Dhimashadii ‘Eebbe’ iyo Dhambaalkii ruuxa is-dhimani siday!

D
Miyaanad maqal tuu dhigay ninkii waalnaa, kii suuqa kusoo waaberiistay subaxa hore, ninkan waallani waxa uu ku dhawaaqayey ” Waxa aan raadinayaa Eebbe”, badi se dadka hareera taaganaa ma aanay aaminsanayn inuu Eebbe jiro, waxaanay ka dhigteen dhawaqan wax lagu qoslo iyo qaraaxo.

“Eebbe meeyay” ” Eebbe meeyay” ayaa uu ku ooyay ninkii waalnaa, anaa idiin sheegaya ayaa aanu isugu halceliyay! “Waynu dilnay” Haa: aniga iyo adigu, dhamaanteen waxa aan nahay gacan ku dhiiglayaal. Laakiin sidee ayaa aynu waxan oo kale u samayn karnaa? Sidee baan u cabi karnaa biyaha badda? Maxaan samaynay kolkaan Qoraxda iyo Dhulkeedii kala qaadnay? Xagee hadda Cadceedu u socotaa? Innagu xagee u soconaa? Ma waxa aynu ka sii dheeraanaynaa dhamaan ilayskii? Miyaynaan hadda si joogto ah haadaan ugu hoobaneyn! Weli ma kor iyo hoos baa kala jira?! Miyaynaan kusii socon jiritaan la’aan? Sow meel madhan oo innaga horaysaa, innagu soo haawan mayso? Miyaanu hadda habeenku uun soo noqnoqon? Ma maqlaynaa dhawaqa kuwii xabaasha qodayey, ‘EEBE DHIMAY’ sidaas ayaa aanu kugu daayey. HAA; Innaga ayaa dilnay, Sidee baan isugu laab qaboojin karnaa, kadib kolkii aan ku kacanay dilkii dilalka ugu foosha xumaa?! Waxaa aynu qudhgoynay waxii abid u qaalisanaa ee dunida soo maray waxa aynu qalanay qudsiyadii. Maxaa innaga maydhi kara dhiigan, hoogeenee, biyahee inna nadiifin kara. Ninkii waalnaa hadda wuu iska aamusay waxaanu ku sii xanshaashaqay ” Waan soo degdegay, Waan soo degdegay, weli lama gaadhin xilligii aan iman lahaa”

QORMO LA XIRIIRTA:  Baron d'Holbach iyo doodda diidmada Eebbe
Friedrich Nietzsche

Haaheey, hadda ayaa la gaadhay kii waalnaayow waqtigaagii. Qoraalkan kor ku xusan waxa qoray Faylasuufkii reer Jarmal ee Friedrich Nietzsche, buuggiisa ‘Gay Science’ walow oodhaahda farta waaweyn ku qoran ee qoraalka sare ku jirtaa caan tahay, dad badanina ku aqoonsadaan Nietzsche inuu ninkii waxaa ku hadlay yahay, halka kuwo kale oo badanina baasaysigooda falsafadaba baydkan ku sababeeyaan, xaalka Nietzsche se sidan wuu ka duwanaa.

Haddaba maxaa uu Nietzsche uga jeeday “Eebbe waa dhintay”, ugu horayn, intii uu garaadsadayba mulxid ayaa uu ahaa Nietzsche, mana aysan jirin ogaal gooniya uu oo markan uun ogaaday in aanu Eebbe jirin, u mana uusan dabaaldegayn “dhimashada Eebbe”, e’ waabu ka anfariirsanaa.

Nietzsche, waxa uu isku deyayaa inuu ninkan waalan inoo soo faro fariin, fariin aad u culus, waxa aanu ina dareensiinayaa, in socodka taariikhda iinsaanku gaadhay heer ay Eebbe ka maaranto, Horumarka iyo ilbaxnimada iinsaankana aayahooda danbe yahay dhimashada fikradii ‘Eebbe’, waxa god galay waa fikradii wehelka inoo ahayd ee ‘Eebbe’ mase uu jiro Eebbe si dhab ah u qudh baxay i’.

Waayo, Hadda sida aan ogaanay adduunkeena waxaa maamula xeerar dabiici ah, mana jiro Eebbe gacanta kula jiraa, Falsafaduna waxa ay ina bartay in aynaan u baahnayn Eebbe si aan dowlado u samaysano, bedelkiisana waxa aynu isku xukunaa garashada iyo aqbalaada kuwa la xukumayo, waxa aynu la nimi aragtiyo akhlaaqda ku saabsan oon Eebbe ku salaysnayn. Ubadka Eebbe inama siiyo, kamana aynu sugno e’ innaga ayaa samaysana, doorkasta oo Eebbe nolosheena ku lahaa waynu ka saarnay. Falsafada iyo Sayniska ayaa hadda inoo galay booskii hore Eebbe u buuxin jiray, oonka aan ogaalka iyo fahanka adduunka u qabno ayaana Eebbe galaaftay, god kasta oo ku gabadayna ka saaray. Suure galna hadda ma ay aha in aan Eebbihii awoowayaasheen sii aaminsanaano, oo haddiiba uu iyaga wax tari jiray, innaga hadda waxba inooguma uu jilna.

QORMO LA XIRIIRTA:  Saaxiibtinimada

Dhimashada Eebbe ma aha wax uu Nietzsche la dhacsan yahay, waayo waxa meesha ka bixi doonna sida uu ku dooddayo dhammaan qaab rumayntii qadiimiga ahayd, iinsaankuna kolkan waxa uu ku qasbanaan doonaa inuu isagu akhlaaqdiisa iyo aaminaadiisa adduunka ku aadan ba yabyabto. Nietzsche dhimashadan waxa uu u arkayey sidii dhimasho waalid ka dhintay ilme aan weli garaadsan, gowaan cidla ahna kaga tegay bilaa cid iyo ciirsi, waa masiibo.

Sida hadda aduunka ka muuqata waxa aad moodaa in la gaadhay goortii loo dhug yeelan lahaa fariintii ninka waalan, hadda Diin la’aanta iyo Mulxidnimadu aad ayay u koraysaa, wadamo badan oo Yurub ahna aqlabiyada in ku dhow baaba ku sifaysan “Nones”, mase jirto aragti guud oo midaysa adduun aragan cusub. Hadda waxa aynu nahay ama noqon doonaa bulsho micna darada nolosha la daalan, bulsho quustu qofafkeedu ay nolosha qayb ka tahay. Rajaduna waxay noqon doontaa xasuus, Riyo kastaana waxay ahaan doontaa mid cabsi leh. Sow ma aragtid modowgan soo fool leh, kan ayuu Nietzsche ka cataabayey.

Ugu danbayntii walow, aanu xaalku u xumayn sidii Nietzsche saadaaliyey, aadna moodo in iinsaanku waalidan cusub iyo abbuurkan bilaa Eebbaha ah la qabsanayo, haddana muhiimada Nietzsche waxay tahay in aan xasuusnaano in aan nool nahay waqti xasaasi ah, waqti qiyamkii qadiimka ahaa meesha ka baxayaan, kuwo cusubna ay samaysmayaan, waa in aan is bedelkan u dhug lahaanaa.

iinsaanku wuu ogoomoobay waana inuu bartaa sidii uu Aabbe la’aan u noolaan lahaa, isaga ayaana masuul ah e cidi ma maamusho

Waa tan fariinta Nietzsche ninka waalan soo faray.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend