Dhaqamada Soomaalida

D
Soomaalida waxaa ugu badan xoolodhaqata oo beeraleyda, kalluumaysatada iyo dabatadu haddii la isku daro waa dad yar, isla markaas magaalooyinku waa dhaqan cusub oo aan lagu sheegi karin caado soomaaliyeed. Beeraleydu waxa ay u badan yihiin koofurta webiyada u dhow, kalluumaysataduna waxa ay u badan yihiin gobolkii weynaa ee Bari la oran jirey oo uu gaadiidka baddu dhaqan u ahaa, halka ay dabatadu yihiin dad yar oo meelo ka la duwan lagu arki jirey.

Xooldhaqatada oo ah dadka soomaalida ugu badan oo ku baahsan geyiga oo dhan waxaa dhaqamadooda wanwanaagsan ka mid ah sooryaynta martida, xiriirinta sokeeyaha, xushmaynta xididka, daacadnimada aan been la sheegin iyo deeqsinnimada. Waxaa kale oo dhaqankooda ka mid ah qaddarinta aftahmada oo qofba midka uu ka codkarsan yahay buu ka sarreeyaa, waxa ayna leeyihiin maansooyin miisaanno ka la duwan leh oo hodan ah iyo ciyaaro dhaqan oo badan.

Raacatada dhaqamadooda xunxun waxaa ka mid ah dilka iyo dagaalka uusan dhiigga dadku qiimo weyn lahayn, dhaca inta dad la boobo lagu faano oo gabayo laga tiriyo, qabyaaladda reer reer la isu necbaado, dumarka oo la ka la iibsado ama godobtir loo bixiyo, dadka dagaallada lagu qabto oo la xasuuqo iyo gudniinka gabdhaha oo aad u foolxun.

Martida markii la sooro hanbo ayaa laga sugaa, waana dhaqan xun in cunto ay dad reebeen la cuno oo weliba soomaalidu cuntada faraha ayey ku cunaan, waana yaqyaqsi wax ay dad faraha geliyeen in la cuno. Waxaa kale oo xun in qof weelka uu ku istijoodo uu wax ku cabbo oo waxaa fiicnaan lahayd in uu qofku qaato labo weel oo uu mid wasakhda isaga mayro, midna uu wax ku cabbo. Waxaa kale oo dhaqan xun ah in dadka hortooda lagu cadaydo ama lagu rumaydo, taas oo magaalooyinka u soo gudubtey oo aad arkaysid wadaaddo masaajidda dhexdooda ku cadayanaya. Waxaa miyiga ka jirta in hal qaaddo ama hal fandhaal ay dad badani raashin ku cunaan oo afka wada geliyaan, waana dhaqan xun. Caanaha hal weel lagu wadaagaa in ay xun tahay iyo in kale la ma caddayn karo. Miyi iyo magaalaba soomaalidu marka ay wax cunayaan oo calalinayaan afka isku ma qabsadaan ee waa ay ka la qaadaan, waana dhaqan ay neceb yihiin bulshooyinka caalamku. In sanka faraha la geliyaa waa dhaqan xumo iyo cudur oo faruhu waxa ay xanbaaraan bagteeriya badan, waxa aadna arkaysaa soomaali badan oo sanka fareeya.

QORMO LA XIRIIRTA:  Soomaalida gaalada ahi lacag miyay ku qaataan dhalleecaynta diinta?

Dhaqamada yaabka leh waxaa ka mid ah in cuntada oo dhan karinteeda iyo samaynteedu ay dumarka soomaalida u gaar yihiin, waxaana magaalooynka ka jira in dharka dhiqiddiisu ay tahay hawl dumar. Run ahaantii raggu waa ay u baahan yihiin in ay bartaan hawlahaas oo in ay shaqooyinka guryuhu haweenka gaar u ahaadaan ma aha dhaqan suubban. Ragga soomaalidu markii ay qurbe tageen waa ay ku dhibtoodeen hawlihii guryaha, waayo dhaqan ay barteen ma aha. Qof kastaa in uu nolosha barto oo uu isdebbiro ayaa fiican, waxaana magaalooyinka soomaalida dhooban rag badan oo aan shaah karin aqoon.

Soomaalida dhaqamadooda yaabka leh waxaa ka mid ah in ay dhammaantood isku si u fakaraan oo qof mid kale ka aragti duwani uusan jirin. Dabcan in qabiilooyin la ka la difaacdaa aragti ma aha, taas keli ah bayna soomaalidu ku ka la tagaan. Waa dad kulligood isku si ah oo aan aqbali karin wax yar oo ka la geddisnaan ah, waxaana keentay in ay dhaqan ahaan isku mid ahaayeen iyo in aysan bulshooyinka kale dhex gelin ee ay iyagu isdoontaan. In aysan bulsho midabbo ka la jaad ah lahayni waa astaamaha dibudhaca iyo ilbaxnimo la’aanta, waxa aadna arkaysaa in qofkii soomaali ah oo wax cusub ku fakara in la dilo loo dhow yahay. In aynu wax kasta ka midaysan nahay wanaag ma aha ee waa xumaan iyo liidasho, waayo doodo ma jiraan. Bisayl badan bay bulshadeennu u baahan tahay.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Soomaali Allihii iga dhigaa mahadsan
Soomaali Allihii iga dhigaa mahadsan
8 Bilood Kahor

Horta waxaa wanaagsan in aad markaad wax qorayso aad tahay qof ka haysata waxa uu qorayo cilmi ama aqoon fiican aad u leedahay Hal cudur way leedahay soomaalidu lakin waxad adigu aad qortay oo dhan waa hadal la iska yidhi ma aaminsani in ay jirto bulsho la qadarin iyo xushmo badan soomaalida lakin qoralkan qofka qoray wuxuu hadlay caqli magaalo iyo waa la yidhi uun ee ma aha wax Sal iyo raadtoona leh hadad dhagaysato dadka aan jeclayn soomaalida iyo war baahinta caalamka ee inta xun uun inaga sheegta waa Ayaan Doro wayn ka Dibna aad soo daabacdo