Diinta Islaamka maanta ma la isku xukumi karaa?

D

Dadka Muslimiinta ahi waxay ku doodaan inay waajib tahay  dhaqan gelinta iyo isku xukunka shareecada islaamka iyaga oo meesa ka saaraya dhammaan noocyada dastuurada iyo sharciyada dad sameega ah. Dadkaasi weligood isma waydiin cidda ku xukumaysa kitaabka ay aaminsan yihiin in Illaahu soo dajiyay? qaabka uu ku imanayo qofka ku xukumaya kitaabkaa iyo shuruudaha lagu dooranayo qofkaas?

Dadkani waxay rumaysan yihiin in talada uu leeyahay Ilaah xagga sare fadhiya (الحكم لله) Illaahay hadii aanu soo hadlayn oo uuna magacaabayn cidda talada qabanaysa saw ma haboona inaan innagu tashanno oo ka heshiinno hoggaanka ciddii inoo qaban lahayd? Sida Maxamed sheegay Illaahay ayaa talada iska leh (والله يحكم يريد), wuxuu kaloo sheegay inaan cidina la wadaagin talada (ولا يشرك في حكمه احد).

Sannadii 37aad ee Hijiryada ayaa dagaal dhex maray Cali Bin Abi-Daalib (599-661 CD) iyo Mucaawiye Bin Abi-Sufyaan (608-680 CD). Sida la sheego Mucaawiye markuu arkay in laga gacan sareeyo ayaa qayb ciidankiisi ka mid ahi kitaabka waranka sudheen oo kor u taageen iyagoo leh aan ku kala baxno Kitaabka. Cali wuxuu u arkay khiyaano, waa kii yidhi ( كلمة حق اريد بها باطل) balse qolyihii kale waxay xasuusiyeen Cali kitaabka in lagu kala baxo oo la diidaa inay gaalnimo tahay. Cali Wuu yeelay halkaasuna kasoo jeeda ereyga af-carabiga lagu yihaado Xaakimiyada (الحاكمية). Cali wuxuu ogaa oo qirsanaa in kitaabka fasirkiisu u yaallo dadka maadaama nebigii dhintay qof walibna sida dantiisu ku jirto u fasiran doono ( هذا كتاب الله بين دفتي المصحف صامت لا ينطق ولكن يتكلم به الرجال).

Qolyahaa aaminsan aragtida Xaakimiyada Muslimiintu Khawaarij bay u bixiyeen, hadana waxay ku waafaqsan yihiin inay run tahay talada iyo sharci dejinta in Ilaahay leeyahay.

Aragtida Xaakimiyada waxaa boodhka ka jafay wadaadkii Hindiga ahaa ee la odhan jirey Abul Ala- Maududi (1903-1979) waxaana ku raacay oo qaatay wadaadki Masriga ahaa ee la odhan jirey Zayid Qudbi Ibraahim (1906-1966) kitaabkiisa “Macaalim-fi Dariiq”. Sidoo kale wadaadkii Ibnu Taymiyah (1263-1328) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa la yidhaahdo “Minhaaj Sunna-Alnabwiyah 130/5” kuwa isku xukuma waxaan Illaahay soo dejin waa gaalo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Soomaalidii Hore

Shiikha la yidhaahdo Shinqiidi (1905-1974) wuxuu ku leeyahay kitaabkiisa “Adwaa-Albayaan 259/3” kuwa raaca sharci aan Illaahay dejin waa gaalo. Kitaabka quraankana waxaa ku xusan kuwa isku xukuma waxaanu soo dejin Ilaaha la sheegay inuu xagga sare fadhiyaa inay yihiin gaalo xadgusubtay.

Haddii diintu Muslimiinta farayso inay isku maamulaan kitaabka Illaahay su’aashu waxay tahay yaa talinaya? Qofka talinaya siduu ku imanayaa? Culimada islaamku waxay aaminsanyihiin in qofka talinayaa wadaad ahaado diintana si fiican u yaqaan oo weliba garyaqaan ah. Haddii qofku diinta barto oo derejada wadaad isa siiyo ma gar baa inuu xaq u yeesho inuu taliyo? Haddii ay jawaabtu haa tahay, sow dadku diinta wada baran maayaan iyagoo ujeedkoodu yahay inay taliyaan halkaasna ka bixi mayso ujeedadii rooxaaniga ahayd ee diintaba loo soo dajiyay? Diintu ma wax madaxnimo lagu raadiyaa?

Shuruudaha ugu muhiimsan qofka talada islaamka qabanaya waxaa ka mid ah inuu yahay nin rag ah welibana uu kasoo jeedo qabiilka Qureysh ( الناس تبع لقريش), tan micneheedu waxaa weeye dadka kale ee Muslimiinta ahi ma geeyaan inay madax ka noqdaan dawladda islaamka. Haddii maanta lagu yidhaahdo reer hebel Soomaaliya madax kama noqonayaan waxaa laga yaaba inaad dagaal kala hor iman lahayd balse tan waxaa lagugu marsiiyey magaca diin iyo Illaah aan cid aragtay jirin.

Waxyaabaha lagu qoslo waxaa ka mid ah inay xaaraan tahay in lala tartamo boqorka ama madaxwaynaha islaamka ( ولي الامر لا ينافس), inaad ka hortimaado oo aad mucaaraddo siyaasaddiisa waa denbi wayn ( خروج ولي الامر جريمة). Sida uu yidhi shiikh Cuthaymiin (1929 – 2001) haddii nin xoog ku qabsado talada Muslimiinta waa in la maqlaa loona dhega nuglaadaa xukunkiisana la yeelaa ( لو خرج رجل واستولى على الحكم وجب على الناس ان يدينو له الولاء والطاعة). Waxaa kaloo waajib ah inaad ogolaato oo aanad mucaaradin haduu ku garaaco hantidaadana dhaco. (ﻃﺎﻋﺔ ولي الامر واجبة ﻭﻟﻮ ﺳﻠﺐ ﺍﻟﻤﺎﻝ ﻭﺿﺮﺏ ﺍﻟﻈﻬﺮ)

QORMO LA XIRIIRTA:  Cadawgaaga cadawgiisa waa saaxiibkaa!

Dawlad islaam ma dhalan karto xilligan aan joogno, waxay jabinaysaa xeerar badan oo heer caalami lagu heshiiyay. mana jiraan shacab diyaar  u ah inay madax kelitelis ah oo kuwii hore dhibkay ka tageen ayaa weli laga kaban la’ yahay. Reer hebel baa Illaah samada fadhiyaa gaar ula jecel yahayna dad badan kama daadagayso. Adduunkuni ma joogo qarnigii toddobaad oo addoonsi iyo xadgudubka xuquuqda insaanka lama ogola.

Dadku ka talinta aayohooda iyagaa iska leh, waxaana xaq u leh qof kasta oo degaankaa dadku ku nool yihiin kasoo jeeda. Qofkaasi kuma mudanayo qabashada talada inuu diinta yaqaan ama uu gadh wayn leeyahay. Ma jirto cid Illaahay gaar ula hadlay aadanuhuna isku Illaah, diin, luqad iyo midab maaha.

Haddii doodda wadaaddadu tahay xeerka la isku xukumaya xagga sare ayuu ka yimi, fulintana dadkaa leh (تشريع سماوي بتنفيد بشري), inta aaminsan in samada looga yimi gaar ha loogu xukumo, kuwa aan ogolaynna yaan lagu raafin kol haddii islaamkii kooxo iyo dariiqooyin is diidan yahay.

Dawladda islaamka ahi waxay ka mid ahayd masiibooyinkii ugu xumaa ee abid adduunka soo mara. Waxay kaloo ahayd dawlad faashiiste ah kuna dhisan midab takoor iyo addoonsi. Waxay dadka u kala qaybisay madax oo carabta ah, addoonoo dadka madaw u badnaa iyo kuwo baad laga qaado ama la dilo oo dadka kale ah. Dawladdaasi waxay ahayd budhcad quudata oo ku nool dhaca iyo ka ganacsiga dadka.

Diinta islaamku maaha wax maanta la isku xukumi karo waana xeer ay dad hore sameeyeen oo aan la jaanqaadi karin waqtigan mudanna inuuna soo dhaafin irridaha masaajidada. Talada dadkaa iska leh wixii u dan ahna iyagaa yaqaan. Illaahay haduu jiro wuu soo degi lahaa isma qariyeen reer gaar ahna talada ma siiyeen oo qaraabo kiilka noocaas ah ma filayo inuu leeyahay.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
3 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
clkhadar
clkhadar
1 Sannad Kahor

diinya islaamku MA ogoshahay Magta laga bixiyo qof qof kas udila

jabril omar
jabril omar
11 Bilood Kahor

macno malahan qormadan waase aragti rer galbeed

Araweelo
Araweelo
5 Bilood Kahor

Baayo aa kula thy lknse waa haddii aanu kugu raacno fikirkaaga gaalnimada ah

W/Q: Khaled Hassan