Dhalinyarada iyo wadaadada

D
DHallinyaro aad u badan oo ubaxii ummadda ah baa qolal mugdi ah ugu xeraysan wadaaddo aan dadkeenna u hayn wax horukac ah oo bulshada ku qulaamiya kutub waayo hore dhimatay oo xataa ay boqorrada carabta ee diracyada waaweyni ka qubaysteen. Dhallinyaradaasi u ma qalmaan in ay hoos joogaan wadaad damiin ah oo ku habsaamay aragti meyd ah, ummaddana raba in uu ku jiido god madow iyo hul uu isagu ku jiro, waxa ayna faca korayaa u baahan yihiin in ay helaan ilays fakar oo ay ka magangalaan aragtiyaha gaboobey ama dhintay oo lagu la dhex meeraysanayo. Markii ay ummaddu wax u fakara weydey bay dad badan oo dayacmay waxa ay iska ag fariisteen wadaaddo maangaab ah oo la moodo in loo abuuray dullaynta iyo habsaaminta maskaxda ummadda.

Soomaalidu waa dad oo ka ma marna in ay yeeshaan qofqof aqoon iyo fakar leh oo dareemi kara sida ay wadaaddadu ugu ciyaarayaan fahanka bulshada, laakiin dadka fakarka leh waa la baqsaday oo waxa ay u qaateen in qofkii wadaaddada ka hor yimaada la dilayo ama la takoorayo oo ay dhibaato gaarayso. Labo arrimood baa halkaas ku jira oo midda kowaad waa in aysan wadaaddadu hayn aragti nuxur leh oo haddii ummadda wacyi loo samaynayo ay aragtida wadaaddadu tahay wax tabar daran oo aan lugo adag ku taagnayn, midda labaadna waa in qofkii aragtidiisa darteed loo dilaa uu yahay qofka ugu geeri fiican oo in ay dhowr wadaad dadka baqdin geliyaan ay liidnimo tahay.

Sideedaba markii ay dunida danbaysa aragtiyo isku hardiyaan laga ma maarmo in ay dad ku dhintaan ama ku dhibtoodaan, in uu qofku in uusan dhiman ku mashquulaana waa miskiinnimo oo qof naftiis waxaa ka weyn darxumada ummadda laga saarayo. Adduunka soo ma marin qof aragti muhiim ah keenay ama dad fakarkood beddeley oo baqdin uu in la dilo ka yaabay u joojiyey faafinta mabda’iisa togan, qof dhimashadiis iyo noloshiisna waxaa ka dhumuc weyn danaha bulshada loo hayo iyo aayaha hummaagga dadweynaha. Baqdinta ka sokow waxaa laga yaabaa in qaar badan oo fakarayaa aysan lahayn codkarnimadii ay dadka ku saamayn lahaayeen, qaar kalena waxaa laga yaaabaa in ay la tahay in aan waxba laga qaban karin dhaqamada jahliga iyo khuraafaadka ah ee xididdaystey, laakiin waxaa in la ogaado mudan in ay qof ama labo beddeli karaan dhaqanka iyo fakarka caalamka oo dhan, isla markaas bulsho aysan iyadu isbeddelin ee ay qof ama labo aalaaba dooriyaan sidii la ahaa. Waxaa la hubaa hummaagga ay jahliga iyo wadaaddada khuraafaadka rimani mugdiga ku haystaan in ay oodda jabsanayaan haddii ay helaan ilays fakar iyo nuur aqooneyd, waayo waxyaalaha dadkeenna lagu maaweeliyaa ma leh jirrido iyo xididdo ad’adag oo ay isaga difaacaan fakar iyo aqoon shiilan oo abaabulan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Bullaacadda Qaraxa

Dhammaan xargaha ummadda lagu ceejiyey waa waxyaalo uu go’itaankoodu isha baarkeeda yahay oo aan la loollami karin caqliga saliimka ah iyo aqoonta, dhallinyaraduna inta la moodayo waa ay ka maskax iyo maan fudud yihiin oo haddii ay baraarujin yar helaan iyaga ayaa ciyoon fakarka iyo doodaha hoggaanka u qabanaya.

Baahida ugu beer iyo bog xanuun badan baa maanta loo qabaa in la isku hardiyo kacdoomo fakar oo ay kumanyaal ku dhintaan haddii dhimasho la fursan waayo oo ay wadaaddada gacanta fududi shanta ka hadlaan, waxaana la naawilayaa in ay dadka aqoonta leh habbisada iyo quusta saarani ka haadaan oo ay dooduhu midig iyo bidix isku labo rogaan. Haddii aan af iyo addin la isku tacaddiyin laga ma yaabo in meesha hoose ee aynu joogno aynu madaxa kor uga qaadno, wadaaddada maangaabka ahna waxa ay maanta la tahay in ay dadku yihiin wax ay quful ku jebiyeen iyo wax iyaga ka baqaya oo aan oran karin ereyo khuraafaadkooda iyo khashiinnimadooda mudmudaya. Waa la gaarey xilligii barqo wajiga la isku diiri lahaa oo la isla jibaaxi lahaa xas iyo oodo dhiig leh si maskaxda ummadda soofe loo mariyo oo looga dareero beenta iyo bugtada loo hoganayo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments