Dabar go’ diin dhaqameedyada Afrikaanka

D
Badi diinaha dunida ka jiraa ma aha kuwo diiwaan gashan oo caan ah, tusaale ahaan qaaraddeenna madow waxaa ka jira wax ka badan 5000 oo diino dhaqameed, haddana ma aha diino u diiwaan gashan caalamka ama caan ah, boqolkii sano ee u dambeeyey waxaa dabargo’ay boqol kun oo diinood, taas oo macneheedu yahay in sannadkii walba ay baaba’aan boqol diinood oo Afrikaan ah. Sababta ay sida degdegga ah ugu baaba’aan diineheennu waxaa loo aanayn karaa iyaga oo aan asalki horeba qornayn, iyaga oo ku milan dhaqanka iyo afka bulshada haysata. Tusaale ahaan, halka diinaha Eeshiyaanka sida Islaamka, Buudiismka iyo Hinduusimku ay leeyihiin aqoonyahanno ku taqaqusay barashada diintaas iyo arday si cilmi ahaan ah u barata, kuweenna Afrikaanka waxaa aqoonteeda loogu hagaagaa odayaal dhaqameedka, oo ah aqoonyahannada diinta, dhaqaatiirka iyo tiirarka bulsheed, iyaguna badi ma baraan aqoontaas dadka, keliya waxaa laga yaabaa in odaygu markii uu wedkiisu in uu soo dhaw yahay arko in uu wiilkiisa curad wax yar baro, kaasina uu sidaas oo kale yeelo, taas macneheedu waa muddo lixdan ama todobaatan sano ku dhaw ayaan wax diinta ku saabsani cidi baranayn, taas waa loo aaneeyaa burburka xooggan ee ku socda diinaha Afrika, waxaana taas ka sii daran markii ay caddaanku soo galeen qaaraddeenna wax walba waxay ka dhigeen badawnimo oo thaqaafaddoodii sanka inaga geliyeen, teenniina waxay ka dhigeen badawnimo iyo inay tahay xaddaarad la’aan, sidaa daraaddeed ayay Masiixiyaddu u noqotay ilbaxnimo, diimihii deegaannada la gumaystayy ka jiray oo ay Waaqism kamid ahayd u noqdeen badawnimo.

Islaamka iyo Masiixiyadda oo ah labada diinood ee Afrika sida xooggan u soo galay, waxaa caawiyey faafiyayaal (missioners) dadka ugu baaqayey diintaas oo ugu bishaaraynayey farriimaha ay xambaarsan tahay, balse diinaha Afrikaanku ma lahayn faafiyayaal iyo dad naftooda u huray si ay diintaas xeebaha uga tallaabin lahaayeen. Run ahaan ama been ahaanta in diintaasi ay ka timid awood sarreysa oo ku dul dangiigta kursi ka sarreeya cirka muuqda iyo walax kale oo carshi la yiraahdo muhiim maaha balse shayga danta weyn u soo jiidda diintaas ayaa ah dedaalka ay geliyaan dadkeedu iyo bisaylka dadka loo geynaayo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Masayrka Maangaabyada

Diinaha Ibraahiimiyada waxay wadaagaan in ay gaashaanka ku dhuftaan dhammaan diinaha kale ee dunida yaalla sidoo kale ay iyaguna is xejistaan oo is weheshadaan. Tusaale ahaan Islaamku wuu rumeysan yahay jiritaanka Masiixiyadda iyo Yuhuudda, halka Masiixiyaddu ay rumeysan tahay Yuhuudiyadda. Taas macneheedu waa in uu jiro dabar isku xira dhammaan diinahaas ilma adeerta ah. Dhanka kale diinaha Afrikaanku ma laha weheliyad iyo walax isku xira dhexdooda si ay ugu yaraan iskaga weheshaydaan fallaadhaha waabayda leh ee kaga imaanaya diinaha shisheeye ee xeebaha ka soo tallaabay.

Ugu dambayn, halkaa waxaa ka cad in xaq ahaanta iyo been ahaanta diintu aanay ku xirnayn awood sare oo ilaashanaysa diintan iyo run ahaanteeda ee ay tahay wax ku xiran dadaalka ay geliyaan dadka diintaas haysta iyo qaabka ay u faafiyaan, dabcan diinta ugu waayeelsan ee ugu da’a weyn dunida waa Hinduusamka. Hinduusimkununa arko dadka aan tooda rumaysnayn in ay yihiin dad xaqa ka lumayoo la cadaabi doono, iskumana aysan taxalujin faafinteeda, taas ayaa sababtay in ay diinta kale e Yuhuudiyaddu noqoto mid ka caansan oo dadku u yaqaannaan ta ugu waayeelsan diinaha. Markaa, aan mar labaad isla xaqiiqsanno in diintu aysan ku xirnayn awood ilaashanaysa oo inay dabargo’do ka dhawrsanaysa ee ay ku xiran tahay hadba sida ay dadkeedu u faafiyaan oo waqti iyo cududba u geliyaan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada ku darso

Nala Soo Xiriir

Follow Us