Dadka aan carabta ahayn ma addoonbaa?

D
Taariikhda Carabta haddaad dib u raacdo waxaad ku arkaysaa hab nololeedkii ka jiray Jasiiradda Carabta inuu ahaa mid beelaysan. Dagaalada beelaha u dhexeeyey waxay qasbeyeen in aanay jirin beel keligeed cidla taagan oo beel waliba waxay beelaha kale kula jirtey isbahaysi difaac. Dadka aan Carabta ahayn laftoodu waxay ku qasbanaayeen inay helaan meel ay dhabarka geliyeen oo ay kaga badbaadaan dulmiga kaga imanayey bulsha beeleeddaa. Waxaa kaloo iyana jirey addoonsi arxan daran oo qofku markuu xataa xoroobo, waa hadduu xor noqdee, waxaa ilaalin jirey ninkii adoonsan jirey, isna waxaa waajib ku ahayd inuu u dhega nuglaado una adeego ninkaas, Ilaalo la’aan ma jirin cid nabad geleysey.

Markii islaamku faafay dhul badanna xoog lagu gaadhsiiyey, carabtii waxay xoog ku qabsadeen oo kaxaysteen dad badan oo aan Carab ahayn. Dadkaas waxay Carabtu weligoodba u aqoonsanaayeen inay yihiin dad iyaga ka hooseeya.

Addoontii la xoreeyey, adeegayaashooda, iyo kuwa muslimiinta ah balse aan Carabta ahayn waxaa loo yaqaanay Al-mawaali (الموالي) ama kuwii masuulka laga ahaa, Carabtuna waxay ahayd Weligii ama waaligii masuulka ka ahaa (الولي).

Kuwaa masuulka laga yahay sida aan kor kusoo sheegay waxaa loo dirsan jirey adeegyada ama shaqooyinka aanu qabanayn ninka Carabka ahi, sidoo kale waxay ahaayeen dagaalyahanno ama askar dabka lagu guro, waxbana lagama siin jirin wixii dagaalka lagu soo furto balse waxaa qaadan jirey oo qaybsan jirey kuwa masuulka ka ah iyaga.

Carabtu way liiddaa dadka aan Carabta ahayn oo waxay u yaqaaniin Cajam (العجم) oo micneheedu yahay xoolaha (العجمة هي البهيمة). Kuwa masuulka laga yahay (الموالي) looma ogolayn inay madax noqdaan ama guursadaan haweenka Carbeed, balse ragga Carbeed waa guursan jireen haweenka kuwa masuulka laga yahay.

Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda waxaa jira reero la takooro oo magta la bixiya reeraha kale. Carabta iyo Soomaalidu waxay wadaagan sarraynta qabiilka iyo ku dhaqanka qabyaalada. Dadka aan Carabta ahayni waxba kama duwana reerahaa Soomaaliyeed ee la bahdiley welibana kuwii dulmiyey ee takooray ku hoos nool.

Waxaa la sheegaa xiligi Umawiyiinta (662-750) dadka aan Carabta ahayni inay la kulmeen dulmi aad u badan, taliskaasi wuxuu dhaqan geliyey kana run sheegay siyaasaddii u qarsoonayd carabta, wuxuuna toos u faquuqi jirey oo bahdili jirey dadkaas aan Carabta ahayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma boqorro beelahooda la joogaybaa mise rusul aadanaha loo dirray!

Waxa la yidhi Mucaawiye (602-680) ayaa maalin wuxuu u yeedhay rag uu ka mid yahay ninkii la odhan jirey Al-Axnaf Binu Qays, wuxuuna ku yidhi: way bateen kuwii (الموالي) (isagoo ula jeeda dadka aan Carabta ahayn) Carabna waa ka badan doonaan haddaan wax laga qaban, waxay aniga ila tahay in aan badhkood dilo badhka soo hadhana aan ku shaqaysano oo ay suuqa inoo joogaan waddooyinkana aan ku dhisano. Mucaawiye wuxuu rabey in dadka aan Carabta ahayn badhna la laayo qaybta soo hadhana lagu shaqaysto.

Ninkii garsooraha u ahaa Cumar Bin Cabdi Al-Caziiz ee Shacabi (الشعبي) la odhan jirey, waxaa la sheega inuu aad u dhibsaday inuu ku tukado masaajida ay ku tukadaan kuwa aan Carabta ahayn ama loo yaqaan (الموالي), isagoo u arka inaanay meel kuwada tukan karin iyaga iyo Carabtu, maadaama uu rumaysnaa in Carabtu ka fadli badan tahay qolyahaas. Taasi waxay dhashay in la dhiso masjid u gaar ah kuwa aan Carabta ahayn loona bixiyey (مسجد الموالي ).

Gabyaa ka mid ah qolyahaa aan Carabta ahayn ee xaqiraadda iyo dulmiga la isugu daray ayaa ku calaacalay.

ﺍﺑﻠﻎ ﺍﻣﻴﺔ ﻋﻨﻲ ﺇﻥ ﻋﺮﺿﺖ ﻟﻬﺎ
ﻭﺍﺑﻦ ﺍﻟﺰﺑﻴﺮ ﻭﺍﺑﻠﻎ ﺫﻟﻚ ﺍﻟﻌﺮﺑﺎ
ﺍﻥ ﺍﻟﻤﻮﺍﻟﻲ ﺍﺿﺤﺖ ﻭﻫﻲ ﻋﺎﺗﺒﺔ
ﻋﻠﻲ ﺍﻟﺨﻠﻴﻔﺔ ﺗﺸﻜﻮﺍ ﺍﻟﺠﻮﻉ ﻭﺍﻟﺤﺮﺑﺎ.

Dulmigaas iyo xaqiraadaasi waxay dhashay inay soo shaac baxaan xilligii Cabaasiyiinta (750-1517) bilawgiisi dhaqdhaqaayo gobanimo doon oo ay hogaamineyaan dadka dulman ee aan Carabta ahayni. Ururadaas gobanimo iyo sinaan doonka ah Carabtu waa diidey waana ka hortimi waxayna u bixiyeen (حركات الشعوبية). Ururadaasi waxa keliya ee ay doonayeen waxay ahayd sinnaan iyo caddaalad. Waxay ku doodayeen una halgamayeen in lala simo loona caddaalad falo iyaga iyo Carabta, maadaama labadoodaba ay midaysay diinta islaamku. Culimada islaamka ee Carbeed waa ka horyimaadeen codsiyadii kooxahaas gobanimo doonka ah. Al-Qurdubi wuxuu ku sheegay kooxihii gobanimo doonka ahaa inay yihiin kuwo Carabta neceb oo jecel kuwa aan Carabta ahayn. Wadaadka la yidhaado Al-Samkhashri wuxuu yidhi; Ururadaasi waa kuwo Carabta hoos u dhiga oo aan qirsanayn inay dadka wax dheer yihiin.

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamku miyuu mamnuucay is addoonsiga?

Culimada islaamku meeshay doonaan hakasoo jeedeen, cidday doonaan ha ahaadeen waxay isla qirsan yihiin Carabtu inay ka fadilan tahay dadka aan Carabta ahayn.

Maanta oo aan joogno qarniga 21aad in badan oo kamida dunida carabta waxaa ka jira nidaam loo yaqaan Kafiil (نظام الكفيل) nidaamkaasi wuxuu fududaynayaa oo qofkii gacanta u gelineyaa shakhsi Carab ah oo ku shaqaysanaya. Qofkaasi wuxuu adeege u yahay qofka masuulka ka ah. qofkaas ayaa go’aan ka gaadheya saacadaha uu shaqaynayo iyo waxa uu qaadanayo ee mushahar ah. Kafiilka oo keliya ayaad u shaqayn kartaa, isaga oo keliya ayaad u raran tahay, dalkana kama bixi kartid, magaalo kalena fasax la’aan ma tegi kartid. Kafiilku xiliga u doono ayuu kaa dan dhamaysan, kadibna baasaboorkaaga iyo adigaba waaxda socdaalka ayuu isku kiin gayn, iyana dalkaagi bay kuu masaafurin kol hadii lagaa dan dhamaystay.
Nidaamka Kafiilka iyo nidaamkii hore ee lagula dhaqmi jirey dadka aan Carabta ahayn waxba isma dhamaan. Labaduba waa laba hab oo qofku addoon u noqonayo shakhsi carbeed.

Waxaas oo addoonsi, yasid iyo bahdilaad ahi waxay kugu dhaceen maalintaad qirtay oo aamintey inay Carabtu kaa sarrayso, in Illaahay iyaga dadka ka doortay, in diintooda iyo luqaddoodu yihiin kuwa saxan oo barakaysan. Runtu waxaa weeye ma jiro Illaah xagga sare fadhiya oo Carab doortay, mana jirto cid kala sarreysa, balse qofba waa halkuu is dhigo.

Is waydii, hadii maanta uu nin Shiinays ahi kuu iman lahaa oo uu ku odhan lahaa; Illaahay ayaa isoo diray, nebi baan ahay, Shiinuhu waa dadka ugu karaamada badan adduunka, maadama aan anigu kasoo dhex baxay, af-shiinuhu waa afkii jannada, saddexna adaa u door leh inaad diintayda qaadato, inaad baad bixiso iyo inaan ku dilo. Ninka intaa ku yidhaada jawaabtaad siin lahayd maxay tahay? Hadiise aad qarnigii toddobaad noolaan lahayd Maxamed maxaad ugu jawaabi lahayd?

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments