Cilmaaniyaddu waa badbaado

C

Cilmaaniyaddu waa falsafad siyaasadeed oo ay saldhig u tahay cadaaladda iyo xorriyaddu.  kala soocidda diinta iyo maamulkuna waa mid kamida tiirarka ay ku taagan tahay,  waxay dhigaysaa in diinta laga ilaaliyo inay ku milanto dawladda maadaama ay yihiin laba arrimood oo aan waxba iska gelin. Kala guriddaasi waxay diinta ka bad-baadinaysa in siyaasigu nijaaseeyo oo uu danihiisa ku fushado sidoo kalena waxay meesha ka saaraysaa in nin wadaad sheeganaya laakiin siyaasi ahi uu muuqiisa iyo derejada diimeed ee uu huwan yahay ku fushado danihiisa siyaasadeed, taaso diinta wax wayn u dhimaysa.

Diintu waa xidhiidh gaar ah oo ka dhexeeya qofka iyo Eebbaha uu aaminsan yahay, xidhiidhkaasi inuu sii jiro oo adkaado ama inuu meesha ka baxo gebi ahaanba waa wax u yaal qofka oo aanay jirin cid ku qasbi karta sii adkaynta xidhiidhkaas ama kala goyntiisa, mana jirto cid xaq u leh inay ku ciqaabto jebinta  xeerarka u dhexeeya isaga iyo Eebbaha uu aaminsan yahay, sidoo kale ma jirto cid ku abaal marinaysa ama uu kaga sugeyo abaal marin iimaankiisa kordhay iyo cibaadadisa badatay oo aan ka ahayn Eebbaha uu aaminsan yahay.

Kala gurka dawladda iyo Kaniisaddu wuxuu kasoo bilaabmay qaaradda Yurub xilligii maan-furka, waxaana dhaliyey herdankii ka dhexeeyey Kaniisadaha dhexdooda oo dagaal iskula jirey iyo dhibkii iyo dib u dhacii laga mutay markay isku milmeen awoodihii maamul ama siyaasadeed iyo arimihii diintu.
Diinta iyo dawladda oo la isku badhxo waxaa ka dhalanaya dhibaatooyin dhan walba ah oo dadka iyo dalkaba ku habsan kara sida taariikhda waddamo badan oo adduunka ahna ku sumadan, waxayna keentaa in diinta iyo dawladuba qiime dhacaan dadkuna ka tala baxaan labadaba.

Cilmaaniyaddu waa hab maamul oo muwaadiniinta xuquuqdooda simaya isaga oo aan eegayn qabiilkooda, rumayntooda, xisbiga siyaasi ay taageeraan ama fikirrada ay aaminsan yiiin. Dal laguma yeesho diin iyo midab, dhalashana laguma bixiyo inaad diin hebel ka tirsan tahay sidaa darteed nidaamka cilmaaniga ah waa nidaamka keliya ee dhex u ahaanaya dadka dalka wada leh ee kala afkaarta, muuqa, diinta iyo xaaladda duwan.

Cilmaaniyaddu maaha diin ama madhab, kumana qasbeyso dadka inay diin hebel ka tagaan oo qaataan diin kale, cilmaaniyaddu ma diidayso mana xadaynayso in dadku ku cibaadaystaan masaajid ama kaniisado dhistaan. Madaxda dalka kuma xidhayso inay diin/qabiil hebel ka tirsanaadaan balse waa inay ahaadaan muwaadiniin u hoggaansan sharciga denbina aan ka gelin dalka.
Cilmaaniyaddu waxay xaq-dhawraysaa dhammaan xisibyada mucaaradka siyaasiga ah ee waddanka ka jira. waxay ugu deeqaysaa saxaafadda iyo shakhsiyaadkaba xorriyadda hadalka. waxay garab istaagaysaa dadka tirada yar oo ay ka ilaalinaysaa xadgubta bulsho waynta ay ku dhex nool yihiin.

QORMO LA XIRIIRTA:  Diintu Horumar ma keento!

Dadka Soomaaliyeed weligoodba waxay ahaayeen dad ku dhaqma iskuna maamula nidaam cilmaani ah oo aan isku qasin diinta iyo maamulka. Xeer Soomaali ayaa la isku maamuli jirey, dadku waxay u qaybsanaayeen Waranle, Ugaas iyo Wadaad, koox waliba shaqadeeda ayay qabsan jirtey kumana xad-gudbi jirin shaqada kooxda kale.

Nidaamka cilmaaniga ahi maaha mid diideya ama ka hor imanaya diinta balse diinta ayuu ka ilaalinaya inay ku adeegtaan siyaasiyiin iyo dad dano gaar ah leh. Waxaa kale oo muhiim ah inaan ogaanno inaan dal lagu maamulin iimaanka dadka oo maaha iimaanku wax la qiyaasi karo. Dadka dalka maamulayaa haday yihiin kuwo cibaado badan taa micneheedu maaha inay yihiin dad ku habboon hagidda iyo dhisidda maamul suuban. waxaana tusaale ku filan in nabi Maxamed xilliyada uu duullaanada ku jiro talada iyo jeexidda khidadaha dagaalka u dabo fariisan jiray dadkii uga xeel-dheeraa khibraddana u lahaa dagaalada.

Wadaadku wuxuu dadka ku boorriyaa inay xoogga saaraan aakhiro oo ayna isku hawlin tan dhamaanaysa. Wadaadka noocaas ah haddii uu talada wadanka qabto dadka waxa uu u harayaa aakhiro iyo mugdiyaal. Ciddii ku dhiirrata inay ka hortimaaddo nidaam xumadiisa oo cambaaraysana waxa uu bannaysanayaa dhiigooda isaga oo soo qufaya axaadiista faraysa in loo dhago nuglaado madaxda si walba oo ay xun yihiin sida immikaba ka jirto waddamo badan oo Islaam ah, waxaana meeshaa ka baxaysa gebi ahaanba isla xisaabtankii. Wadaadku waa denbaabi karaa, tuug buu noqon karaa, balse inuu shaadh diimeed ku qariyo oo dharkiisa iyo gadhkiisa ku beer laxawsado quluubta dhagwaynta aan ogayn xarkaha uu maleegayo ayaa ah midaan la aqbali karin.

Dawladdu maaha qof oo diin ma yeelan karto balse waa nidaam u adeega danaha dadka samaystay si siman, nidaamkaas dadka ku shaqaynaya waa dad u dhashay dalka oo kala aragti iyo afkaar duwan lagulana xisaabtamayo shaqadii loo dirtay balse aan lagula xisaabtamayn inay tukadeen ama sadaqo bixiyeen, iimaankooda diiniga ahna aan miisaan la saarayn. Dawladdu waxay la mid tahay shirkad ay ka shaqaynaayn dad kala duwan oo aan isku diin, af, midab, aqoon iyo aragti ahayn mid walbana lagula xisaabtamayo shaqada loo igmaday ee uu aqoonteeda leeyahay. Haddii aanu qofku tukan ama aanu gadh dheer lahayn amaba uu khamriga cabbo hadii kuwaasi dadku denbiya u aqoonsan yihiin waa inaan qirnaa in qofka waxaa sameeya aanu dadka iyo dalka ama dawladda denbiyadaas ka gelin balse uu Illaahiisa ka galay isaguna uu kula xisaabtamayo haddiise uu ka dhuunto shaqo qaran, canshuurta bixin waayo, dad dhibaateyo xeerarka lagu heshiiyey ayuu ku tuntay sidaa darteed si waafaqsan xeerka dadku u dejistaan in lagu kala baxo ayaa lala tiigsan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Carruur

Nidaamka cilmaaniga ahi ma fara geliyo diinta kumana adeegto, dadkana kuma kiciyo umana diido inay cibaadaystaan. Nidaamka cilmaaniga ahi wuxuu ilaalinayaa oo dhex u yahay dhammaan muwaadiniinta dalka u wada dhashay ee wax walba ku kala duwan. Cilmaaniyadu waxay ilaalinaysaa si siman xuquuda Wadaadka, Waranlaha iyo Ugaaska wayna u dhexeysaa kamana shaqayso kumana mashquulayso lebiskaaga iyo iimaankaaga balse waxay u taagan tahay siday kuugu adeegi lahayd oo dhammaan xorriyadaha shakhsiga ee aad xaqqa u leedahay u ilaalin lahayd, dadkana ay kaaga ilaalin lahayd inaad ku xad-gudubto ama ay kugu xad-gudbaan.

Haddii ay isku milmaan siyaasadda iyo diintu waxaa dhalanaya mugdi, burbur, colaad iyo dib udhac dhan walba ah, natiijada u danbaysa ee isku milankaas nijaasta ahi waxay noqonaysaa inay soo baxaan kooxaha Daacish, Al-shabaab, Daalibaan iyo Al-Qaacida kuwaasoo dadka ku dhiba magaca diinta balse ujeedkoodu yahay inay talada iyo hantida dalka gacanta ku dhigaan diintana ka dhigta jid ay u maraan yoolkaa habaaran.
Nebi Maxamed wuxuu sheegay in ujeedada kaliya ee loo soo diray ay ahayd inuu farriinta dadka gaarsiiyo sida quraankuba ka marag kacayo – Al-Maaida:99 (ما على الرسول الا البلاغ).

Nidaamka cilmaaniga ahi waa nidaamka keliya ee maanta dadka u damaanad qaadi kara inay nabad, sharaf, xorriyad iyo karaamo ku wada noolaadaan. Xidhiidhka qofka kala dhexeeya eebbihiisa iyo ka kala dhexeeya dawladdiisa waa laba aad u kala duwan una kala fog oo aan la isku mili karin. Dawlad xaq uma laha inay muwaadinka waydiiso sababta uu u tukan waayay, khamriga u cabbay? Balse waxay ku waydiin kartaa oo kaliya sababta aad xeer dadku ku heshiiyay u jabisay? Cilmaaniyaddu waa ta suuragalisay in muslimiin badan oo wadamada yurub iyo waqooyiga Ameerika jooga masaajiddo dhistaan ama diintooda dadka ugu yeeraan oo dacwada ka fidiyaan waddooyinka iyo goob walba. haddii ayna cilmaaniyadi jiri lahayn dadkaas looma ogolaadeen xuquuqdooda aasaasiga ah sida maantaba ka jirta waddamada Islaamka badankooda oo qofka diintiisa bedelaa u halis ugu jiro in la dilo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments