Dhaqan Doorin

D
Soomaalidu waa dadka ay ugu fuddudahay in dhaqankooda la beddelo, laakiin waxaa ku yar dadka dhaqan’abuureyaasha ah oo bulshadu sida ay u socoto wax ka dooriya. Waxyaalaha in soomaalida dhaqan cusub degdeg loo gelin karo muujinaya waxaa ka mid ah sida fudud oo ay wahaabiyadu u beddeleen lebbiska dumarka. Maanta haweenka soomaalidu waxa ay ka siman yihiin in ay timohooda qariyaan, badankoodana ka ma aha diin ahaan ee dhaqan bay noqotay oo kuwa aan tukan oo soomini madaxa waa ay dabooshaan. Waxaa dhaqankaas barbar socda in dumarka soomaalida ee heesaa aysan madaxa daboolan marka ay heesayaan, la la mana yaabo oo bulshadu waxa ay qaadatay in marka ay dumarku heesayaan ay timaha banneeyaan. Haddii la arko haweeney madaxa qarsatay oo heesaysa xataa wadaaddada ayaa la yaabaya oo dhaqan xumo u arkaya, waayo waxaa la caadaystey in marka la heesayo madaxa la banneeyo.

Soomaalidu waa dad qoys oo kale ah oo aad isugu xiran oo qaar wixii uu sameeyo ay inta kale la sameeyaan, waxaana la moodaa dad dhaqan ahaan reer miyi ah oo aan fakar culus xammili karin ee aragtiyaha gaagaaban xambaara. Qowmiyadaha dunida ku nool soomaalidu waa dadka ugu diin jecel, waxaana sababay in ay aragtiyaha diiniga ahi fudud yihiin oo aysan fakar culus u baahnayn, waayo dadkii ay diintu asal ahaan ka timid baa ahaa dad reer miyi ah oo si fudud wax u fahma. Waxaa la sheegaa in ay soomaalidu ku liitaan qoritaanka iyo akhriska oo ah labada waxyaalood oo bulshada kobocsan lagu garto, waxaana keenay in ay qoridda iyo akhrintu u baahan yihiin maskax deggan oo wax shiili karta ama fakar abaabulan iyo dulqaad. In buug la qoro waxaa ka horraysa in buug la akhriyo, in buug la akhriyaana waxa ay u baahan tahay samir iyo maskax abaabulan oo weliba qofka akhriska ku cusubi waa in uu naftiisa khasbo oo uu ku cadaadiyo in ay fakarto oo waxyaalo isku xirxirto.

Soomaalidu waa ugaar ka fiigsan ummadaha caalamka aan carabta ahayn, oo waxa ay awoodaan in ay keligood aragtiyo yaryar iyo muran faaruq ah isdhaafsadaan oo qur ah, waxa ayna u baahan yihiin mufakiriin iyo dhaqan’abuureyaal wacyi sare leh oo duurka ka soo qabqabta oo marabbiyeeya, fakarka carruurtoodana ka beddela sida ay yihiin ee wahsida badan oo u bisleeya in ay si macne leh wax u dareemaan oo dhaqankoodu uu nuxur yeesho.

Soomaalida dhibta ugu weyn ee haysata oo curyaamisey oo sii curyaamin doontaa waa dhaqanka carabta oo ay soomaalidu dhammaantiis u haystaan in Eebbe loogu dhawaanayo. Haddii ay soomaalidu ahaan lahaayeen afrikaan caadi ah oo aysan carabi dhuuxa kaga jirin aad bay u dhaami lahaayeen sida ay yihiin. Carabta dhaqankoodu waxa uu ka kooban yahay is’addoonsi uu qofka hantida leh ama madaxda ahi dadka madaxa kaga istaago oo ninku uu naagtiisa iyo carruurtiisa cabiidsado. Gebi ahaan dadyowga dunida waxaa ugu dhaqan liita dadka carab la isku yiraahdo oo dhaqankoodu uu lid ku yahay horemarka iyo xorriyadda aadamiga. Dadka noocaas ahi waa dadka keli ah ee ay soomaalidu dhaqanka iyo nolosha ka qaataan oo ay jecel yihiin, waxaana halkaas ku burburay afrikaannimadii iyo jiritaankii ummadda soomaaliyeed.

Soomaalidu ma aha dad sida turkida iyo iiraanta jiritaankooda carabta ka difaacan kara iyaga oo muslimiin ah ee waa baalkaabiyo aan ilbaxnimo lahayn oo haddana jacaylka carabtu hore u buuxdhaafiyey, uuna ka sii darayo xaalkoodu. In qabiilooyinka badankoodu ay carab sheegtaan yaan loo malayn arrin sahlan, wax ka jirana la ma arko in ay qabiilooyinkaasi carab ka soo jeedaan ee jacaylka carab loo hayo ayey arrintaasi daaha ka qaadaysaa. Jiritaanka soomaalida 100% afrikaanka ahi aad buu u ildaran yahay jacaylka carabta dartiis, in carab lagu hirtaana waa in maskaxda dadka la curyaamiyo oo aan weligeed tillaabo hore loo qaadin.

QORMO LA XIRIIRTA:  Guuxaaga iyo Garashada Qaldan

Soomaaliya iyo Jabbuuti waxa ay ka mid yihiin jaamacadda carabta oo ah urur ay qowmiyad aysan ka mid ahayni leedahay! Waxaa u dhaantey in ay midowga Yurub ku biiraan, waayo isagu qowmiyad ma aha ee waa joqoraafi oo waa uu dhaamaa in jinsiyad aadan u dhalan aad sheegatid. Soomaaliya waxa ay la mid tahay Kenya iyo Itoobiya, dadka deganina waa dad madow oo aan carab ahayn, diintuna ma ay beddeli karto midabkooda iyo jiritaankooda afrikaannimo. Dhibaatada ugu weyn ee qofka soomaaliyeed haysaa waa in uusan waayaha iyo dhacdooyinka wax ka baran ee uu caaddifad maangaabnimo ah wax ku dareemo. Soomaalida waxaa soo maray dhibaatooyin daran oo ay qaaradaha dunida oo dhan qax ku tageen, intii ay duruufahaas ku jireenna la ma hayo dal carbeed oo dad soomaali ah soo dhaweeyey, taas beddelkeedana waxaa soomaali badan qaabbilay dalalka caddaanka. Maanta qofka soomaaliga ahi carabta waa uu jecel yahay, caddaankana waa uu neceb yahay. Jacaylkaas iyo nacaybkaasi ma aha arrimo waaqica ka turjumaya, caqliga suubbana lagu ma fahmi karo. Waxa ay la mid tahay in ay carabtu aamminsan yihiin in aysan haweeney madax noqon karin, laakiin uu waaqicu muujiyey in dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Norway ay dumar maanta madax ka yihiin. Haddii aysan haweenku lahayn maskax ay madax ku noqdaan sidee bay kuwaasi madax u noqdeen? Haddii ay carabtu sheegaan in ay qorraxdu madowdahay ma la isaga raacayaa? Sow waaqic ina hor yaal ma aha in ay qorraxdu caddahay? Carabiga qoran waxaa ka mid ah in aysan haweeney uusan nin la soconi safar u bixi karin, waxa aynuna aragnay in ay dumarku awoodaan in ay keligood safraan oo waa waaqic aynu aragnay. Haddii laga wado in ay awoodaan, laakiin aan loo oggolayn sow curyaamin ma aha in qof loo diido wax dantiisa ah oo uu awoodo? Meeshan uga ma jeedno xuquuq dumar iyo in aynu ka sheekayno carabta iyo haweenka dhibaatooyinka ka dhex aloosan ee waxa aynu rabnaa in aynu sheegno in uusan qofka soomaaliga ahi waaqica iyo waayaha aamminsanayn ee uu carab iska jecel yahay, carabina soomaalida wax xushmad ah u ma hayaan oo waxa ay u arkaan addoomo madow oo si riqiis ah u qaata dhaqankooda cid kale oo qaadata la waayey. Sucuudi Caraabiya oo muddo rabtey in ay wahaabinimo dhaqankooda ku geliyaan caalamku waayadan waa ay joojiyeen in ay qaataan ardo soomaali ah oo gala jaamacadaha wahaabiyada, waayo waxa ay fahmeen soomaalidu in aysan u baahnayn in la carabeeyo ee ay iyagu iskood carabta u jecel yihiin.

Duufaanta carabta oo sidata waraaqda fudud ee soomaalida la yiraahdaa waxa ay la macne tahay dabargo’ iyo salguurid, waxa aadna burburkii ka dib arkaysaa in magacyada goobaha waxbarashada, ganacsiga iwm loo bixiyey magacyo carbeed ama ereyo carabi ah, taas oo aan badneyn soddonkii sano oo ay dowladdu ka jirtey. Dastuurka Soomaaliya waxaa lagu qoray in uu afka soomaalidu yahay soomaali iyo carabi, waana been’abuur iyo masabbid ummadda been laga sheegayo ee soomaalida inta carabi wax ka fahmaysaa 1% ma dhamma, intaasina waxa ay u barteen sida afafka qalaad loo barto ee afkoodii ma aha. Ma jirto ummad aan soomaali ahayn oo dastuurkeeda uu ugu qoran yahay in uu af kale luqaddooda yahay, waxa ayna taasi ka mid tahay jacaylka indho la’aanta ah ee carab loo qabo iyada oo laga duulayo in uu nebigii carab ahaa. Haddii uu nebigu carab ahaa sow Abuu Lahab iyo Abuu Jahal oo diinta lagu xifaaleeyey carab ma ahayn?

QORMO LA XIRIIRTA:  Addoonsiga diimaysan ee ay Carabtu kula kacday dadka diirka madaw

Waxa aan muddo dheer ku noolaa waddamo Yurub ah oo aysan afafkoodu ahayn luqadaha caalamka ku faafay ee ku hadla af ay keligood leeyihiin sida af soomaaliga ay soomaalida keli ahi ugu hadlaan. Dalalkaas waxaa carruurta afka ingiriiska loo bilaabaa marka ay iskuul bilaabaan oo qof kasta oo ka mid ahi afkaas yaraan buu ku bartaa. Markii aad qurbe joogtid waa in aad wax uun ka faa’iiddaa, murtiyaha aan dalalkaas ka korodsaday waxaa ka mid ah in aadan ku arkayn magaalooyinka meel uu erey af ingiriis ahi ku qoran yahay. Joornaal ama buug afafkooda ah laga ma yaabo in aad ku aragtid erey ingiriis ah, isla markaas warbaahinta maqal iyo muuqaal weliga ka maqli maysid kalmad ingiriis ah. Doodaha la baahiyo iyo sheekaysiga bulshada caadiga ah laga ma yaabo in aad maqashid erey ingiriis ah. Haddaba aynu isbabar dhigno dalalkaas iyo Soomaaliya.

This slideshow requires JavaScript.

Dalkeenna tabbeelle ama boor kasta waxaa ku qoran af qalaad oo waxaa la moodaa in dad aan soomaali ahayn wax lagu fahansiinayo, isla markaas haddii qof soomaali ah magaciis meel lagu qorayo af soomaali ahaan loogu ma qoro oo haddii maddaar lagu magacaabayo Aadan Cabdulle Cismaan sidaas soomaaliga ah loo ma qoro ee waxaa loo qoraa Aden Abdulle Osman! Doodaha la baahiyo ee soomaalida nooc kasta oo ay yihiin ereyada qalaad iyo af soomaaligu waa isla eg yihiin oo qofkii aan afafkaas aqoon waaba ay ku adag tahay in uu fahmo, shacabka haasaawohoodana qofkii af qalaad wax ka garanayaa soomaalida ayuu ku la hadlaa, waana sababta ay afkeenna ugu bataan oo u barxaan ereyada qalaad, waayo qofkii erey ajnebi bartaaba soomaalida ayuu ku la hadlaa.

Qoraallada af soomaaliga waxa aad ku arkaysaa ereyo ama jumlooyin badan oo af qalaad ah, laakiin iyaga ayaa xaggaas ku dhaama doodaha iyo sheekaysiga. Dalalkaas aynu Soomaaliya barbar dhignay sida ay afkooda iyo fartooda keli ah nolosha oo dhan ugu dhaqmaan iyo sida ay soomaalidu ereygii qalaad ee ay maqlaan soomaalida ugu la hadlaan ama ay derbi kasta af shisheeye ugu sharraxaan kee baa ilbaxnimo ah? Ereyga ”ilbaxnimo” waxa aan u adeegsadey in laga yaabo qofka soomaaliga ahi marka uu af qalaad u jabayo in uu u haysto in ay horemar tahay oo uu aqoontiisa iyo xaddaaraddiisa ku dul muujinayo soomaalida uu wax u gudbinayo. Cilmi nafsi ahaan waxaa laga yaabaa in qofka soomaaliga ahi uu dareemayo in uu afkiisu hoosayn iyo jaahilnimo astaan u yahay, halka afafka kale ay sarrayn iyo aqoon metelayaan maaddaama aqoontu ay afaf kale ku soo gaarto soomaalida. Dalalka Yurub ee aynu soomaalida ku dhererinney waa waddamo aan weligood dareemin in uu afkooda mid kale ka sarreeyo oo waxaaba jirta in aqoonta casriga ah in badan oo ka mid ah ay iyagu hindiseen, isla markaas weligood ajnebi ma ay baryin oo innaga waxaa dhici karta in aynu afafka kale ku baryootanno.

Dalalkaas waxa aan inoogu tusaaleeyey in aynu nahay ummad isku af ah oo haddana afkooda aysan beddelin gumaysiyadii oo yeelan karta luqad baahi kasta uga filan. Si kasta oo nafsad ahaan aynu iyaga iyo innagu u ka la duwan nahay waxaa hubaal ah in aysan jirin af hooseeya oo jahli ah iyo af sarreeya oo aqoon ahi.

Akhristaha ayaan u daynayaa in uu aad uga fakaro sababta Gothenburg oo ay boqollaal kun oo ajaanib ahi joogaan aan looga heli karin tabbeelle uu erey qalaad ku qoran yahay, halka Gaalkacyo oo uusan qof ajnebi ahi joogin uu irid kasta carabi ama ingiriis ugu qoran yahay dadkeeda oo 99% aan afafkaas garanayn.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments