Dhalinyaro shakisan miyaa?

D

Maqaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaad ka akhrin kartaa dhammaadka qormadan.

Maqaal uu qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Gudoomiyada xisbiga wadajir) ayuu ku sheegay in ay jiraan dhalinyaro isaga tagtay diinta, xildhibaanno iyo wasiirro shakisan. Isaga oo arrintu heerka ay mareyso ku tilmaamay (Phenomena) ama wax aan caad saarneyn. Abdirahman inkasta oo uu mushkiladda u tiiriyay in ay tahay wax ka dhashay fashilkii xarakaatka islaamiga ah iyo tafsiirka macangagnimada ku dhisan ee kooxaha xagjirka ah, xalkana uu u arkay in la helo dad la mid ah sheekh Xaamid Alqazaali oo sida uu tilmaamay waqtigiisii ka hortagay falsafaddii Giriiga ee sida ba’an loogu saamoobay, hadana waxaa aniga ii muuqata in Cabdiraxmaan iyo qolyaha la mid ka ah ee og waxa socdaa ay haddana iyagu iska sii indha tirayaana ama aanay hoos ugu dageyn waxa jira.

Dhaqdhaqaaqa jira ee uu xusay saaxeebkeen ma ahan mid ka dhashay fasir qallafsan iyo mid jilicsan toona ama falsafadda shisheeye oo lagu saamoobay ayna tahay in loo helo wadaad aftahan ah sidii Al-Qasaali.

Runtu waxa ay tahay in dhibaatada jirtaayi aanay ka imaaneyn fasiraad qaldan oo diinta la huwiyay laakiin dhammaan kooxaha islaamka kuwa hore iyo kuwa danbaba laga soo billaabo saxaabadii oo birta isaga aslay annaga ayaa saxan, Ahlusunno, Shiico, Khwaarij, iyo guud ahaan kooxaha islaamkuba ay yihiin dad aan waligood hoos si dhab ah ugu eegin waxa ay isku heystaan iyo sababaha keenaya dabar go’ooda iyo in ay ku guul-darreystaan ahdaaftii ay dhigteen.

Aragtideyda oo ka dhalatay dul istaagga nusuusta diiniga ah sida ay u qorantahay kana maran aragtida qaddaasadda iyo dabaggalkeygii taariikhda islaamka waxaa iiga soo baxay in mushkiladdu tahay naska qudhiisa ee ayba dabiici tahay in isaga sida loo fahmayo la isku khilaafo.
Doodda anigu aan qabo oo aanan hoos ugu sii dagayn hadda balse waqti kale imaan doonta ayaan rabaa oo kaliya in aan tilmaamo in inta aan ku wareegsaneyno fasirka diinta ayaa la qalday ay uun la mid tahay sheekadeennu gorayadii madaxa bacaadka ku aasatay.

Cabdallah Al Qasiimi

Tusaale qofka aaminsan in Cabdalla Al qasiimi oo ahaa oday 90 jir ah kana gaaray aqoonta diinta in lagu magacaabo Ibnu-Teymiyihii waqtigan ma noqon karaa wiil fahamka diinta laga qalday ama iska indha tira odayaashii waaweynaa ee waxtarka u lahaa xitaa xadaaradda islaamka sida; Ibnu Siinaa, Ibnu Nafiis, Al farabi, Al Khawarizmi, Ibnu Khalduun, Ibnu Rushdi, Abu Al calaa Al macarri iyo kuwa kale oo badan oo laakiin kala heer ah xagga fikirka dhammaantoodna lagu tilmaamay culimo malaaxida ah in aan indhaha ka qarsanno mushkiladdii ay ka hadleen isla ayadii oo maanta ku hubeysan aragtiyo cilmi ah oo waqtigu daah furayna kaga gaabsanno hadallo dadweynaha lagula hadlo uma arkayo in ay xallineyso halista aad dareentay.

Maqaalkan uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur boggiisa Facebook ku daabcay qaabkan hoose ayuu u dhignaa.

“Maalmahan waxaa soo kordhaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee diinta ka baxaya, kuna dhiirranaya in ay warbaahinta xiriirka bulshada si furan uga doodaan. Dhallinyarada caddeysanaysa waxay u badan yihiin kuwa qurbaha, waxaase jira dhallinyaro badan oo diinta ka shakisan oo gudaha dalka ku nool, laakiin sababo amni darteed aan caddeysan karin fikirkooda.

Waxay dood la xiriirta jiritaanka Eebbe iyo run ahaanshaha risaalada Nabiga (SCW) ina dhexmartay dhallinyaro iyo masuuliyiin xildhibaanno, wasiirro iyo safiirro ka mid yihiin. Markii arrinku dhowr ruux dhaafo waxaa loogu yeeraa (phenomena) ama (ظاهرة.), mana ah wax qarsoomi kara.

Waxaa iyana dhinac socota afkaarta diinta ee xagjirka ah ee kooxaha qarxiska iyo qoorgooyada sida Al-shabaab iyo Daacish ay wadaan ama kuwa aan gacan ka hadalka aheyn laakiin xagjirka ah sida Al-saaciduun Bil-xaq iyo kuwa la mid ka ah.

Dhinaca kale waxaa soo baxay dhallinyaro aan aqoon badan diinta u lahayn oo isku deyaya in ay farriimo Koo-kooban oo dabacsan oo qosol iyo si maadaysi leh diinta u gudbiyaan.

Natiijada Ilxaadka ama diin ka baxa, iyo in dadku u jabaan dhallinyarada farriimaha dabacsan ee maadeysiga leh la yimid waxaa qayb weyn ka ah fikirka gurracan iyo falalka argagixiso ee ay ku kacayaan kooxaha xagjirka ah oo dadkii diintii nacsiiyey.

Waxaa kaloo qayb ka mid kooxaha Islaamiyiinta kala duwan ee Soomaaliya ka jiri jiray laakiin haatan nuxuusay sida: Al-itixaad, Al-islaax, Al-waxda, Aalu Sheekh iwm ee ka soo qalin daartay Ikhwaanul Muslimiinka Masar ama Salifiyada Sacuudiga. Kooxahaas waxay la yimaadeen hal ku dhigyo waaweyn, waxay abuureen baraarug cusub oo dhallinyarada lagu kalsooni gelinayo in Islaamku xal u yahay nolosha aduunka iyo dawladnimada. Waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, sidoo kale waxay isku dayeen in ay iska dhiciyaan ama ka hortagaan afkaarihii iyo aragtiyadii galbeedka ee ka soo burqanayey (Modernity, الحداثة), ama Aqoonta Casriga.

Raggii waaweynaa ee afkaarta Islaamiyiinta keenay waxay taageerayaashoodii u sheegeen in ay aqoonta casriga qaybteeda Sayniska iyo Tiknoolajiyadda qaataan, laakiin ay iska ilaaliyaan qaybta falsafada, fikirka iyo aqoonta aadanaha la xariirta. Dhallinyaradii ay fikirkaas ku abuureen markii ay u daaddageen falsafadii sayniska iyo Tiknoolajiyada ee ay Modernity ama Casriga , badwayn ayey ku dhexdhaceen, waxaana ka hor yimid su’aalo badan oo aan jawaab loo haynin oo maanwareer ku riday. Waxay kaloo xaraakaadkii Islaamiga ku fashilmeen in ay u jawaabaan nolosha iyo xaalada murugsan ee dalka ka taagan, taasoo hanjab ku riday dhalinyaradii ay gacanta ku hayeen. Culimadiina intoodii badnayd waxay noqdeen maadiyiin aduun bursi ku jira. Waxay galeen ganacsi, NGOs iyo qaar maamulada iyo dawladahii dalka soo maray isku dhiibay. Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay afkaartii iyo mabaadi’dii qurxoonayd oo ay dhalinyarada u sheegi jireen.

Waxaa kaloo iyana soo baxday in dhallinyarada qurbaha ku dhalatay iyo waalidoontada ama cullimada Soomaaliyeed ee casrigan joogta aysan isla jaanqaadi karin.

Waalidku haddii uu dadaalo wuxuu ubadkiisa geyn karaa malcamad iyo Masjid, balse waxaa soo baxday in dhallinyaradii aysan jawaabo u heli karin su’aalaha kaga imaanaya falsafada iyo climiga ay Iskuullada iyo jaamacadda ugu tegayaan, gaar ahaan kuwa liddiga ku ah diimaha.

Falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah, u daaddegga falfasada aqoonta casriga ah iyo iyadoo aysan jirin culimo ama mufakiriin Soomaaliyeed oo arrinkaas dhallinyarada ka horreeya oo cullimadii ay u bateen wacdi iyo waano ku celcelis ah, waxay keentay in la waayo cid si caqli ah dhallinyaradii u qancisa, keliya habaar iyo aflagaaddana dusha looga rido.

Imaam Abuu Xaamid Al-ghasaali ayaa xilligiisii waxay muslimiintu ku daateen barashada Falsafada. Taasi waxay dhashay in diintii la xaqiro hoosna loo fiiriyo cullimadii, cidii aan falfasafadda barana caamada lagu xisaabo. Al-ghasaali wuxuu billaabay in uu Falsafada u xeraysto, darso ka dibna naqdiyo oo dhaliilo. Wuxuu qoray buuggii caan baxay ee loo bixiyey (تهافت الفلاسفة), Macno darrida Falaasifada. Waxaa la oran jiray Al-ghassali Falsafadii ayuu cirka ka soo dejiyey oo uu dhulka keenay. انزل الفلسفة من السماء الي الأرض

Waxaan maanta u baahanahay Al-Ghasaali yaal badan oo aqoonta casriga ah inta darsa, diintana yaqaan oo meel naga saara su’aalaha waaweyn ee jawaabaha waafiga ah u baahan. “

— Dhammaadka hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend