Dayax iyo Qorrax madoobaadka

D

21 bishan(June) ee sannadkan(2020) waxa madoobaan doonta cadceedda, waxa si fiican looga arki doonaa wadamada inyar ka sarreeya dhulbadhaha.

Nasiib daro awawyaasheen iyo dadkii inaga horeeyay aad ayay uga cabsan jireen dayax iyo qorrax madoobaadka, waxay moodi jireen inay ilaahyada ka cadhaysiiyeen, marka dhacdooyinkan dabiiciga ahi dhacaan waxay dadku baryi jireen ilaahyada xoolana way u sadqayn jireen, mararka qaarkood dad ayaaba la sadqayn jiray sidii ay ku caan-baxeen maayaanku(mayans) oo ahaa dad dagi jiraya waddanka hadda lagu magacaabo Meksiko
Mayans.

No photo description available.

Hadda waxaan awoodnaa inaan sii sheegno inta jeer ee dayaxa iyo cadceeddu mustaqbalka madoobaan doonaan, tusaale hay’adda NASA waxa ay sii xisaabisay inta jeer ee dayax iyo qorrax madoobaad dhici doono kumanaan kun oo sano ka dib!
Tusaale waxa dayuxu madoobaan dooonaa maalinta taariikhdu tahay 24ka December 2942 saacaduna tahay 7:49 habeennimo.

Taas waxa ka daran in dib loo xisaabin karo intee jeer ee dayaxa ama qoraxdo madoobaatay, tusaale 88 sano dhalshadii nabi Ciise ka hor bishii maarso 21keedii saacadu markii ay ahayd 7:13 ayuu dayaxu madoobaaday.

Xaq ayaad u leedahay inaad is weydiiso sidii waxan oo dhan loo xisaabiyay, mustaqbalka waxa dhici doonana sidee loo sii sheegi karaa, jawaabtu waa qaaciidooyinkii xisaabeed ee uu dajiyay Isaac Newton dunidana ka caanbaxay.

No photo description available.
Dayax iyo qorrax madoobaadka waxa mucjisadii iyo macnihii laga qaaday markii la ogaaday xilligay dhacaan iyo waxa sababa, dayuxu wuxuu madoobaadaa marka dhulku cadceedda iyo qorraxda kala dhexgalo ee uu iftiinkii qorraxda dayaxa ka qariyo, cadceeduna waxay madoobaataa marka dayuxu kala dhexgalo dhulka iyo qoraxdu ee uu iftiinka cadceedda qariyo isaga oo hadh ama hoos dhulka ku daboolaya.

QORMO LA XIRIIRTA:  Maxey tahay aragtida Darwinism (Evolution)?

Intaas waa in aad intiinna badani wada maqasheen, laakiin su’aal ayaa imanaysa oo ah sidee si jaan-go’an loogu sii sheegi karaa saacadda iyo maalinta dayuxu madoobaanayo?
Jawaabtu waxa weeyi, haddii aad ogtahay halka dayaxa iyo dhulku joogaan iyo xawaarahoodu inta uu yahay waxad sii xisaabin kartaa halka ay mustaqbalka joogi doonaan!
Arrintaasi waa muhiim ee aan marlabaad ku celiyo,
haddii aad ogtahay halka dayaxa iyo dhulku joogaan iyo xawaarahoodu inta uuyahay waxad sii xisaabin kartaa halka ay mustaqbalka joogi doonaan!

Macnaheedu waxay noqonaysaa waxaad tusaale ahaan ogaan kartaa xilliga uu dayux cadceedda dhulka ka qarin doono, sidaasna uu qorrax madoobaad ku sababi doono qayb dhulka ka mid ah.

Maadaama oo uu dayuxu ka yaryahay dhulka iyo cadceedaba hadhka dayuxu dhulka ku daboolo marka uu qoraxda qariyo aad ayuu u yaryahay oo qoraxmadoobaadka meelo yar oo dhulka ka mid ah uunbaa laga arkaa, taasi oo dadkii hore ku adkaysay inay sii saadaaliyaan qoraxmadoobaadka, balse markii uu Isaac Newton soo saaray qaaciidasiisii cuf-isjiidadka caalamiga ah (f=Gm1×m2/R² ) saynisyahan ay Newton saaxiibo dhow ahaayeen oo Edmond Halley lagu magacaabi jiray ayaa isaga oo qaaciidooyinka Newton adeegsanaya markii taariikhda ugu horraysay sii xisaabiyay qorrax madoobaadka, isaga oo sii sheegay maalinta, saacadda iyo waliba daqiiqadda ay qorraxdu madoobaan doonto, sidii uu sheegay ayaa dhacday oo qorraxda ayaa saddexdii bisha shanaad ee 1715 madoobaatay waliba saacaddii uu sheegay, balse daqiiqadihii uu agdhigay oo 4 daqiiqo oo dheeraad ah ayuu ku daray!

Isaac newton iyo qaaciidadiisu aad iyo aad ayay faa’iidadeedo uga balaadhan tahay in qorrax madoobaadka lagu sii sheego, waxa ay inoo suurto galisay in dayax gacmeedyo samada loo diro ama dayaxa dusheeda bini’aadamku ku tamashleeyo, qoraalada dambe ayaan ku soo qaadan doonaa qayb kale oo ka mid ah sida Newton iyo xeerashiisu gabi ahaanba ubadaleen taariikhda.

QORMO LA XIRIIRTA:  Waa maxay Hantiwadaag "Socialism"?

Abwaankii ree ingiriis ee Alexander Pope oo ka mid ahaa abwaanadii ugu caansanaa ee dalkaasi soo maray ayaa waxa uu yidhi;
“Nature and Nature’s laws lay hid in night:
God said, Let Newton be! and all was light”

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments