Waxa aad arkaysaa soomaali badan oo ku sheekaysanaya oraaho ay ka mid yihiin ”Xataa gaalka in aad dishid laguu ma bannayn haddii uusan diintaada kugu soo farogelin”. Horta gaalka dil soomaaliyeed ka baqaya oo laga hakinayaa halkee buu joogaa? Gaalka uu soomaalidu isku dhererinayo oo uu dilka ka la ajoonayaa waa kuma? Muxuu yahay dilka aad afkaaga ka saari la’ dahay adiga oo dunida ugu hooseeya dhan kasta? Yaad u raran tahay oo adiga oo liita kugu salliday dad aadan garan karin meel ay marayaan? Ma og tahay in hal guri oo ku yaal dhulalka dadka aad u hanjabaysaa uu ka qaalisan yahay waxa soomaalida dhulkeeda yaal oo dhan? Markii waxyaalaha sidaas u horumarsan la samaysanayey dhulka ayaad joogtey ee maxaad ka qabanaysey? Ma og tahay cid kaa dhib dhacsan oo kaa saboolsani in aysan dhulka joogin? Xaggee bay jiraan dadka aad adiga oo cago-cad nacaybka tusaysaa? Dhankee bay kaa xigaan maxay se ka fakarayaan? Ma carabi waa hore lagu haasaaway baa wax maskaxdooda ku jira kuu sheegay? Yaad u raran tahay oo cadownimada aadan u baahnayn ku geliyey?
Haddii ereyo carabi ahi ay colaad kugu beereen boqorka sucuudigu waxa uu maraykan siiyey 400 oo bilyan, maraykanna ma aha dalalka deeqaha la siiyo ee Soomaaliya ayaa ugu liidata dalalka aan jiri karin deeq la’aan. Waxa Soomaaliya halkaas dhigay waa maskaxdaada ay horumarka ugu sarreeya oo ay gaartaa uu yahay in gaalada cayr loo soo doonto iyada oo carabi lagu caayayo! Ereyada carabiga ah oo sida lagu fahmaa ay fududdahay cudur ay ku geliyeen miyaad kaga wahsatey in aad fakartid? Ereyadaas carabtiiba haddii ay nuxur ka waayeen adiga maxaa dux ah oo kuugu haray? Dadka oo dhammi ereyadaas waa ay arkeen oo haddii aad moodaysid khayr dadka qaar seegay in ay yihiin dad baa u nool in ay wax akhriyaan, adigana waa aynu is garanaynaa oo wax ma aad akhridid. Waxa aad tahay wax isagu cadow isu ah, dadnimadana cadow u ah, oo aan afkiisa iyo carabi midna wax ku kordhin karin!
Qormo cajiib ah