Dhaqanka & Diinta: Qaar baa cuna hilibka dadka dhintay!

D
Digniin: Sawiro muujinaya maydka dad dhintay ayaa ku jira qormadan.
Dunida waxaa ka jira dhaqamo kala gedisan, tusaale dhaqanka Bushman-ka ku nool lama dagaanka Kalahari ee Koonfurta Qaaradda Afrika, waxaa ka caadi ah in dumarku inta kore ka dhar la’aadaan. Qaawanaantaasi waxba ugama duwana, sida aan anaga u aragno dhar xirashada; raggooda kuma ashqaraaraan, kumana dhaygagaan dhar li’ida dumarkooda. Waxaa la mid ah Turkana-da iyo qaar kaloo badan.

Ragga qabiilka Yanomami

Qabiilka Yanomami-ga ee ku nool kaymaha Amazon-ka, qaasatan xadka Brazil iyo Venezuela, waxa ay leeyihiin dhaqan ah in ay cunaan hilibka qofka dhintay ee sokeeyaha ah. Falkani ayaga waxba ugama duwana, sida aad adiguba u cunto hilibka geela. Uma lahan wax dareen gooni ah, ama wax isla yaab ah, marka la barbar dhigo waxa aad adigu hadda dareemayso.

Qoys ka tirsan qabiilka Toraja ee Indonesia oo la taagan xubin kamida qoyskooda oo dhintay laba sano kahor

Bulshada Toraja-da ee Indonesia waxa ay leeyihiin dhaqan cajiib ah, kaas oo qofkii dhintay beri hore uu wali lasii noolaanayo kana mid ahaanayo qoyska. Xilliyada qaar maydkii ayaa lagusoo wareejinayaa, loona soo bandhigayaa dadka degaanka asaga oo si fiican loo nadiifiyay, looguna labisay. Arrintani ayaa waxaa ay u arkaan dabaal deg soo laabasho. Waxaa dhaqankooda ka mid ah oo aan ceeb ahayn in uu maydku la noolaado kana mid ahaado qoyska oo waxa ayba ula mid tahay sida qofka nooli uga midka yahay qoyska, wax argagax iyo dhibaato ahna kuma qabaan arintan.

Sawir muujinaya qaab labiska carabtii hore

Carabtii hore waxa ay lahaayeen dhaqanka ah in ay duugaan gabdhahooda, iyo in ay u labistaan qaabka aynu maanta ku naqaano ee ah xirashada qamiiska, cimaamada iyo cigaalkaba. Dhaqanka duugista iyo hab labiska waxa ay ahaayeen kuwo u gooni ah carabta oo aysan la wadaagin bulshooyinka kale ee ku dhaqan daafaha caalamka, sida dhaqanka qabiilka Yanomami-gaba uu ayaga ugu goonida yahay dhaqankooda ah cunista hilibka maytida qaraabada ah.

QORMO LA XIRIIRTA:  Caqliga Eebbe

Nabi walba oo kasoo baxaa bulshooyinka aan kor ku xusay, waxaa hubaal ah in uu in badan ka hadli lahaa dhaqanka dadkiisa, asaga oo u arkaya in dhaqankaasi yahay mid caalami ah. Dhaqanka carabta waa dhaqan ay gabadhu cawro tahay, sidaa daradeedna in badan waxaa xoogga la saaraa in la asturo gabadhaas cawrada ah, halka dhaqanka Turkana-da iyo Bushman-ka Kalahari aysan wax cawra ah uga muuqan gabadha qaarka hore ka dhar la’.

Waxa ay sheegaan in Qur’aanka basharka oo idil loo soo diray, haddana waxaa ku jira oo waliba ku badan aayaddo ku kooban dhaqanka carabta uun oo aan wax xariir ah la lahayn caalamka intiisa kale, tusaale:-

وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ خَشْيَةَ إِمْلَاقٍ ۖ نَّحْنُ نَرْزُقُهُمْ وَإِيَّاكُمْ ۚ إِنَّ قَتْلَهُمْ كَانَ خِطْئًا كَبِيرًا (31)

Aayadani oo ka tirsan Suuradda Israa, Allaah waxa uu uga digayaa carabta in ay dilaan ilmahooda, oo ay aasaan gabdhahooda, ayaga oo ka cabsanaya faqri, Allaah waxa uu leeyahay, anaga ayaa quudina ayaga iyo adinka waalidka ahba, marka dilkoodu waa khalad aad u weyn.

Waa in aynu kala garanaa, oo aan kalana soocnaa dhaqanka carabta iyo diinta.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1 Faallo

Nala Soo Xiriir

Follow Us