DABA-MACAWSAYN (Dabada oo macaws lagu gufeeyo)

D

Kufsiga beryahaan dumarka ku soo batay Gartii Cabdullahi Cismaan ha lagu xaliyo.
Cabdulaahi Cismaan Kenadid (allaha u naxariisto) iyo saaxiibkiis oo safar ah una socda Keenya, bilowgii siddeed-tamaadkii ayaa meel u dhaxaysa xuduudda Somaliya iyo Kenya baabuur kula jabay.

Waxay go’aansadeen inay dhulkaas lug uga gudbaan intay ka gaarayaan magaalo weyn oo ay baabuur ka helaan.

Maalinba reero baadiye oo deegaankaas ku dhaqan ayey marti u noqonayeen, dhaqan ahaan dadka reer miyigu waa dad intooda badan dun wanaagsane si wanaagsan ayey u soo dhaweeyaan oo u sooraan.

Dhowr maalmood markay haddba reer ku hoydaan oo hilib iyo caano laga dharjiyo, ayey goor maqribkii ah reer kale ku soo hoydeen, sidii oo kale ayaa inta gogol wanaagsan geed xoogaa guryaha ka durugsan loo gogley raashin iyo caano loogu geeyey, meeshoodii ayey habeynkaas ku hoydeen, waagu markuu baryey oo quraac laga dharjiyey, ayaa waxaa u yimid ninkii sooryeeyey iyo nin kale.

Oo intay geed weyn oo reerka cabaar u jira ay farta ugu fiiqeen ayey ku yiraahdeen geedkaas ma arkaysaan markaad cuntadiina dhamaysataan geedkaas noogu imaada Gar aad u adag ayaa noo taala oo aan rabnaa inaad nala goysaan oo xalkeeda nala gorfeysaane.

Quraacdoodii markay dhamaysteen ayey geedkii oo odayaal buuxaan yimaadeen.

Cabdullaahi wuxuu yiri geedka odayaal 20 ku dhow oo wada gar cad ayaa fadhiya, way na soo dhaweeyeen way nahayb sadeen iyaguna way isu kaaya sheegeen.

Odayaashii waxa yiraahdeen niman yahow Martida noo ahi ma arkaysaan ninka halkaas ku xirxiran. Gabar ayuu qabay, in muddo ah gabadhu waxay lahayd ninkaan ma wada dhaqmi karnee ha layga furo, Gacan adayg, Gacan qaad iyo af xumo joogto ah ayey ka sheeganaysey, muddo ayaan dhexdhexaadinayney, dhowr jeer ayaan isku maslaxaynay.

Dhowr beri ka hor ayey gabadhii waxay soo istaagtay ninkaan haddaan layga furin mid keen ayaa aakhiro aadaya ee anigiyo ninkaan hanala kala badbaadiyo.

Arintii markay nagu adkaatay oo ay maslaxaddii naga qaadan waayeen ayaanu ninkii ku khasabnay inuu iska furo, ninkuna nin aad u dhaqan xun oo qalafsan ayuu ahaa, oo Gabadha dhibka ay ka sheeganayso kuligeen waan ogeyn.

Markaanu mudo ku khasbayney inuu gabdhaan iska furo ayuu nagu yiri waan furayaaye laba maalmood halaysiiyo.

Gabadhii ayaanu ku niri inta hawsha furiinku dhacayso gurigiisa wixii kaa yaal ka soo qaado oo gabdho ehelkeeda ah la sii joog anagoo ka baqayna inuu dhib kale u geysto.

guryaha baadiyuhu waa kala durdurugsan yihiine markay naga tageen oo ay gurigoodii tageen ayuu intuu gabdhii garaacay oo xarig ku xirxirtay oo meel reeraha ka fog oo cidlo ah geystey ayuu intuu gabadhii dharkoo dhan ka furay oo qaawiyey oo uu Gacana geed ugu xiray Gacanta kalena geed kale ku xiray oo uu haddana lugna geed uga xiray lugtii kalena geed kale uga xiray ayuu si aan qayladeedana loo maqal gambadeedii madaxa u saarnayd intuu afka uga guray ayuu haddana garbasaarteedii inta dhuudhuubay oo isku uruuriyey xubinta taranka (macdanta) uga guray oo weliba intaas ugama harine intuu ul soo qaatay garbasaartii ku sii fogeeyey oo ilaa ilmo galeenka gaar siiyey.

QORMO LA XIRIIRTA:  Diinta iyo dadka iyamaa mudan?

Ayuu haddana iyadoo geedihii ku kala xiran meeshii uga soo tagay, isagoo weliba ku leh bal cid danbe wax hakugu fasho.

Iyadoo xaaladaas ku sugan, ayey maalin dhan iyo habeynkeed markay geedkii ka laalaaday oo ay isku hurguntay naftuna ku sii daba yar tahay ayaa dad meesha marayaa arkeen.

Gabadhii haddii naloo keenay waaba naf kabbax, baabuur ayaanu raadinay oo dhinacaas iyo Kismaayo ayaa isbitaal loola cararay.

Ninkii falkaas sameeyey waa kaas halkaas ku xiran xaalladdii iyo Gartiina way nagu adkaatay oo weligeen dhib noocaan ahi nama soo marine bal niman yahow martida ahi garteennu waxay u badan tahay xaal xukumid, xumayn iyo mag la bixiyo iyo xoolo, laakiin ninkaas dhibta intaas le’eg geystey wixii lagu samayn lahaa ayaa doodu ka taagan tahay ee bal talo keena oo gartaan ha la naqo.

Cabdulaahi iyo saaxibkiis way yaabeen weligood ma aysan maqal arintaan oo kale, cabaar markay is fiiriyeen oo ay yaaban yihiin ayaa ninkii Cabdulaahi saaxiibkiis wuxuu yiri war odayaalow annagu weligeenba meel gar lagu hayo ma aanaan tegin oo dhal magaalo ayaanu nahay, koley arintaas anigu waxba kama geli karo oo weligey ma maqal meel ay ka dhacday ee bal saaxiibkay Cabdullaahi ayaan ku wareejiyey hadduu wax ka oranayo isagaa Reer Keynadiidkii talada goyn jirey ka soo jeedee.

Cabdullaahi indhihiibaa kor u taagmay, wuxuu yiri waa run oo annagu weligeen Gartaan oo kale ma aanaan maqal, waxna idinkuma kordhin karno oo idinkaa odayaal waayeel ahi idinku jiraan oo waayo arag ah, ee odeerayaalow naga wareejiya hawsha martina waan nahaye.

Oday odayadii ka mid ah ayaa Cabdullahi ku yiri ugu yaraan figrad uun ku darsada oo siday idinla tahay nala wadaaga figradaha ayaanu u badsanaynaaye.

Odaygii Cabdulaahi ahaa Jiq bay ku noqotay, saaxiibkiis ayuu dhinac u fiiriyey isagoo uga dan leh war arrinta wax ka dheh, saaxiibkiina intuusan Cabdullaahi garta ku soo wareejin ayuu iska af-jigey oo yiri Cabdullahi cidi kuugu tagi mayso ee ha isoo fiirin.

Cabdulaahi wuxuu yiri niman yahow anigu gar ma goyn jirin, xaaladaanina gar wayba dhaaftay oo anigu waxaan maqli jirey nin nin dilay, xoolo lakala dhacay, gabar la faro xumeeyey iyo wax la mid ah laakiin arintaani waxaas oo dhan way ka weyn tahay, laakiin haddaad nin reer Xamar ah gartiisa ku qancaysaan waxaan idin oran lahaa.

Xoolaha iyo magta iyo xumaynta aad sheegaysiin oo dhan wax micno ah ma lahan oo xoolo ama geel kasta oo gabadha la siiyo iyaddaa ka qiimo badan, haddii xataa kun neef oo geela ninkaan lagu xukumo tolkiis ayaa bixinaya oo isaga laba neef iyo wax la mid ah ayaa ku soo aadaysa.

Marka inta xoolahaas iyo xaal marintaas la iska daayo oo Ninkaan la wado oo la geeyo meeshii uu gabdha ku silciyey iyo geedkii uu Gabadha ku xirxirtay oo isaga na la qaawiyo oo Gacana geedkaas looga xiro Gacanta kalena geed kale loogu xiro, oo Lugna geedkaas loogu xiro lugta kalena geed kale loogu xiro oo si aan qayladiisa loo maqal cimaamadiisa afka looga gufeeyo, macawistiisa dabada halooga guro oo weliba inta bakooradiisa la qaato macawista horey dabadiisa haloogu sii riixo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Haweenow xorriyadda cadaaladdaa ka horraysa

Oo maalin iyo habeyn bay Gabadhu meesha ku xirnayde isaga Laba maalmood iyo laba habeyn inta lagu soo xiro halooga soo tago,

Maadaama raggu dumarka laba jibaar ka badan yihiin marka la fiiriyo xagga diyada, xagga awoodda iyo xoogga, xagga markhaatiga iyo xataa xagga dhaxalka. marka isaga waa in loo laba laabaa mudaday gabdhu meesha ku xirnayd, kadibna inta isla baabuurkii gabadha lagu qaaday isagana lagu qaado dhakhtarka Kismaayo ee Gabadha la geeyey qolkay ku jirto qolka ku xiga isna hala jiifiyo.

Odayaashii meesha fadhiyey yaab baa kasoo haray, qaar qosol ayey la jeesteen kuwana waxay la haayeen war wuxu muxuu ahaa Gar xumaa oo waxay ugu muuqatay gar la gooyo midii ugu foosha xumayd, laakiin Cabdullahi saaxiibkiis waxay ugu muuqatay gar la gooyo middii ugu wanaagsanayd.

Ninkii dambiilaha ahaa walaalkiis oo meesha fadhiyey oo aaminsanaa
Tix uu nin hore oo reerkiisa ahi waa hore tiriyey intuu reero dhan laayey gabay kibir ah ku yiri.

Dadkuna dhuuxa waa iga yaqaan dhaladka Daaroode.
Dhayal iyo cayaar reer Ugaas dhagaha maw gooyey
Awal hore intaan dhowr ka dilay oon wax laga dhiibin.
Maantana mid dhabarkood ku Jabay Dhidarka maw loogay.

Dhici Faraska kuma koobanine dhiig ma soo hoyiyey.
Ragg dharaarin uun buu murmaa dhalasho maw sheegatay.

Oo Geel iyo xoolo hodan ka ah afartan wiil iyo waalo ahina la joogaan ayaa qaadan waayey talada Cabdulaahi ee oranaysa gabar uu walaalkaa faro xumeeyey halooga gooyo macawis dabada looga guray,

Intuu Tooreey iska soo gooyey ayuu Cabdulaahi kula soo orday ka qabtooy iyo waawareey ayaa meeshii ka dhacday, odayashii inay gar gooyaan ayey ahayde inuusan dhiig kale daadan ayey ku hagoogteen.

Cabdullaahi iyo saaxiibkiis si degdeg ah ayaa looga saaray shirkii oo inta nin dhulka kala yaqaan lagu daray lagu yiri nimankaan magaalo hebla gee yaan nalagu diline.,

Cabdulaahi saaxiibkiis qosol afka waa isku dari waayey oo marna wuxuu leeyahay Cabdullahiyow ogow gar-xumaantaadii waan ku siganay oo marbay na malgi lahayde, marna wuxuu leeyahay gar ka wanaagsan waligey ma maqal, laakiin ilaahayow aan ninkaas dabadiisii madowga badnayd aan macawis geli lay oran. Bal hadda Cabdullaahiyow yaa hawshaas dabo-macawisaynta qaban lahaa haddii taladaada la yeeli Lahaa.

Cabdullahina wuxuu leeyahay, adeer dabo haleeye dabo la haleeyuu leeyahay. Hawshuna waa sahal oo gabadha walaalkeed ayaa fulin lahaa.

Waxaan uga danleeyahay beryahaan kufsiiga dumarka ku dhacayey wuu soo badanayaa waxaana sabab u ah qofka wax kufsaday wuxuu og yahay in geel lagu xukumayo iyo xaal, tolkiisuna ka bixinayaan, marka waa in xoolahaan la kala qaadanayo la joojiyaa oo ninka gabadha inta kufsaday dilay waa in isagana la kufsadaa xabbadna madaxaooga dhuftaa (Eye for an Eye).

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments