Dhaxalka iyo Islaamka

D
Diinta Islaamku waa diinta labaad ee ugu dadka badan, waxa haysta dad ka badan 1.7 bilyan oo qof. Haddaba qormadeenan kooban waxa aynu ku eegaynaa diinta Islaamka iyo sida ay xaquuqda bin’aadamka ku tahay? siiba ta dumarka?
marar badan waxa ay muslimiintu ku doodaan in diintoodu ay tahay diin nabadeed iyo sidoo kale in ay tahay diin dumarka u caddaalad fashay, dulmi iyo xaqdarrona ka dhawrtay. Qodobadaas kolka aad si waaqici ah u eegto ma aha kuwo xaqiiqo ah ee waa afgobaadsi iyo been-abuur. Danta ugu weyn ee beentaas loo faafinayaana waxa ay tahay in caamada lagu soo jiito ama lagu sii hayo diintaas. Dulmiga ay diinta Islaamku ku haysaa dumarka ma aha wax la soo koobi karo. Dhankii aynu eegnoba dumarku waa ay ku dulman yihiin diintaas Islaamka. Laga soo bilaabo in la yidhi cawraad tihiin oo muxrAm la’aan(qof ehel ah) ma bixi kartaan meelna ma aadi kartaan. Waa addoomo u ahaada ehelkiina ama ninkiina, muxram la’aantaasi waa wax ma baran kartaan oo ma shaqaysan kartaan, dano gaar ahna ma yeelan kartaan. In la yidhi haddii aad ninkiina oo idiin baahan idinka oo aan diyaar ahayn malaa’ig baa idin nacladaysa ilaa waagu ka baryayo. In la yidhi idinka iyo eyduba(Eyga) salaadda waa aad jebisaan, oo la la simay xayawaan islaamku u aqoonsan yahay nijaas. Waxa aynu qormadan kooban ku eegaynaa sida diinta Islaamku dumarka ugu dulmiday dhanka Dhaxalka, ee ay ragga ugu sadburisay.

Cilmiga Dhaxalku waa cilmiga qaybsashada xoolihii uu ka tegay marxuumku; cidda qaybsanaysaa waa ubadkii, walaalada, xaaska/ninka, hooyo/aabbe ama/iyo cidii kale ee qofkaas dhintay dad u xigtay. Marka dhaxalka la joogo sidii aynu soo sheegnay diinta Islaamku si caddaalad ah ugu ma ay xaqsoorin dumarka iyo ragga walaalada ama ehelka kale ah ee qaybsanaya xoolaha marxuumka . Illaahay wuxuu kitaabkiisa ku sheegay in ninku u dhigmo labo dumar ah kolka dhaxalka la joogo, oo uu qaadanayo in le’eg inta ay laba dumar ahi qaataan ( لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنثَيَيْنِ). Haddii marxuumku ka tegay wiil iyo laba gabdhood, waxa ay noqonaysaa in ay si isle’eg u qaybsadaan, wiilkii oo dhinac ah xoolihiina badh qaadanaya iyo labadii hablood oo dhinac ah xoolihiina badh yeelanaya. Haddii qofkii dhintay uu ka tegay hal wiil dhammaan xoolaha waxa qaadanaya wiilkaas, se haddii uu gabadh ka tegay xoolaha ma wada qaadanayso ee badh ayay qaadanaysaa, badhka kalena ehelada ayaa qaybsanaysa.( وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ). Xittaa haddii uu gabdho badan oo toban gaadhaya uu ka tegay marxuumku ama marxuumaddu marna ma wada qaadanayaan xoolihii 100/100, halka wiil keliyi qaadan karo 100/100. Haddii ay badan yihiin hal gabadh waxa ay qaadanayaan saddex meeloodow laba meelood 2/3. (فَإِن كُنَّ نِسَاءً فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ).

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamku muxuu ka qabaa qofka ka noqda diinta (Murtad)?

Dhanka xaaska iyo ninka aynu Iyana ka eegno, tolow iyaka ma loo caddaalad sameeyay? Haddii ninku dhinto oo aannu wax carruur ah lahayn waxa ay xaaskiisii qaadanaysaa rubuc ¼ xoolihii ninkeeda, se haddii gabadhu dhimato iyada oo aan wax carruura lahayn ninku waxa uu qaadanayaa kala badh ½ xoolihii gabadha. Haddii ay carruur leeyihiin ninku waxa uu qaadanayaa ¼ halka ay gabadhu qaadanayso 1/8. (وَلَكُمْ نِصْفُ مَا تَرَكَ أَزْوَاجُكُمْ إِن لَّمْ يَكُن لَّهُنَّ وَلَدٌ فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٌ فَلَكُمُ الرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْنَ مِن بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِينَ بِهَا أَوْ دَيْنٍ وَلَهُنَّ الرُّبُعُ مِمَّا تَرَكْتُمْ إِن لَّمْ يَكُن لَّكُمْ وَلَدٌ فَإِن كَانَ لَكُمْ وَلَدٌ فَلَهُنَّ الثُّمُنُ مِمَّا تَرَكْتُم)

Intaas waxa raaca dhaxalka waxa laga qaybgeliyaa adeerka iyo inaadeerka se marna laga ma qaybgeliyo eeddada, habaryarta, gabadha ay marxuumka ama marxuumada ilmaadeerta ahaayeen, sidoo kale abtiga laga ma qaybgeliyo, sababtuna waa in uu dhanka hooyada ka soo galay qoyska. Sidaas oo ay tahay haddana dadka Muslimiinta ahi waxa ay rumaysan yihiin in ay dumarka sharfeen oo ay dhexdooda caddaalad ku haystaan. Marka loo eego Carabtii nebigu ka soo dhex baxay iyo sidii ay dumarka ula dhaqmi jireen waa ay uga dhawyihiin caddaalad, se ummad kale iyo dunidan casriga ah in ay caddaalad sheegtaan ma aha.

Dulmigaas waxa ka dhiidhiyay dhallinyaradda waddanka Marooko (المَغْرِب) ee waqooyiga Afrika oo bilaabay sannadkan horraantiisii, ururinta saxeexyo ay baarlamaanka iyo dawladda kaga codsanayaan in wax ka beddel lagu sameeyo sharciga dhaxalka. Iyaga oo ku sababeeyay codsigoodaa caddaalad darro iyo sinnaan la’aan ka dhex jirta hab qaybsiga labka iyo dheddiga. inkasta oo aan weli la hir gelin haddana waa arrin miiska saaran oo doodeedii weli socota.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xeerka kufsiga ee Somaliland waa xeer noocee ah?
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
4 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Suhay
Suhay
1 Sannad Kahor

Ninyahaw qoraaladaan lihi ilaahay u toobad keen oo ka noqo waxyaalaha aad qorayso ee diin ka baxa ah

Omer
Omer
1 Sannad Kahor

Maanta waxa doonto ku qor balse waxaad jawaab u waayi doontaa maalin aan maanta ahayn.

Mascuud raagge
Mascuud raagge
9 Bilood Kahor

Mararka qaarkood gabadha iyo ninkuba waxay dhaxlaan ayagoo dhaxalkoodu is leegyahay, sida aabaha iyo hooyada marka wiilkoodii dhintay uu ubad ka tagay: Tusaale, nin ayaa dhintay wuxuuna ka tagay wiil, aabihii iyo hooyadii, iyo xaaskiisii wuxuuna ka dhintay hanti dhan 2400 oo dollar.

Markan, hooyada iyo aabaha waxay qaadanaya (sudus) lix dalool hal dalool mid walba, wayna ka simanyihiin inta hooyo iyo aabe qaadanayaan, ayadoo hooyadu ay dhadig tahay, ayey hadana la mid noqotay aabihii oo nin ah. Dabcan xaaskuna waxay qaadanayaa (thumun) sideed dalool hal dalool, wiilkuna wixii soo hadhaybuu qaadanayaa.

Muxyadiin
Muxyadiin
8 Bilood Kahor

Marka aad diinyta durto, Alle weyne ayaa durtay, Allena asaga ayaa kaa yaqaan addoomadiisa, waxaanad ku hoobaneysaa caddaab ninka maqaalkan sare qoreyow haddii aadan toobad keenin. Waxaan ku leeyahay Allaha ku hanuuniyo haddii Alle aktii hanuun kuu yaal.

W/Q: Maxamed Axmed