Dhalanroganka Noolaha

D
Dhalanroganku qeexis ahaan waxa weeye: Isbeddelka ku yimaadda hiddasidaha noolaha muddo waqti ah.
Hiddasidayaasha noolayaashu habab badan ayuu is beddelku ugu dhacaa, hababkaas ayaa lagu magacabaa hababka Dhalanroganka (Mechanisms of Evolution). Waxa aan isku dayayaa in aan tusaale ka bixiyo labada hab ee ugu muhiimsan hababka dhalanroganka iyo sida uu noole ugu dhalanrogmi karo hababkaas.

Noole kasta Unug walba oo Unugyadiisa ka mid ah waxa uu ku sidaa oo ku kaydsan Hiddo-sidayaal, kuwaas oo uu ka dhaxlay waalidkii, isaguna uu usii gudbinayo ubadkiisa. Hidda-sidayaaahu waa ka go’aamiya astaamaha muuqaaleed, hab-dhiseed iyo hab-dhaqaneed ee uu noole leeyahay. Nooluhu marka uu hidda-sidayaashiisa u gudbinayo ubadkiisa waa uu koobbi gareeya, haddaba waqtiga uu nooluhu Hiddo-sidayaashiisa u gudbinayo ubadkiisa khalad ayaa dhici kara kaas oo sababaya in Ubadku ay dhaxlaan astaamo aanay waalidkoodu lahayn khaladkaas hidda-sidaha ku dhaca waxa lagu magacaaba (Mutation). Waana habka koobaad ee ay noolayaashu ku Dhalanrogmaan.

Tusaale ahaan ka soo qaad in noolaha “A” uu la tarmay noolaha “B” labadooda waxa u dhashay “C”
Markii “A” iyo “B” ay Hiddo-sidayaashooda u gidbinayeen wiilkooda “C” waxa dhacay khalad (Khaladkaas oo sababay in “C” uu yeesho lix farood halka waalidkiisu ay leeyihiin shan farood).

“C” ayaa isagu muddo ka dib la tarmay “D” labadooda waxa u dhashay “E” kaas oo isna lix farood leh oo uu ka dhaxlay aabihii “C”.

Bulshadii sidaas ayay ku tarantay oo Bulsho isku qasan ayay Noqotay (Qaar leh Lix farood iyo qaar leh shan farood).

Waqti waqtiyada kamida Xaalad adag ayaa soo wajahday Bulshadii taas oo sababtay in uu badbaado noole kasta oo Lix farood leh halka kuwa shanta farood leh ay dabar go’een.

QORMO LA XIRIIRTA:  Waa maxay Evolution?

Habkan waxa lagu magacaaba (Natural Selection – Xulashada Deegaanka) waana habka labaad ee ay Noolayaashu ku dhalanrogmaan. Si fudud habkani waxa uu qeexayaa in deegaanka uu nooluhu ku noolyahay uu saamaynayo sii jiritaanka iyo taranka noolaha, noole kasta oo leh astaamaha u suurtogalinaya in uu deegaankiisa la qabsado waa ka badbaadaya halka noolaha ku fashilma in uu la qabsado uu dabar go’ayo. Tusaale ahaan ka soo qaad in uu jiro Bannaan saxare ah oo ciid cad leh, wax dhira kuma yaallaan dhulkaas, waxa ku nool bulsho Jiirar ah, Jiirarkaasi si kasta waa isaga mid kaliya waxa ay ku kala duwanyihiin midabka dhogorta, oo Jiirarka qaar midabkoodu waa caddaan halka kuwa kale uu yahay madow. Deegaankaas saxaraha ah sidoo kale waxa ku nool Gorgor, Gorhorkaasi waxa uu ugaadhsadaa jiirarka. Haddii aad habka Xulashada-deegaanka dib ugu noqotid waxa aad garan kartaa in Jiirarka midabka madow leh ay dabar go’ayaan ama ugu yaraan tiradoodu ay hoos u yaraanayso, sababta oo ah deegaankaas astaan ku habboon ma laha, oo Gorgorku midabka madow meel fog ayuu kasoo arkayaa halka Jiirarka midabka cad leh ay ciidda cad u eegyihiin, midabkoodana aanuu ciidda ka garan karin Gorgorku. Sidaa daraaddeed waxa aynu odhan karnaa Deegaankaasi waxa uu xushay Jiirarka midabka cad leh, Marka aynu leennahay “Deegaanku waxbuu xushay” deegaanku caqli uu wax ku kala xusho ma leh, kaliya noolaha astaamaha ku habboon leh ayaa ku noolaan kara weeye u jeedku.

Ka soo qaad in dadkii lixda farood lahaa uu deegaanku xushay halka kuwii Shanta Farood lahaa ay tiradoodu aad u yaraatay ama se ay dabar Go’een.

Muddo kadib “H” iyo “G” oo lix farood leh ayaa wada tarmay labadooda waxa u dhashay “K” balse khalad ayaa dhacay marki hidda-sidaha loo gudbinayay khaladkaas oo sababay in “K” uu afar lugood ku socdo lidka waalidkii oo iyagu laba lugood ku socda.

“K” ayaa isaguna tarmay oo ubadkiisa u gudbiyay astaamihiisa oo ay kamid tahay astaanta afarta lugood.

QORMO LA XIRIIRTA:  Cuf-isjiidadka iyo Carshiga!

Muddo kadib hadana waxa dhacay Xulasho-deegaameed kaas oo sababay in dadka labada lugood ku socda ay dabar go’aan ama tiradoodu ay hoos u dhacdo, halka dadka afarta Lugood ku socda ay tiradoodu badato.

Muddo dheer ka dib “V” iyo “X” oo lix farood leh isla markaana afar lugood ku soconaya ayaa wada tarmay, labadooda waxa u dhashay “Z” (V iyo X markii ay wiilkooda Z u gudbinayeen Hiddo-sidayaashooda waxa dhacay laba khalad kuwaas oo sababay in Z uu dib yeesho sidoo kale dhamaan jidhkiisa uu timo ku yeesho).

Immika waxa inoo soo baxay Noole cusub “Z” oo astaamahan leh;

  • Lix farood lugaha iyo gacmahaba ku leh
  • Afar lugood ku soconaya
  • Dib leh
  • Dhammaan jidhkiisa timo ku leh

“Z” marna ma rumaysanyo in awoowgiisii wakhti hore dabar Go’ay ee “A” uu shan farood laha sidoo kale laba lugood ku socon jiray dibna aanuu lahayn
Isla markaana aanuu dhogor jidhka ku lahayn.
“Z” iyo bulsho kale oo tira badan oo la astaamo ah waxa ay ku doodi karaan “Anagu ‘A’ kama aannu soo dhalanrogmin.”
“Z” maanta waxa uu la mid yahay muwaadinka soomaaliyeed ee ku dooda “Anigu Daayeer kama aan iman.”

Khaladaadkaas tirada badan ee ku dhaca Hiddo-sidayaasha noolaha iyo saamaynta uu deegaanku saamaynayo noolaha aya sababa in Nooluhu uu Noole kale u dhalanrogmo oo isu beddelo.
Balse arrinkani wakhti aad u dheer ayuu qaataa Boqollaal kun ama malaayiin sanadood, sababta oo ah khaladaadka ku dhaca Hiddo-siduhu waa naadir sidoo kale hal iyo laba khalad midna noole ma baddalo balse khaladaad tiro badan oo waqti aad u dheer soo biiray ayaa beddela qaabka iyo hab-dhaqanka noolaha

Waxa xusid mudan in dhammaan Khaladaadka aan Qoraalkan ku xusay ee sababay astaamaha ah Lixda farood, ku socodka afar lugood, dibka iyo timaha dhammaan jidhka kasoo baxa, ay yihiin khaladaad jira oo dadka qaar hiddo-sidayaashooda ku dhacay astaamahaasna yeeshay.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
0 Jawaabaha
0 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Jano-gale
Jano-gale

Hada adigu ma waxaad lee dahay daanyeer pay dadku ka soo Farcameen Baqti Hadal xun

Nala Soo Xiriir

Follow Us

Send this to a friend