Dhabta iimaanka (hanuunka)

D
Saddex aayadood oo Qur’aanka kariimka ah ka mid ah bay midi sheegaysaa in hanuunku uu yahay wax uu Eebbe sameeyo, hanuun la’aantuna ay sidaas oo kale tahay. Aayad kale waxa ay sheegaysaa in hanuun la’aanta uu shaydaan sameeyo, aayad saddexaadna waxa ay caddaysay in uu qof kastaa isagu masuul ka yahay in uu hanuuno iyo in kale. Waa mustaxiil in saddexdaas ayadood ay isku meel ka yimaadeen, haddii ay isku meel ka soo fuleenna meel sal leh ma ay ahayn ee waxa ay ahayd meel markii ay awoodda Eebbe eegto ay u la muuqato in uu wax kasta isagu masuul ka yahay, markii ay shaydaanka milicsato ay la noqoto in uu shar kasta isagu masuul ka yahay, markii ay dadka milicsatana ay la ahaato in uu dadku masuul ka yahay xumaanta iyo samaanta uu sameeyo. Sidaas darteed waxaa meesha ka muuqata in halka ay saddexdaas fartiimood ka yimaadeen aysan ka jirin falsafad cilmi ahaan loogu saldhigay oo fadhida ee ay ahayd qof laablakacsan (impulsive) oo hadba ay cidda hadalka sheegtay wax dareemaysey oo uusan dareenka hore waafaqsanayn kuwa danbe.

Laablakaca noocaas ahi waxa uu ku badan yahay dadka maansooda kuwooda ugu aftahmada badan oo la moodo tix dhexdeed in ay dhowr jeer iskhilaafayaan. Waxa aad arkaysaa in ay maansoyannada noocaan ahi isku tix ku sheegayaan in ay qabiil hebel ku duulayaan, isla markiina ay ka hadlayaan in ay nabad u guuxayaan. Waxa aad arkaysaa aftahanka caynkaas ahi in uu sheegayo isku mar iyo isku meel ay reer hebel xun yihiin iyo in ay fiican yihiin. Waxaa dadka sidaas ah tusaale u ah Qamaan Bulxan marka uu tixaha Guba u jawaabey Cali-Dhuux, waana ay badan yihiin ragga maansooda oo sidaas u dhaqmay. Waxaa laga yaabaa ragga maansooda oo sidaas ah in aysan isburintu ka ahayn laablakacsanaan (impulsive) xaalado ka la duwan ee ay u jeedaan in ay dadka meelo badan wax ka tusaan oo aragtiyaha arrimaha ay ka doodayaan laga qabi karo oo dhan ay metelayaan, isburinta daahirka looga jeedana ay u arkaan faahfaahin dheeraad ah.

Eebbe sida la i noo baray waxa uu leeyahay awood aan xad lahayn oo ay wax kastaa maamulkiisa yihiin si xaqiiq ah oo aan laga daba hadli karin, taasi yeysan inaga hoos bixin waa in uu wax kasta isagu ka dhigo sida ay yihiin isaga oo aan lahayn shariig la wadaaga sida uu wax kasta ka dhigayo e. Intaas waxaa u dheer in uusan raalli ka ahayn in amarkiisa la khilaafo, waxa ayna su’aashu noqonaysaa haddii uu isagu sameeyey in la khilaafo lafteeda ma waxa uu sameeyaa wax uusan raalli ka ahayn? Haddii uu sameeyo wax uusan raalli ka ahayn asii aynu og nahay waxyaalaha aan raallida laga ahayni in ay ku yimaadaan in aan la awoodin in ay wax kastaa u dhacaan sidii raallida laga ahaa maxay noqonaysaa dooddaasi? Ma uu awoodaa in ay wax kastaa u dhacaan si isaga raalligelisa si uusan marnaba wax u taban? Waxyaalaha uusan raallida ka ahayn yaa maamula oo ka dhiga waxyaalo uu Eebbe ka dhirfo oo uusan arki karin? Gacandhaafku sidee buu u jiraa haddii lagu heshiiyey in wax kasta uu u maamulo si murtiyaysan?

QORMO LA XIRIIRTA:  Shaydaankii la xidhay!

Shaydaanku sida la i noo baray waa awood sida Eebbe qarsoon oo dadka neceb, waxa uuna masuul ka yahay dhammaan waxyaalaha uusan Eebbe jeclayn in uu geliyo dadka si uu ka dib dadka waxyaalahaas sameeyey Eebbe ugu caroodo oo u ciqaabo. Meesha uu Eebbe yahay awood xumaanta iyo samaanta ama sharta iyo khayrka oo dhan maamusha oo aysan haba yaraato ee jirin wax uusan maamulini shaydaanku xumaan ayuu u taagan yahay oo waxa uu leeyahay awood buuxda oo uu dhanka liita ku maamulo.

Kor haddii aynu u laabanno waxaa jirta aragti diini ah oo sheegaysa in la rumaysto in jiritaanka shaydaan iyo dhammaan waxa uu sameeyo uu Eebbe qaddarey oo sidaas u qorsheeyey, taasina waxa ay masuuliyadda sharta ka qaadaysaa shaydaanka oo waxa ay muujinaysaa in uusan isagu dhab ahaan waxba maamulin ee ay aftahmada Eebbe ka mid tahay in uu marmar shaydaanka cidlo ka eedeeyo. Sida ay awoodda Eebbe iyo midda shaydaanku isugu qasan yihiin oo aan lahayn cid loo rumeeyo masuuliyadda iyo maamulka waxyaalaha dhaca waxaa ku jirta aftahmo duulduulaysa.

Qofka dadka ka mid ahi sida la i noo sheegay aad buu daciif u yahay oo wax awood ah oo weyn ma leh, laakiin waxyaalaha yaryar oo uu qabtaa waxa ay aad ugu dhex rasan yihiin awoodda Eebbe iyo awoodda shaydaanka oo aynu hore u garan weyney sida ay qol gudihiis uga wada hawl galaan. Aragtiyaha diiniga ah waxaa ka mid ah in qofka daciifka ah ay ku loollamaan Eebbe oo khayr iyo shar isugu jira iyo shaydaan oo shar baraxla’ ah, waxaana la isweydiin karaa maxaa loollan keenay haddii uu Eebbe dubbihiisa aan laga doodin waa hore xukumay/qaddarey wax kasta oo dhici doonaa? Midda kale haddii uu Eebbe loollan iyo xintan ku la jiro shaydaan oo uu isagu maamulo sidee bay tahay awooddiisa aan xadka lahayn oo ay aragti kale ee diimeed sheegtay in aysan waxba ka hoos bixi karin?

Aragti kale ee diimeed waxa ay sheegaysaa in qofka daciifka ah laftiisu uu leeyahay masuuliyad uu ku maamulo waxyaalaha uu samayn karo oo hore loo sheegay in Eebbe uu waayo sii horreeyey qaddarey. Markaas dadka laftoodu waa masuul oo in kasta oo waxyaalaha ay samaynayaan hore loo go’aamiyey waxa ay leeyihiin kaalin ay ka qayb qaadan karaan maamulka, loollanka loo dirayna waa in aysan sida shaydaanka Eebbe la loollamin ee ay shaydaanka ku la loollamaan awooddiisa sharta oo Eebbe uu ka xanaaqo, isla markaasna ay u istaagaan in uu Eebbe raalli noqdo. Aragtiyaha diiniga ah waxaa ugu muhiimsan in la rumeeyo in uu Eebbe wax kasta maamulo oo uu waayo sii horreeyey qaddarey, haddii aragtidaas sida ay tahay looga fakarana waxaa meesha ka baxaya shirkiyaadka ah in ay shaydaanka iyo qofku saamayn ku leeyihiin maamulka socda.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo wada diini ahi waxa ay muslimiinta ku keeneen tafaraaruq caqiido iyo in ay dillaacaan firqooyin ay midiba mid nacaladdo. Bilowgii muslimiintu dagaal uun bay ku jireen oo ma ay fakari jirin, waxna ma qori jirin, taas oo ka soo maaxanaysey dhaqanka carbeed oo uu ninka qiimihiisa ugu weyni ahaa sida uu seef wax ugu gumaadi karo iyo in uusan dagaallada baqan keli ah. Markii ay carabtu ummado kale dagaal ku qabsadeen waxaa bilowday falgal ay ka mid ahayd in ay muslimiintu wax qoraan oo ay weliba diinta qoraan. Waxaa halkaas ka bilaabatay mufakarnimo diineed oo ugu horrayn Qur’aanka kariimka ahi farriimaha uu sido loo fiirsaday. Ka dib diintii xagga dagaalka iyo geesinnimada ay muhimaddeedu ahayd waxa ay noqotay bumbo xiran oo afkaaro ah oo inta dadka la soo dhex dhigay looga dhuuntay, waxa ayna bumbadii ka dhex qaraxday soo baxay firqooyin ay mid kastaa Qur’aan cuskanayso oo la moodo middii markaas hadlaysaa in ay xaq tahay, waxaana Qur’aanka lagu sii daray xaddiisyo aan ka marnayn in firqooyinka laftoodu ay isu samaysteen oo koox kastaa ay gargaar ka heshay xaddiisyo ay dad iyaga ahi sameeyeen. Laga ma yaabo in ay firqooyinku midoobaan ilaa uu Qur’aanku midoobo, dadkuna denbi ma leh oo mid kasta aayad Qur’aan ah iyo axaaddiis gaar ah baa hanuunkii saxnaa u la muuqday. Qof baa qaadanaya nas uusan Eebbe waxba u baahnayn, mid kalena mad’habkiisu waa in Eebbe loo gargaaro oo sidaas ayuu dad ku xasuuqayaa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Bilowga Ilaaha diimaha Ibraahimiyada

Arrimahaas aynu soo koobnay haddii la sheego in ay yihiin murti Eebbe oo sida ay tahay duuduub loogu liqayo maxaa la isweydiin karaa murtidu ma wax la fahmo ama la dareemaa ma se waa wax inta laga baqo duuduub lagu liqo? Haddii la baqayo sow baqdinta lafteeda in la fahmo ama la dareemo loo ma baahna? Haddii ay baqdini murti tahay oo in wax la fahmo in la isku dayaa ay hanuunka iyo iimaanka burinayso maxay yihiin hanuunka iyo iimaanku? Midda kale firqooyinka aragtiyaha diineed ku ka la duwan oo ay mid kastaa sheegayso in ay albaab janno taagan tahay sidee loo caddaynayaa midkooda murtidii Eebbe waafaqay? Ma inta mid lagu biiro ayaa inta kale nacayb iyo cay loo la istaagayaa oo taas ayaa murti ah? Waxaa jira firqooyin sheega in shareecada la isku khilaafi karo aan se caqiidada la isku khilaaafi karin! ”Karin” maxay ka wadaan sow tan la isku khilaafay ma aha oo meel kasta uu dhiiggu qulqulayo? Midda kale shareecada iyo caqiidadu haddii ay isku il ka soo burqadeen sow labaduba murtidii madhaafaanka ahayd ee la sheegay ma aha maxaa mid khilaaf ka dhex aloosay, midka kalena u diidey?

Haddii la soo koobo maskaxda dadku aad bay qaali u tahay, waana ay ka sharaf badan tahay wax ay qof ama labo kubbad ku ciyaaraan oo markii ay dhintaan la isku wareero, baqdin gelin keli ahina dadka ugu ma filna in ay wanaag gaaraan iyo in ay awooddooda ka faa’iidaan. In la baqo in aan la baqin baa dhaanta ee garabkeenna Alle ha galo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
4 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Wanaag bidhaanshe
Wanaag bidhaanshe
1 Sannad Kahor

Waa qoraal cajiib ah walal waadna ku mahadsantahy
I hope somali in ay saan wax u arkaan
Aqligana shaqeeyo oo aan lafariisin asagoo xili adoonsi kusugan
Thank you
Wanaag bidhaanshe

Kaasho Maanka
Admin
1 Sannad Kahor

Adaa Mudan sxb Bidhaanshe

Maxamuud Xuseen
Maxamuud Xuseen
11 Bilood Kahor
Reply to  Kaasho Maanka

Kudar faallo…walaal qaali qoraaladaada aad baan u akhristaa, waxaad tahay qof wax bdn garanaya, fahansan inuu alle swc jiro. neceyb u qab carab ama diinta Alle ka hor imaaw oo ha jecleysan Cabsida Alle, balse Dadka walaalahaaga ah ee lagaa beeray Haka jeedin Allahooda, Nolosha waa diin, diintuna maaha Feker ee waa Amar, adigu hadaadan qaadan fadlan Umadda iska daa Diintooda, waad mahadsantahay..

Araweelo
Araweelo
8 Bilood Kahor

Sc horta ninkan wax qoray ma muslim baa mise waa masiixi walaal?