Dhaqanka carabta iyo dumarka

D
Dhaqanka carabtu diinta islaamka ka hor buu ku xeeldheeraa in lagu mashquulo oo aad looga fakaro lugaha dumarka dhexdooda, waana sababtii keentay in ay qaarkood gabadhii u dhalata xabaalaan iyada oo nool, waayo lugaha dhexdooda ayey ceeb ku wadataa. Waxaa carabtii hore duugista gabdhaha u dheeraa yasitaanka dumarka oo carabtu waxa ay haweenka u haysteen wax aan sharaf iyo caqli lahayn oo aad u hooseeya. Ninka carabka ahi in uu haweeney la doodo ama uu talo weydiiyo waxa uu u arkey ceeb aan habboonayn.

Diinta islaamku markii ay timid waxa ay joojisey in gabdhaha la xabaalo, laakiin waxa ay meeshii ka sii wadday liiditaanka dumarka. Dagaalladii halaagga ahaa ee horraantii ay muslimiintu ku la dirireen carab iyo yuhuud dumarka la ma layn jirin ee inta raggooda la xasuuqo ayaa iyaga la guursan jirey ama la addoonsan jirey, taasina waxa ay ahayd in aan dumarka wax macne leh loo haysan, waayo inta aabbohood hortooda lagu gawraco ayaa iyaga isla goobta lagu guursan jirey. Dagaalkii Uxud nin uu nebigu seef siiyey baa arkay haweeney muslimiinta laynaysey, waxa uuna sheegay in uusan la diririn, waayo waxa uu xaqdhawrayey seefta nebiga oo uu u arkey in uu naag ku dilaa in aysan sharafteeda ahayn. Ereyga ”Naag” waxa uu carabta u la mid ahaa ”Qurun liita”.

Waxaa la soo saaray sharci dhaxalka carruurta ay gabdhuhu wiilasha barkood yihiin, carab nebigii ka dib noolaana magta dumarka waxa ay ka dhigeen diyada ragga nuskeed. Waxaa kale oo la sameeyey sharci ninkii guursadaa uu haweeneydiisa hanti ”Meher” la yiraahdo siinayo, waxaana hantidaas lagu fasiray in uu ku iibsadey lugeheeda dhexdooda. Aragtidaas nuxurkeedu waa in galmadu aysan nin iyo haweeney ka dhexayn ee uu ninku isticmaalay haweenta, taas oo muujinaysa in ay dumarku yihiin alaab la isticmaalo. Dhaqankaas meherka in carabtii hore ay lahaayeen iyo in uu islaamku keenay ii ma cadda, waxaana jira in uu islaamku dhaqankii carbeed waxyaalo badan ku raacay sida xajka oo uusan islaamku wax badan ku kordhin iyo magta ragga. Afka carbeed marka haweeney la qabo laga hadlayo waxaa la yiraahdaa ”Waxa ay hoos joogtey hebel”, taas oo muujinaysa in guurku uusan ahayn wax ay ragga iyo dumarku wadaagaan ee uu yahay qof hoos jooga qof kale.

Waxaa dumarka muslimiinta ah lagu soo rogey in aysan guursan karin haddii aysan waalidkeed ama ragga ehelkeeda ahi ninka ku darin, hooyadeedna nin ku ma dari karto, waayo waa ay xaqiran tahay oo ragga keli ah baa macne leh. Waxa kale oo dumarka lagu soo rogey in aysan socdaali karin ama safar aadi karin haddii uusan la socon nin qoyskeeda ah ama qabaa, waayo lugeheeda dhexdooda waa in ay waardiye ka yihiin niman. Waxaa ka sii daran in la soo saaray sharci waajibinaya in ay dumarku aad guryaha u joogaan oo aysan bixin sidoodaba iyo in haddii ay xaafad dhow gaarayaan ay ninkooda fasax weydiistaan. Haddii ay haweeney ninkeeda in uu u galmoodo ka cudurdaarato waxaa la sheegay in ay nacalad Eebbe ku dhacayso, taas oo muujinaysa in aysan galmadu ahayn wax labo qof ay wadaagaan ee ay tahay wax uu ninku xaq u leeyahay. Haddii uu ninku qoftiisa oo kacsi besteed la ah diido nacaladi ku soo degi mayso!

Afka diinta markii dadka la la hadlayo ragga ayaa la la hadlaa, waayo dumarka waxaa loo arkaa wax ay raggu leeyihiin, sidaas darteedna waxa aad arkaysaa in diinta niman uun laga hadlayo. In kasta oo aanan jeclayn in aan dooddan aakhiro kaga hadlo haddana jannada dumarka galmadooda lagu ma sheegin, waxaana keenay labo arrimood. Midda kowaad dhaqanka carabta dumarku galmo xaq u ma leh ee waa wax ay raggu isticmaalaan, sidaas darteedna aakhiro galmo u ma ay baahna ee cunto ayey u baahan yihiin. Midda labaad hinaasaha ninka carbeed waxa uu gaarsiisnaa in aan lagu oran karin hooyadaa iyo walaashaa jannada ayaa loogu galmoon doonaa.

Cadaadinta dumarka oo ay keentay lugohooda dhexdoodu intaas lagu ma ekayn ee waxaa la soo rogey dhaqan aysan carabtii hore dumarka ku ciqaabi jirin oo ah in ay haweeney kastaa jirkeeda oo dhan qariso. Carabtii hore waxa ay dumarku qarin jireen cawrada keli ah oo waa dhaqan ay dadka oo dhammi lahaayeen, welina leeyihiin in rag iyo dumarba cawrada la qarsado. Sharcigan cusubi waxa uu sheegay in jirka dumarka oo dhammi uu cawro yahay, waayo lugaha dhexdooda ayey ku sitaan wax mucjiso ah. Qaynuunkani waa midka ugu yaab badan, la mana caddayn karo in ay carabtii nebiga ka danbeeyey soo saareen iyo in uu nebigu ogaa, waayo quraanka waxaa ku qoran in ay dumarku naasohooda qariyaan keli ah.

Suuradda Nuur waxa ay leedahay ”Shafkooda garbosaaro ha saareen!”, suuradda Axsaabna waxay leedahay ”Jalbaab ha isi saareen”, ereyga jalbaabna waa erey ay carabtii hore taqiin oo ah maro xabadka lagu qariyo. Carabtii hore sida badan naasaha la ma qarin jirin ee cawrada ayaa muhiim ahayd, maanta se dunida oo dhan dumarku naasaha waa ay qarsadaan, waayo naasaha waxaa la caddeeyey in ay raggu u kacsadaan sida cawrada.

QORMO LA XIRIIRTA:  Waannu diidnay in nala carabeeyo soomaali baanu nahay

Sharcigan ah in ay dumarku jirkooda oo dhan qariyaan waa dhibaato weyn oo ilaa maanta lagu shiddaysan yahay, waayo xumaano badan buu keenayaa, waxa uuna u macne dhow yahay duugitaankii gabdhaha ee carabtii hore. Dhibaatooyinka uu keenayo waxaa ka mid ah in qof jirkeeda oo dhan qarisay aysan shaqayn karayn oo ay mixnadaysan tahay. Waxaa ka mid ah in qofka dadnimadiisii oo dhan la diley oo laga dhigay wax aan qurux lahayn oo muuqan, waxaana dadka sharaf u ah ugu yaraan ay muuqdaan wajiga, dhegaha, surka iyo madaxa si loo barto qofnimadiisa. Qofka muuqaalkiisu qofnimadiisa ayuu ka mid yahay, haddii la awdana waxa uu la mid yahay qof la xabaalay.

Falsafada iyo ujeeddooyinka carabta waxaa ka mid ah dumarka in la foolxumeeyo si aysan raggu u hunguriyeyn lugohooda dhexdooda, waana isla aragtidii keentay in gabdhaha la duugo si nin rag ahi qof uu dhalay aan lugeheeda dhexdooda loo gaarin. Waxaa dhaqankaas ka soo baxay in ay dumarku noqdeen wax halis ah oo lugaha dhexdooda bumbo ku wata oo guri lagu hayo ama jirkooda oo dhan dhar lagu duuduubo iyada oo ninkeeda iyo niman eheladeeda ahi ay dusha ka waardiyaynayaan, waxaana meesha laga saaray in lugaha dhexdooda lagu mashquulsan yahay ay dad ku yaalliin oo uu qofka lihi masuul ka yahay, waayo gebi ahaanba qofka carabka ahaa ma uu aamminsanayn in ay dumarku dad yihiin isaga oo insaaniyadda kaga saaraya lugohood dhexdooda waxa ku jira.

Sharciyada yaabka leh ee carbeed waxaa ka mid ah in uusan nin qof dumar ah gacanta ka salaami karin oo ay sino tahay, taas oo ah aragti dadka ka la fogeynaysa oo argagax iyo ka la baydad keenaysa. Waxaa ka sii daran in uusan dhaqanka carbeed oggolayn in ragga iyo dumarku ay isku meel joogaan oo ay bulshadu isdhex marto, waxaana carabta iyo dadka ay saameeyeen lagu arkayaa bulsho ay ragga iyo dumarka qaybiba meel joogaan oo aysan isu gudbayn. Intaas waxa uu dhaqanka carbeed u marayaa in lugaha dumarka dhexdooda la waardiyeeyo.

Waxaa sharciyada ay carabtu dumarka dul dhigeen ka mid ah in ay haweeneydu u galmoon karto hal nin oo qaba keli ah, halka uu ninku guursan karo afar dumar ah, uuna u galmoon karo kumanyaal addoomood. Dumarku addoomohooda u ma galmoon karaan, in kasta oo addoonsiga laftiisu uu baadil yahay oo aysan caqli ahaan bannaanayn in ay dad is adoonsadaan. Abuur ahaan dumarku hal mar labo nin uur u ma yeelan karaan, halka ay nimanku hal habeen uurayn karaan dumar badan, sidaa darteedna waxaa laga yaabaa in ay macquul tahay in ay raggu dumar badan guursan karaan, laakiin addoomuhu waa baadil ka soo hor jeeda xuquuqda aadanaha ee asaasiga ah.

Waxa ay carabtu dumarka ka fogeeyeen in ay qabtaan masuuliyad guud, waayo shaqadaasi waxa ay u baahan tahay in bulshada laga hor hadlo iyo in guriga laga baxo oo laga shaqeeyo hawlo bulsho, waxa ayna carabtu sheegeen in dumarka xataa codkoodu uu cawro yahay. Ninka carabka ahi ilaa maanta waxa uu aamminsan yahay in naag la arkaa in ay tahay in siil la arkay oo in naagi hadashaa ay tahay in uu siil hadlay, waxaana meesha ku jirta in aysan carabtu dhaqan ahaan iyo diin ahaan rumaysnayn maskaxda dadka ee ay dadnimadu la tahay meesha uu qofku ka kaadiyo, la mana garanayo waxa carabta dhaqankoodii hore ee diinta lagu sii barxay ku salliday lugaha dhexdooda. Dhaqamadooda dumarka liidaya qaar bay nebigii ka dib samaysteen oo dhaqanka dumarka lagu yasayaa marba marka ka danbaysaa waa uu kobcayey ilaa ay sucuudigu dumarka guryaha dusha kaga xireen, una diideen in ay gawaarida wadaan.

Dhaqanka carabtu masuuliyadda ugu weyn ee uu ragga saaray waa in ay waardiye adag ka hayaan lugaha dumarka dhexdooda oo ninka carbeed nin kale ku ma uu soo hadalqaadi karo dumarka uu wax u yahay, isla markaas la ma uu hadli karo qof dumar ah oo ay raggii wax u ahaa joogaan. Carabta iyo bulshooyinka ay qabsadeen nin lagu ma oran karo ”Walaashaa telefoonkeeda i sii!” oo waxa ay u la mid tahay ”Walaashaa baan sino ugu galmoonayaa”, isla markaas inta uu nin reer gurigood yimaado ma uu oran karo ”Hebla ayaan u socdey oo aan la hadlayaa”.

Waxaa la yaab leh in ragga dhaqankaas carbeed haystaa marka ay saaxiibbadood guryohooda geeyaan ay dumarku cuntada diyaariyaan, ka dibna ay ragga oo keligood ahi cunteeyaan, dumarkuna ay qolal ku dhuuntaan! Kolley haddii uu waardiyihii lugaha dhexdoodu joogo oo aan loo galmoonayn maxay ka dhuumanayaan dumarku? Ummadaha kale ragga iyo dumarku isku meel bay ku qadeeyaan oo Eebbe ayaa u abuuray in ay isdhaleen oo isla joogaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nabi Maxamed yaa loo soo diray?

Aqoonta runta ahi waxa ay caddaysay in dumarka iyo raggu waxa keli ah oo ay ku ka la duwan yihiin uu yahay meesha ay ka kaadshaan, maskaxdooda iyo waxyaalaha ay qaban karaanna ay isku mid yihiin, waxaa se cilmi ahaan cad in ay raggu murqo ahaan ka xoog badan yihiin dumarka iyo in ay raggu ka cod weyn yihiin haweenka. Abuurta ah in ay meesha raggu ka kadshaan soo taagan tahay, halka ay dumarku ka kaadshaanna godan tahay maskaxda wax saamayn ah ku mal aha, maskaxduna waa waxa ugu weyn oo ugu yaab badan jirka dadka iyo duunyada. Dumarku waa bulshada barkeed ama ka badan, sida kor ku xusanna waxa ay carabtu ka dhigeen alaabo cawro ah oo guryaha lagu qufulo iyada oo waxa keli ah oo ay ka duulayaan ay tahay in siil waardiye laga ahaado. Haddii ummadda barkeed la duugo, barka kalena ay duugtaas waardiye ka hayaan sidee loo horemarayaa?

Waxaa jira dadyow guulo iyo horemar ka gaarey dhinacyo badan oo nolosha ah sida farsamada, caafimaadka, siyaasadda ama maamulka, aqoonta bulshada, cilmunafsiga, hal-abuurka iyo dhinacyo aan la tirin karin. Ummadahaasi waxa ay ogaadeen in qofka dumarka ah maskaxdeedu ay masuuliyad buuxda ka qaadi karto lugeheeda dhexdooda oo aan loo baahnayn in ay cid kale ilaaliso, isla markaas ay dumarku ka shaqayn karaan wax kasta oo ay raggu qaban karaan. Waxa aynu aragnay dumar hawl kasta ka soo dhalaalaya oo haya masuuliyadaha ugu sarreeya, raggii la dhashayna ay iyaga u daayeen lugohooda dhexdooda. Haddaba dumarka maskaxdoodu waa ay ka sarraysaa wax maryo lagu duuduubo oo ay guryo ku waardiyeeyaan niman maangaabyo ah oo dhaqan gaboobey rimmani.

Ma aqoonta iyo tijaabooyinka la xaqiijiyey baynu raacnaa ma se waxa aynu u hoggaansannaa dhaqan laga soo gaarey dad jaahiliin ahaa oo weliba aan afrikaan ahayn ee shisheeye ahaa? Qofka soomaaliga ahi ma uu sheegi karo hal wax oo aynu carab ka faa’iidney oo runtii ah horemar. Waxa keli ah ee carab inaga soo gaarey wax dib i noo jiidaya oo maskaxdeenna curyaaminaya sida in aynu dumarka bahdilno. Maskaxdeennu waxa ay joogtaa heerka uu dalkeennu joogo, waxaana hoosayntaas qayb weyn ka ah sida ay carabtu i noo wasakheeyeen.

Dhaqanka carbeed sida uu maskaxda dadka u curyaaminayo waxaa u dheer in aysan sidaas ku yaraanayn in loo galmoodo haweeney aan la qabin. Marka dumarka la waardiyeeyo waxa ay aamminaan in ay raggu waardiye ka yihiin oo haddii ay helaan fursad yar oo aan la waardiyeynayn waa ay iska la waraan iyaga oo aan ka fiirsan ninka ay isu ka la warayaan oo aan dookhooda jirkooda la eegan. Dumarka maryaha lagu duuduubay oo aan ilbaxa ahayni waxa ay u dhillaystaan si aad uga liidata sida dumarka xorta ah, waana in la ogaado dhillaysigu in uu ku badan yahay dadka khashiinka (aan ilbaxa ahayn) ah iyo dadka saboolka ah, galmaduna waa qariisad ka xoog badan wacdiga diinta oo wadaad ma uu yarayn karo.

Ka la fogeynta ama ka la sooca ragga iyo dumarka ama hablaha iyo wiilasha waxaa ka dhasha fahmo darro waxbarashada lagu dhaco oo fasalka ay labada jinsi isku dhex jiraan baa ka fiican midka la ka la soocay. Waxa kale oo dalalkaas dhaqanka ragga iyo dumarka la ka la fogeeyo haysta ku batay in dadka isku jinsiga ahi isu galmoodaan. Waxaa laga yaabaa in ay dad u haystaan in dhaqankani uu ku badan yahay dalalka dadkooda xoreeyey, laakiin taas waxba ka ma jiraan. Dalalka dimoqoraaddiyadda qaatay dadka dareenkan qaba la ma qariyo oo iyaga ayaaba la qayliya, waana dad aad u yar oo weligood ka hoosaynaya boqolkii hal. Dalalka dhaqanka carabta aad loo haysto sida khaliijka iyo Bakistaan dhaqankani waxa uu gaarey in laga shakiyo in uu jiro wiil aan dareenkan qabini, laakiin waa qurun u huursan oo aan in la soo hadalqaado dhaqanku oggolayn. Mar kasta oo dumarka iyo ragga la ka la ilaaliyo waxaa imanaya dhibaatooyin iyo cudurro, waayo labada jinsi in ay wada joogaan buu Eebbe u abuuray.

Intaas ayaan maanta ku soo koobay, waxa aanna sii raacinayaa in dumarka afrikaanka ah ee dhaqanka carabta lagu gumeeyey ay isdifaacaan oo ay iska difaacaan dhaqammada xunxun ee Eeshiya kaga soo butaacey iyo ragga afrikaanka ah ee ay carabtu maskaxda ka guursadeen. Haddii aysan dumarku iyagu xuquuqdooda la duugey ka daba tegin ma jirto cid u doodaysaa, oo ragga soomaaliyeed xuquuqda keli ah oo ka maqani waa in maskaxdoodii laga qaatay oo ay wax liita ku habsaameen. Dumarka ayey xaqdarrada weyni dushooda ahaatay.

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxeexan.
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Muuse cabdi cali
Muuse cabdi cali
1 Sannad Kahor

Subxaanalaah.horta ugu horayn aad ayaan uga xumahay in aad diinta Qalad ka fahantay.sababta oo ah waxa aad sheegtay waxa ay ka hor imanayaan diinta islaamka.dhamaantoodna waa qalad cad.