Did u habaynta diinta Islaamka

D
Wax badan baa laga dhahay malmahaan “dib-u-ahabeenta islamka” si looga hortago aragtiyada kooxaha mayalka adag sida daacish. Fahanka muslimiinta maanka-furan sida muslimiinta cillmaaniga ah ee ku dhisan in quraanka iyo axaadiista la siiyo macno cusub, waa mid aan wax badan kaga duwaneen kan kooxaha mayalka adag. Macno cusub siinta ayadaha quraanka iyo axaadiista, oo ah isla game-ka ay kooxa mayalka adag ciyaaraan, ma ahan mid isbadal soo kordhineysa aan ka eheen inay siineyso kooxaha mayalka adag sharciyad iyo fursad ay dib ugu soo laabtaan garoomada.

Aragti ahaanteyda, haddaa nahay muslim waxaan u baahanahay inaan tillaabo geesinimo ku dheehan tahay aan horay u qaadno, oo aan naqdi dusha kala dhacnaa fikrada oraneyso quraanku waa macsuum ama lama-tabtaan, qaladna ka maran. Tani shook iyo argagax bay ku noqon muslimiin badan oo lagu soo abaabiyay fikradda ah in quraanku yahay hadalkii alle oo barax-la’, balse muslimiinta qaar ayaa mar-hore qaatay.

Mufakiriinta sida Abdul kariim Soroush ee reer iiranka ah, Sayyid Al-Qabbanji ee reer ciraqiga ah, iyo Saciid Nashiid ka marookaanka ah, aaya ka mid ah kuwa su’aalo badan ka keenay aragtida ah in quraanku hadalkii ilaah oo qalad ka maran yahay.

Siciid Naashiid

Saciid Nashiid, tusaale ahaan, wuxuu buuggiisa cusab ee “Modernity & the qu’ran” ku leeyahay ” quraanku ma ahan hadalkii ilaahey, sida uusan roodhigu u ahayn wax soosaarka tooska ah ee beer-falaha. Eebbe wuxuu soo saaray kaliya maadada cayriinka ah (raw material) ee ah waxyiga, sida uu ninka beeraleyda ahi u soo saaro maadada ceyrinka ah e qamadiga, balse kan u badalaayo roodhiga waa ninka foornada iska leh, isagoo u kaashanayo xirfaddiisa shaqo iyo hal-abuur si uu u soo saaro nooca ugu qiimaha badan kuna habboon macaamiishiisa. Si taa la mid ah, nabigu waa kan ka musuulka ahaa inuu waxyiga ee ah madada cayriinka ee quraanka u badalo hadal isagoo ka faa’iideysanaya awoodihiisa bini’aadaneed, si uu u soo saaro hadal ku habboon xaaladda iyo meesha la joogo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Soomaalidii Hore

Maxay tillaabadan oo kale muhiim u tahay? Sababtu waa in markastoo aad awood u yeelato inaadan ku difaacin fikrad “Eebaa yiri” kaliya, waxaad abuureysaa garoon cusub oo ay firkradaha xun-xun iyo kuwa wanaagsan ay si siman ugu baratami karayaan. Taasne waxay noo ogolaaneysaa in mandiqa iyo maan-galnimadu (reason) noqdaan kaliya waxa aan wax ku aqbalno ama aan ku diidno, halka aan ka dhihi leheen “way qorantahy” iyo “eebaa yiri”. Markaa uma baahnin fasiraad tirabadan iyo inaan macnaha ka badalno aayadaha qaar, oo aan macno cusub qasab siinaa.

Inta aan diidannahay inaan aqbalno fikradda ah in quraanku yahay hadal bini’aadan, waxaan ku qasbanaaneynaa inaan game-ka kooxaha mayalka adag dajiyeen ciyaarno, inagoo ka gacma maran hubka kaliya ee aan kaga adkaan karno kooxahaas. Kaliya markaan garawsanno in quraanka iyo xadiiska noqon karaan wax aan qalad ka marneen, markaas uunbaa “islaamka” xabsiga uu ku jiro ka saari kareynaa. Islaamku wuu ka ballaaranyahay quraan iyo xadiis kaliya, waa aragtiyaha, xigamadaha, dhaqanka boqolaalka milyan ee dadka ah laga soo bilaabo qarnigii todobaad ee miilaadiga.

Diinta, macneheeda asaasiga ah, waa qof raadinaya wax uusan garaneen, waa waddo lagu raadiyo daganaansho, awood, iyo macno, dunidaan aadka u adag ee uu qofku ku dareemaayo taag-darri badan. Ma ahan badalka maanka ee waa garabkeeda.

Waxaad u fiirsataa badi dadka rumeeysan diimaha, ma ahan badankoodu kuwo xataa garanaya waxa kitaabkooda barakeysan uu dhahayo. Waxay ka yaqaanaan kaliya wax yar ama waxba kama garanaayanba. waxaa diin u ah iyaga kaliya wixii ehelkoodu u sheegeen, sida salaadda, soonka, sadaqada, caawinta dadka tabaaleysan, nabad jeceelka, dagaal neceebka…iwm.

Waa kaas islaamka qofka caadiga ah. Balse kooxaha mayalka adag waxay rabaan in islaamkaas ay burburiyaan. Waxay rabaan in islaamka ay ku soo kooban “qoraal cimrigoodii tagay”, oo ay ka saaran caqli-galnimada, kana hor-is-taagaan horumarka. Waxay rabaan inay inoo celiyaan 1,400 sano ka hor iyo duruuf ka gadisan duruufteena, waxay kaloo rabaan inay islaamka ku soo koobaan caqiido iyo xuduudaha jir-dilka ah. Islaamku waa inuu macnihiisu noqdaa, sidaad qof bini’aadana oo wanaagsan u noqon leheed, sidaad naxariista, jeceelka, iyo waxtar kaada dadka kale u gudbin leheed.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nabi Maxamed yaa loo soo diray?

Fikradda ah in quraanku yahay hadal bini’aadan ma ahan mid burburineysa islaamka, kaliya waxay burburineesaa fikradaha maan-galka eheen. Amaa inteenna kale waxay naga xoreyneysaa xabsiga aan ku jirro, waxay albaabada u fureysay maan-galnimada, taas oo noo suurta galineysa inaan diinta wixii fiican ka qaadanno wixii xunna aan ka tagno. Islaamku uma imaan inuu badalo maskaxda uu eebe nagu manneestay.

Waan ogahay dadka qaar waxay dhihi doonaan islaamku waa caqiido cad oo dhab ah oo aan is badalin, basle anigu waxaan leeyahay, waa laga yaabaa in xaqiiqo biyo kama dhib caan ah jiri karto, laakiin haddaa nahay bini’aadan xaqiiqadu xaggeena waa nisbi, waxayna nisbi u tahay aqoonteenna, fahankeenna, bey’ada iyo waqtiga aa nool nahay, inaguna maadaama aan is bad-badaleeno, xaqiiqduna waa nala mid. Taas waaye sababta ay tahay in diintu isbadashaa, oo ay horumar sameysaa. Diinta aan isbadalin, diin maahan, ee waa jahli iyo aqoon daro. Waa jahli maxaabiis nooga dhigaayo waqti laga soo gudbay.

W/Q:  Xassan Radwaan
W/T:  Cali Barre
Isha qormada: The guardian
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments