casri jaahili oo dadku ma wada ilbixin, waxaana taas caddaynaya in ay weli cibaado iyo caqiido jiraan. Cibaadada iyo caqiidadu waxa ay curyaamiyaan shaqada iyo waxbarashada oo waddankii ay ku badan yihiin laga ma yaabo in uu horemaro, waayo shaqada iyo waxbarashada ayaa lafdhabar u ah horemarka oo dhan.