Diin iyo dareemo

D

Gooraysado ama saacaddu waa 12 kii duhurnimo bishuna waa Maarso, waa bisha oogu kulul sannadka oo dhan halka uu joogo Diinku oo ah dhinaca bari ee qaaradda Afrika. wuxuu ku hoos-jiraa geed wayn oo aan laheyn wax caleen ah wax uu cuno waxaa oogu danbaysay dayrtii hore. jirkiisa wxaa ka muuqda harraad, daal iyo diihaal badan, hayeeshee ma uusan quusan inkasta oo tabar yari badan ka muuqato, ma qorshaynayo in uu geedka ka baxo si uu u soo daaqo cawska ama dareemada qalalan.

Dhimbil waa sugan dhaari dhaqanka yaqaan, balse wuxuu baadi-goob oogu jiray xilli dheer in uu ogaado halka diin ku nool yahay. Baadi goob dheer kadib waxaa suura gal noqotay in uu helo Diin oo ku jira geedkiisii waxaana dhex-matray sheekadaan..

Hadalka waxaa qaatay Dhimbil wuxuu ku bilaabay sidan ma la hargalay diinoow? Waa la hargalay buu ku jawaabay Diin cod gaaban oo taxadar ku jiro. Dhimbil waa gartay in diin uu ka qabo cabsi iyo dareen saas darteed wuxuu ku dadaalay in uu arintaas ka saaro si jawi ku haboon wada sheekaysi loo abuuro. Wuxuu yiri dhimbil oo hadalka qaatay “Waxba ma jiraan wax dhibaataa Diinaw, balse waxaan damcay arrin aan waligay rabay in aan ogaado in aad ii sheegto”.

Diin oo la yaaban Dhimbil baa madaxa ama qoorta kala soo baxay qolafta taas oo aad mooddo in uu markii hore ku dhiirran waayay wuxuuna ku jawaabay; “Oo waa maxay waxa aad intaas raadinaysay?“. Dhimbil baa hadalka qaatay oo yiri: “Diinka waxaa la arkaa dooggii markaa xaggee diraacdii jiraa?“.
Diin: Diinku diraacdii wuxuu ku jiraa geed-hoostiis.

Dhimbil baa ku jawaaby: “Oo maxaad cuntaa jiilaalka oo dhan?
Diin: Waxba ma cuno geedka ayaan ku hoos-jiraa ilaa roobku yimaado ama roobku d’o.
Dhimbil oo yaaban ayaa ku yiri: maxay ku dhacday in aadan wax cunin abaarta?

Diin baa ku jawaabay “Afkii aan doog ku cunay dareemo ku cuni maayo
Dhimbil oo yaaban baa ku yiri : “Maxaad ka wadaa Diin wali ma garan ujeedadaada?
Diin: Waxaan ooga jeeda waxaan xasuustaa dooggii iyo barwaaqadii aan soo maray saas darteed ayaana afka u diidaa in cawska jiilaal ku cuno anoo xasuusan doogii.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nebinimo (Maanso)

Dhimbil oo yaaban baa istaagay afkaan doog ku cunay dareemo ku cuni maayo buu ku celiyay! Waa murti wayn buu sii raaciyay wuxuuna intaas ku daray tillaabo asaga oo dhaqaaqay.

Xasuusta diin iyo sheekada dhibil waxay noqotay dhaxal suugaaneed waa kii lahaa Huryo heestii caanka ahayd “Diigaa” oo uu qaadi jiray Maxamed Axmed (Kuluc), midhaheedana ay kamid ahaayeen;

Diinkuna ma dhuunyado,
Dareemada abaarta,
Afka wuu diidaa,
Hadduu gugii ku daaqee,
Anna dooqoo yaable,
Siduu iigu kaa diray dawooy,
Adiga mooye dumar kale ma eego…

“Adiga mooye dumar kale ma eego” asaga oo markaas oola jeeday in jacaylka gabadhu ku noqday mid xasuus ku reeba sida Diinku u xasuusto dooggii oo afka uu ka daayo in uu dareemada ku daaqo in si la mid ah uu jacaylka gabadhu ka jaray in uu haweenka kale jeclaado.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments