Diimaha iyo nafta

D

Wax kasta oo jira waxa ay ka samaysanyihiin tamar (energy). Haddaba haddii ay jirto wax loo yaqaano ‘naf’, waa qasab in ay tamar ka samaysantahay. Tamartuna sida aynu ogsoonahay lama abuuri karo lamana burburin karo, balse waa ay qaab badalataa uun.

Diimaha, marka ay noqoto sida ay u arkaan nafta, waxaa loo qeybin karaa laba koox oo waa weyn; koox aaminsan in naftu meerto tahay (reincarnation) oo ay qaab badalato, kolkastana ay u jirto si ka duwan sidii hore iyo koox kale oo aaminsan in naf walba geerida kadib loo qaado meel kale halkaasna lagu kaydiyo.

Diimaha aaminsan in nafta meel lagu kaydiyo illaa inta laga gaarayo waqti go’an (Qiyaamaha) waxaa ka mid ah Islaamka, su’aalaha aanan laga jawaabi karin ee ka dhalanaya arintanna waxaa ka mid ah, halka lagu kaydiyo dhamaan waxii naf soo maray dunida. Ma meel ka mid ah kownkan baa mise waa meel ka baxsan kownkan? Haddii ay saxanyihiin diimaha qaba in naftii dunida soo martay ku kaydsantahay meel, waxay noqonaysaa in halka ay ku kaydsantahay ay tahay meel ka mid ah kownkan, maadaama tamar ku sugan kownkan aysan u talaabi karin meel ka baxsan kownka. Sidoo kale, ma jirto meel loo yaqaano ‘kownka dibadiisa’ oo ka baxsan kownka.

Diimaha aaminsan in naftu meerta tahay sida Hinduugga, Buddhisma-ka, Sikhism-ka, Jainism-ka IWM ayaad moodaa in ay macno samaynayaan haddiiba ay sugnaato jiritaanka wax ‘naf’ loo yaqaano, waayo sida ay u sharxayaan waa si la jaanqaadi karta hab-dhaqanka tamarta.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments