Diinta Islaamka iyo argagaxisada

D
Markasta oo weerar argagixiso ay muslimiintu ka fuliyaan adduunka gaar ahaan dalalka gaalada waxaa soo booda oo shaashadaha muuq-baahiyayaasha qabsada wadaado iska fogeynaya ku lug-lahaanshaha islaamka ee dhacdadaas, iyaga oo ku doodaya in falkaa xun ee dadka masaakiinta ah lagu dhibaateyey aanu islaamku qabin, kuwa ku kacayna islaamnimo ayna shuqul ku lahayn. Hadalkaasi waa hadal wanaagsan balse runta ka fog.

Diinta islaamku waxay Jihaadka u qabaysiy labo, mid difaac ah iyo mid weerar ah loona yaqaan (جهاد الطلب), kaaso looga dan leeyahay waa sida ay aaminsan yihiine in diinta Illaahay dhulka oo dhan la gaadhsiiyo. Illaahay wuxuu kaloo aayad Quraan ah ku yiri diyaarsada wixii aad awooddaan ee cudud ciidan ah oo aad ku argagax gelinaysaan cadawga Illaahay, cadawgiina iyo kuwo kale oo aydaan ogeyn Illaahayse ogyahay (Al-Anfaal: 60)

‏(ﻭَﺃَﻋِﺪُّﻭﺍ ﻟَﻬُﻢْ ﻣَﺎ ﺍﺳْﺘَﻄَﻌْﺘُﻢْ ﻣِﻦْ ﻗُﻮَّﺓٍ ﻭَﻣِﻦْ ﺭِﺑَﺎﻁِ ﺍﻟْﺨَﻴْﻞِ ﺗُﺮْﻫِﺒُﻮﻥَ ﺑِﻪِ ﻋَﺪُﻭَّ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﻭَﻋَﺪُﻭَّﻛُﻢْ ﻭَﺁﺧَﺮِﻳﻦَ ﻣِﻦْ ﺩُﻭﻧِﻬِﻢْ ﻻ ﺗَﻌْﻠَﻤُﻮﻧَﻬُﻢُ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻳَﻌْﻠَﻤُﻬُﻢْ ‏)

Jihaadka loo yaqaan (جهاد الطلب) waa ka cadawga islaamka ama kuwa aan haysan diinta islaamka loogu tegeyo guryohooda iyo dalalkooda iyadoo la kala doorran siinayo saddex mid uun, inay islaamaan, inay baad(jizya) bixiyaan iyagoo bahdilan iyo in la qudha laga jaro. Diinta islaamku waxay jideysey in ugu yaraan sannadkiiba hal mar la duulo.

Illaahay wuxu yidhi laaya kuwa aan Illahay iyo maalinta danbe rumeysnayn diinta xaqqa ahna aan haysan (Al-Tawbah: 29)
(قاتلو الذين لا يؤمنون بالله ولا باليوم الاخر ولا يحرمون ما حرم الله ورسوله ولا يدينون دين الحق من الذين اوتوا الكتاب حتى يعطو الجزية عن يد وهم صاغرون)
halkan wuxuu Illaahay farayaa addoomihiisa gacanta fudud inay laayaan gaalada aan rumaysnayn Illaahay iyo maalinta qiyaame ama ay bixiyaan baad iyagoo bahdilan. Wuxuu Illaahay aayad kale ku yidhi; dila gaalada meel kasta oo ad ku aragtaan ama ka heshaan (Al-Tawbah: 5)
(ﻓﺎﻗﺘﻠﻮﺍ ﺍﻟﻤﺸﺮﻛﻴﻦ ﺣﻴﺚ ﻭﺟﺪﺗﻤﻮﻫﻢ).

QORMO LA XIRIIRTA:  Nabi Maxamed yaa loo soo diray?

Nebi Maxammed wuxuu yidhi waxaa la i faray inaan la dagaalo dadka ilaa ay ka qirayaan in Illaahay mooye aanu Illaah kale jirin aniguna aan ahay rasuulkiisii uuso dirsaday, hadii ay intaa ku dhawaaqaan maalkooda iyo naftooduba waa iga nabad geleyaan.
( ﺃﻣﺮﺕ ﺃﻥ ﺃﻗﺎﺗﻞ ﺍﻟﻨﺎﺱ ﺣﺘﻰ ﻳشهدوا أن ﻻ ﺇﻟﻪ ﺇﻻ ﺍﻟﻠﻪ وأن محمد رسول الله , ﻓﺈﺫﺍ ﻗﺎﻟﻮﻫﺎ ﻋﺼﻤﻮﺍ ﻣﻨﻲ ﺩﻣﺎﺀﻫﻢ ﻭﺃﻣﻮﺍﻟﻬﻢ ﺇﻻ ﺑﺤﻘﻬﺎ ﻭﺣﺴﺎﺑﻬﻢ ﻋﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ‏) رواه الشيخان
Maxamed wuxuu sheegay in Illaahay faray inuu dadka la dagaalamo ilaa ay ka qiraan nabinimadiisa, haddii intaa laga helo way nabad geleyaan, Hadii laga waayo intaa laba mid uun baa taal in la laayo iyo inay baad bixiyaan haddii ay Ahlul Kitaab yihiin oo ah Yuhuudda iyo Kiristanka.

Diinta islaamku waxay ogoshahay adduunkan inuu ku noolaado oo keliya qof Muslim ah iyo mid baad bixiya isagoo bahdilan, ma ogola nolosha dadka kale sidaa darteed laynta dadka soo haray waa waajib saaran qof kasta oo muslimiinta kamid ah oo awood u leh inuu dhibaateeyo gaalada ama ugu yaraan argagax geliyo.

Shiikh Yuusuf Al-Qardaawi kitaab uu qoray oo la yidhaahdo (فقه الجهاد) wuxuu ku sheegay inuu ku faanayo kamid ahaanshihiisa culimada aaminsan ama u arka inay waajib ku tahay muslimiinta ugu yaraan inay hal mar sannadkii ku duulaan dhulka gaalada si loogu baaqo inay islaamka soo galaan, dhulka islaamkuna u ballaadho. Qolyaahaas uu ka mid yahay shiikh Yuusu Al-Qardaawi waxay qabaan ama aaminsanyihiin in gaalnimada dadkaasi oo keliya ay tahay mid ku filan in lagu duulo oo la gumaado. Waxaa meeshan ka baxaysa gebi ahaanba la dagaallanka gaalada in dagaal lagu xidho.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dhaqan, Diin iyo Anshax Maxaa Isku Soohey?

Shiikha la yidhaahdo Burhaan-Diin Abu-Xasan Al-Margiynaani (1135-1197) oo ah caalim xanafi ah wuxuu ku qoray buuggiisa (Al-Hidaayah) inay waajib tahay in gaalada lala dagaalo xittaa hadaanay iyagu dhibka bilaabin.
ﻭﻗﺘﺎﻝ ﺍﻟﻜﻔﺎﺭ ﻭﺍﺟﺐ ﻭﺇﻥ ﻟﻢ ﻳﺒﺪﺅﻭﺍ ﻟﻠﻌﻤﻮﻣﺎﺕ ” . ﺍﻟﻬﺪﺍﻳﺔ
‏( 2/809 ‏)

Muslimiintu waxay nabad iyo nolol u ogol yihiin qofka islaamka ah, ka heshiiska kula jira muslimiinta iyo ka gunnada bixiya naftiisa iyo ehelkiisa si ay uga nabad galaan bahalnimada muslimiinta ( المعاهد ،المستأمن واهل الذمة). Marka uu mid muslimiinta ka mid ahi dhib ka gaysto dalalka gaalada wuxuu fulineyaa amarkii Illaahay ee nuxurkiisu ahaa Laaya oo argagax galiya cid walba oo aan rumayn aniga iyo ergaygayga Maxamed.

Kooxahaa argagixisada ah sida Al-Shabaab, Daacish iyo Al-Qaacida dhammaantood waxay dooneyaan oo sidu yahay u fulineyaan shareecada islaamka ee bahalnimada ah. Qolyaha culimada sheegtaa waa og yihiin inay muslimiin dhab ah yihiin waxa ay samaynayaanna yahay wixii nebigu samayn jirey balse danahooda ayay eegtaan iyo ganacsiga diinta ee ay ku jiraan oo maalmihiisii u wanaagsanaa maraya.
Qofka muslimka ah laba mid uun baa u bannaan inuu diintiisa ka run sheego oo bahalnimada u badheedho sida kooxaha aan xusnay iyo inuu iska tuuro heeryada argagixisada noqdana qof caadi ah oo damiir leh dadka ka duwana aan nacayb joogto ah u qabin.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments