Diimuhu waa dad samee!

D

“Waxa jira khilaaf u dhexeeya dadka diinta hinduuga aaminsan, kaas oo ku saabsan ka sareeya labada Eebbe ee kala ah (Shiva iyo Vishnu).
Dooddan darteed dad badan baa u le’day, Lingapurana waxuu u balan qaadaa jannada Siva qof kastoo dila ama carabka ka gooya qof kasoo horjeeda Siva”
(Klostermaier, 1994).
“Dadka Zulus ka loo yaqaano dhexdooda waxa ka caana hadii gabar uur leh fooli qabato, in mar marka qaarkood rooxan masaysan oo habar wayn ahi soo muuqato sidaa darteedna ay waajib tahay in neef loo qalo awoowgii reerka si ilmo caafimad qabaa u dhasho”
(Lawson and McCauley, 1990, p. 116).

Sidaas oo ay tahay hadana marka laga yimaado sheegashada dadka aaminsan arimahan, aaminadahani ma aha kuwo abidkood jiray.

Balse sida ay ku doodaan dadka diimaha aaminsani gaar ahaan islaamku, diimuhu waxay la bilaabmeen bilawgii hore ee Aadanaha Eebbe abuuray.
Doodaasina waa mid dad badan oo qaarkood taariikh yahano yihiin qabaan.
Marcel Gauchet buuggiisa (Political history of religion) waxuu ku bilaaba odhaah sidan u dhigan;
“As far as we know, religion has without exception existed at all times and in all places” (1997, p. 22).
“Inta ogaalkeena ah diimuhu kala reeb la’aan waxay jireen goorkasta iyo goobkasta”
Odhaahdani se ma aha aragtida taariikhyanka waxaan ka ahayn. Runa maaha waayo hubaal waxa jirtay waa aanay jirin aaminaadaha iyo dhaqan diimeedyadu toona,
Jirtoono qaar ka mida aaminaaduhu yihiin kuwo facwayn taariikh ahaan, hadana waxa jira kuwo kale oo ka war qabkooda aad ka heli karto qodobada warka maalin laha ah.

Su’aasha jawaabta u baahani waxay tahay sidee ayay ku samaysmaan aaminaad diimeedyadu dadkuse diin ma samayn karaan?.

Jawaabtu waa doqoni ma garatay gaar ahaan markaan hayno tusaalayaal taariikhda dhow ku suntan.
Goortii badmareenadii reer yurub iyagoo wata doomahoodii cajiibka ahaa ay gortii ugu horaysay booqdeen jasiiradaha Koonfurta bada baasiifiga qarnigii 18’aad, dadka loo yaqaan Melanesians ee ku dhaqan jasiiradahaasi waxay aad ula cajabeen doomihii badmaaxyada reer yurub wateen iyo hadyadihii ay siiyeen.
Sida alaabo xadiid ka samaysan dhar iyo muraayado wax laga dhex arki karo, iyo alaabooyin kale oonay kolkaa aqoon jiritaankoodana filayn.
Dadkani waxay u amakaageen sida aan u amakaagi lahayn hadii goortan ay ina soo gaadhaan gulufyo ka soo kici timay gawaanka sare (outer space).
Hadiiba ay dhici lahayd inay ina soo booqdaan dadkaa qariibka ku ah kownkeenani (Aliens), hubaal waxay la iman lahaayeen horumar aynaan weli ku hamiyin, habash habashteena iyo hadba dhan u reerkoonu waxuu hubaashii goorta ka yaabin lahaa qolyahaa ina soo booqday sida aynu u inaba ula yaabanahay badawdaa bada baasiifigu inaga xigtay.
Dadkii Melanesianska ahaa ee reer yurubku qaaradoodii boqdeen waxay talo kusoo urursheen inay dadkani yihiin quruumihii awoowayaashood oo qabriyadii kasoo noqday si loo caabudo.
Goortii ay goobtii gaadheen diin fidiyayaashii kiristaanku (missionaries) waxay la kulmeen madax adayg daran oo kasoo wajahay dadkii Melanesianska ahaa kuwaas oo filayey inay yihiin awoowayaashood oo alaabaha ay sidaan u xaasidaya ilaa ay ugu heesayaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Adiga yaa ku abuuray? Kownka se yaa abuuray?

Sidoo kale dagaalkii labaad ee aduunka ayay ciidanka bada ee maraykanku tageen jasiirada (Tana) ee kutaal bada baasiifiga si ay uga soo kaxaystaan kun nin oo ku caawiya dhisida goob diyaaradu ka haadaan iyo saldhig ciidan oo laga dhisayey jasiirada la deriska ah ee (Efate).
Markii ay muruq maaladii ku noqdeen jasiiradoodii Tana waxay ka warameen inay soo arkeen rag cadaan iyo madaw isugu jira oo haysta hanti iyo hawlfududeeyayaal aanay habeen ku riyoon dadka reer Tana.
Ka gadaal soo gaadhistii warku soo gaadhay jasiiradii waxa ka bilowday qalalaase, dadkii jasiirada oo in badan oo kamida hore diinfidiyayaashu u kiristaameeyeen waxay joojiyeen aadistii kaniisadaha waxaanay bilaabeen inay dhisaan garoomo,warehouses(ama guri kaydyo), waxaanay bilaabeen inay raadyayaal qoryo rayfalo ah iyo qalabkii kale ee ciidanka maraykanka ka samayeen geedka bambooga una adeegsadaan qaab diimaysan oo laga barakaysto.
Goortii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunku
Dadkii jasiiradu waxay bilaabeen inay banaabaxyo u sameeyaan soo noqoshada(John Frum), walow aanu jirin askari maraykana oo magac lahaa hadana waxuu noqday rasuulka diinta iyo rajo geliyaha dadka ilaa hadana diinta john frum waa mid jirta jiilka hada noolina waxay weli sugayaan john frum.

Dadka diinta islaamka aaminsani waxay rumaysan yihiin inay diinta islaamku tahay ta xaqa ah keligeed.
Diintanina ay soo degtay sida ay aaminsan yihiin markii Eebbe u waxyooday Nebi maxamed, quraankana uu malaku Jibriil marba in soo qaadi jiray.
Diintani sababta keliya ay u jirtaa waa in malaayiin dad ah oo kownka ku nooli aaminsan yihiin inay xaq iyo xaqiiq tahay, waxaa se iswaydiin mudan sababma ayay diimaha kale u jiraan hadaabay been yihiin maxayse u baabi waayeen sida aragtiyaha khaldan ee dalag falashada ku saabsani u dabar go’een, laga yaabaa inaad aaminsan tahay hubaal way baabi’ doonan, diinta keliya ee soo hari doontana waa ta xaqa ah ee islaamka.

QORMO LA XIRIIRTA:  Eebbe Metaalkiis ma jiro!

Kolka laga yimaado dhowrka diimood ee waaweyn dadka aaminsanina malaayiinta ka badan yihiin waxa jiraa kumanaan diimood oo kale oo kawnkan ka jira.
Laba ama saddex diimood ayaa maalin kasta soo kordha badankuna way baaba’aan da’dooduna ma dhaafto jiil.
Ma ogaan karno inta diimood ee da’ dheer jiray boqolkii kun ee sano ee u danbeeyay, lagana yaabaa inay malaayiin yihiin taariikhdooduna hadda luntay.

Kaniisadda Mormonku wuxuunbay jirtaa labo qarni, Borotastankuna afar qarni, halka islaamku ka jiro afar iyo toban qarni, Kiristiyaanatiguna wax ka yar labaatan qarni, diinta yahuudiyada oo diimahan ugu facwaynina waxay jirtaa wax ka yar laban laabka inta kiristiyaanatigu jiray.
Marka la barbardhigo taariikhda bili aadanka ama taariikhda nolosha ee kawnkan (Biological time) waqtiyadani waa kuwo aad u kooban waxayna aad uga yaryihiin jiritaanka astaamaha dhaqmada kale ee Aadanaha sida wax qoraalka oo jira mudo ku siman 5 kun oo sano iyo beerashada oo iyana jirta in ka badan 10 kun oo sano yaa se og tolow inta sano ee ay luuqadu jirto?

Ugu danbayn maadaama oon aragnay in dhaqanka diin samaynta ahi, uu yahay dhaqan soo jireen ah Aadanhuna in badan yiqiin jahliga iyo baqdintuna u Aabe yihiin.
Aynuna sidoo kale hayno dad badan oo qirsan inay diintoodu dad samee tahay ee aanay samo ka iman sida diinta Budhisamka diinta shinto ee china iyo jaban oo iska daa inay Eebe ka timiye Alle koodnimadu u asalka tahay, iyo weliba falsafada diimowday ee konfishisamkaba.
Keliyaata diimaha bariga dhexe waxay dheer yihiin diimaha kale ee Aadanaha hafarka iyo ka been sheegashada samada.
Sidaa darteed marka horeba waa inaynu wax walba waxii aynu ku niqiin uga shakinaa inay diinta islaamku samada ka timina sheegashada ka sakow waa in cadaymo la keenaa..

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments