Covid-19 wuxuu si dhaba u karbaashay diimihii dunida

C

Tan iyo bilowgii xaddaaradda, dadku waxay caabudi jireen ilaahyo ay qaarna gacmahooda ku samaysteen qaarna afkooda ku samaysteen oo ay “samada” ku sheegeen.

Tuulo kasta oo dunida ka mid ahi Diin iyo illaah ayay samaysteen, waxayna sheegeen in ilaahaasi yahay awood badane wax walba awooda, waxyaabaha ay jawaabaha u waayeen siday ku yimaadeena waxay odhan jireen ilaahyada ayaa sababa, sida hillaaca, onkodka iyo roobka, amaba in ilaahyadu qorraxda iyo dayaxa dabada ka riixayaan oo ilaah la’aantii cadceedda iyo dayuxu istaagi lahaayeen.

Dabcan waqtigan casriga ah waxayaabaha aan kor ku xusay oo dhan siday u shaqeeyaan waa la sharixi karaa, ilaahyo ka shaqaysiiya ama gacmaha kula jirana looma baahna.

Dadkii hadaba waxa kale oo ay aamineen in ilaahyadaasi ay ka celin karaan waxyaabaha dhibka u gaysanaya sida abaaraha iyo xanuunada.
Ducooyin aan waligood la aqbalin ayay kumanaan sano gacmaha kor u taagayeen oo ay ilaahayadaasi baryayeen.

Hadaba cudurka safmarka ah ee Covid-19 waxa uu kusoo beegmay dadkii oo wali qaarkood ilaahyadii ay haysteen caabudayaan.
Dawladahoodii iyaga oo og in cudurkan duco wax ka tarayn ayaa waxa albaabada la isugu dhuftay meelihii ilaahayada lagu baryi jiray sida kacbada iyo kaniisadihii waaweynaa.

Dawladuhuna iyaga oonan ilaahayada wax ka sugayn ayaa waxa ay bilaabeen raadinta dawadii cudurka, dawadaasina maanta diin iyo kitaab keeni karaayi ma jiraan.

Hadaba su’aalahan ayaa isweydiin mudan,
Aaway ilaahyadii dunidu? Kuwii aaminsanaayi maxay sidan oo dhan uga kalsooni baxeen?
Balaayiin qof ayaa maanta jilbaha iyo wajiga dhulka ku haya oo ilaahayadoodii baryaya maxaa looga aqbali waayay oo duco iyo mucjiso wax dawaysa loo waayay?
Hadii uu nabi Maxamed sheegay in xabasuudu(xabatu sawda) wax walba dawo u tahay marka laga reebo geerida, maxaa loo arki waayay nin maanta xabasuuda dawo u haysta oo aan dan ka lahayn tallaalka khubarada saynisku soo saari doonaan?

QORMO LA XIRIIRTA:  Diintu Horumar ma keento!
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments