Dhaqan, Diin iyo Anshax Maxaa Isku Soohey?

D
Caqiidooyinka ba’an ee diimaha laga dhaxley waxa kamid ah in garashada dadku dhantaallantahey, oo hadduusan jirin dastuur rabbaani ah oo dadka celiya dhaqan xumo walba lagu kacayo. Odhaah hore baa waxey leedahey, “Intaad nin xagato, dabadeedna fiirso bahal dhiigaya.” Waxa loola jeedaa, anshax wanaagga iyo xadaaradu waa uun maqaarka sare ee ku dahaadhan waxshinimada iyo qubxiga dadka gunta uga jira, caqliguna u horseedo. Wax cusub maaha in diimuhu intay dabciga dadka soohdimeeyaan, wixii wanaagsan Allah u nisbeeyaan, inta xunna insaanka qoorta u sudhaan. Hase yeeshee, sida dunida maanta la joogo ay marag u tahey, diimuhu ma laha qiil ay ku shaabadeystaan anshax wanaagga. Xeerarka iyo shuruucda u qaydanna waxa hoy u ah hab fakar-dhaqameed duug ah oo maanta in aynu maaweelino dib-dhac iyo foolxumo inagu tahey.

Ilaahey oo Muuse milkinaya xeerarka ay tahey in bulshadu isku dhaqdo (The 10 commandments).

I.

Diimuhu waxey ku andacoodaan inay marjac u yihiin anshaxa (ethics), la’aantoodna aysan jirin wax bulshadu iskaga gaashaanto cawaannimada iyo fuxshiga. Dooddan se marka loo kuur galo lugo ay isku taagto ma laha, xitaa haddii wadaadada qowlkooda loo tixraaco. Tusaale ahaan, Muslinku waxey aaminsanyihiin in Allah waxa wanaagsan dadka faro, wixii xunna reebo. Laakiin hadduu isla Allah go’aaminayo waxa “wanaagsan” ama “xun”, waxa nuxur beelaya wanaagga/xumaha. Haddii kufsiga la fari lahaa, kaalmadana la reebi lahaa, kufsigu “wanaag” ayuu noqon lahaa halka kaalmaduna noqon laheyd “xume.” Muslinku laakiin warkan uma cuntamayo, oo wuxu la soo boodayaa “Allah siduu wax xun u fari karaa?” Su’aasha ka habboon se waxa weeyaan, “Maxaa u diidaya? Soo siduu doono yeele maaha?”

Mufakiriin ka tirsanaa muctasiladii hormuudka u aheyd xadaaraddii miigganeyd ee ka jirtey dunida Islaamka xilligii khilaafada cabbaasiyiinta, ayaa iyaga oo u jaamo idlaystey inay ka jawaabaan su’aasha ah: “Ilaahey ma wuxuu faro ayaa wanaagsan, mise wixii wanaagsan ayuu faraa?”, waxey dooddoodu isugu soo biyo shubmatey in mandiqqa lagu shaandho-miirayo anshaxa, ee xumaha iyo samaha lagu kala soocayo, ka madaxbannaan yahey Allah. Sidaas darteedna ay jiraan waxyaalo uusan Allah u badheedhi karin sida beenta iyo gafka. Haddii kale oo la dhaho marba wuxuu Allah faro ayaa wanaagsan (arbitrary), wax wanaag ama xume la dhaho ma jiri karaan. Waxa bartan baylah ku noqonaya sifada “wanaagga” ee Allah isku sunto. Intaa waxa dheer, waxey ka dhigantahey bulshada Muslinku waa sidii dameeri dhaan raacdey oo kale, oo kolba dhinacuu haatuf uga heeso u karaar jabsha. Midey noqotaba, ma jiro caqli isku soohaya diimaha iyo anshaxa suuban.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dhaqanka & Diinta: Qaar baa cuna hilibka dadka dhintay!

II.

Tol waxa loo yahey nin goommoon garashadii, iyo nin gardarran qabashadi

Reer miyigu marka ay qof ku sifeynayaan “tolnimo”, waxa jiro shuruudo u xeeran beel kasta oo la rabo in qofkaasi kasoo baxo. Waxa kamid ah shuruudahaas in qofku kaalmeeyo xubinka beesha ka tirsan ee baahidu hayso, midka gardarro ku indho adeygana u naqo, oosan ka yeelin inuu dhaawac gaysto. Sidaa darteed, shakhsiga raba inuu tolkiisa wax la qaybsado waxa ku waajiba inuu shuruudahaas buuxiyo, islamarkaana hanto sifada “tolnimo.” Bulsho walba waxa u dajisan xeerar sidan oo kale qaabeeya habkooda dhaqan-dhaqaale, kana saacidda bulshada daboolista baahiyaha duruuftu keento.

Yoolku siduu rabo ha noqdee, xeerarka ay bulsho leedahey waxey mar walba ka turjumaan mabaadi’da laga tilmaan qaadanayo kolka xeer-dajinta iyo xaqsoorka lagu hawllan yahey. Soomaalida reer miyiga ah mabaadi’dooda waxa kamid ah maah-maahda odhaneysa, “tol waxa loo yahey nin goommoon garashadii, iyo nin gardarran qabashadii.” Mabda’an xeerarka uu ugogol xaadhayo cidda ay saacidayaan waa tolka, oo kooda baahiyeysan si wadajir ah ayaa loo kaalmeyn, ka gardarro ku dhaqaaqana si wadajir ah ayaa loogu caqli celin. Laakiin reerka colaaddu ka dhexeyso ee nacabka ah, mabda’an kama soo horjeedo in inta guluf lagu qaado, dabadeedna xoolo iyo hantidooda lasoo jabsado. Muhiimaddu waa uun in xoolahaas lasoo jabsadey tolku isku anfaco.

Marka Baadi goob loogu jiro caddaalad iyo nidaam laga dugsado xaqdarrada, waxa la raadinayaa waa mabda’ haga xeer-dajinta iyo nidaamka xaqsoor ee bulsho leedahey. Mabda’ duug ah oo laga dhaxley bulshooyin jahli iyo duruufo adag ku sugnaa, sharciyada ka dhalan karaa waa kuwa si lamid ah mar walba ka turjuma jahli iyo nolol cidhiidhi ah. Bulshadeennu iyada oo og in dhaqan reer guuraa uusan la jaanqaadi karin dunida maanta, maxaa ku hawley inay mabaadi’ reer guuraa, diin iyo dhaqan midkey rabaan salka haku hayeen, ay shaati casri ah ku qasbaan?

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma jirto xadaarad Islaami ah!

III.

Billow aadmigii aan u dhashaan,
yara ku dhaamaaye,
[dhurduhu] Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo,
igaga dheereeye

Soomaalidu waa dad ay ku jirto qab ka itaal weyn iyo isla qummani xad dhaaf ah. Iyaga oo maanta indho fiiqan ku daalacanaya sida habsamida leh ee dunida badideedu u meelmarisey mabaadi’da lagu dhawrayo xuquuqda insaanka, oo qaarkood la cajabsan yihiin anshax wanaagga bulshooyinka horumarey, haddana kolka la dhaho xeerar gaalo laga soo xigtey ha la dardar galiyo, sidii xoorkii ayey cadho inay la bakhtiyaan waxyar u jirsanayaan. Markey dhago shisheeye inaga maqan yihiin, wadaad wahaabi ayeynu afka u dhiganeynaa oo la rabaa in mugdiga laga siraadsado. Kolka beesha dunidu indho gaar ah inagu haysana, bootar iyo makeup ayaa dhaqankii lala daba tumanyahey. Jahwareer ayaa bulshadeenna dalambaabiyey, oo dhinac waynu ognahey haddii horumar la rabo bulshooyinka loo baahanyahey in la tusaaleysto. Dhinacna qab iyo caqiido qallafsan baa lafaha inagaga jirta oo nidaamkii anfaco loogu hagaagi lahaaba diin haddeyna is hardin, soomaalinimo ayeyna is cafineyn.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Dil wadaadkasta
Dil wadaadkasta
1 Bil Kahor

wow aad ayaan uga helay qoraalkaan, su’aal, sidee waxaan u qortaa/q0rtiin idinki somalia jooga, kama yaabin in la idin dhameeyo? waxaan ku leeyahay horumar baa sidaa ee siu wad, sidiu reer galbeed xilligii Renaisance age ayaa fikiro/afkaar wanaagsan na siineysaa. is ilaali huuno

Last edited 1 Bil Kahor by Dil wadaadkasta
Kaasho Maanka
Admin
1 Bil Kahor

Mahadsanid sxb, runtii cabsi badani way jirtaa gudaha deegaanada soomaalida balse haddii adiga fikirku kugu eg yahay oo feejignaan badan samayso cidina ma ogaan karto waxa aad internet ku qorto

W/Q: Kudil Waaq