Diinta Islaamku ma ilaalisay xuquuqda haweenka?

D

Ma jirto aragti ama fikir diimeed aan dhaliil lahayn waayo xilliga la qoray diimaha dadku aqoon ahaan waa ay u liiteen. Dhaliil u jeedinta diimaha iyo aragtiyaha ay xanbaarsan yihiin waxay dheef u tahay kuwa aaminsan ee aragtiyahaa dhaxlay indho la’aana iska qaatay oo liqay, aragtiyaha aad aaminsan tahay amaba diintaadu hadii aanay dhaliil ogolayn ama aanad adigu u dulqaadan karin oo ay ku dhibayso taasi waxay cadayn u tahay in waxa aad aaminsantahay uuna cago adag ku taagnayn oo hal neef oo qof ka soo yeertay bakhtiin karto.

Marka laga hadlayo diinta islaamka gaar ahaan siday ula dhaqantay haweenka waa wax aad loola yaabo waana wax aanu qaadan karin caqliga fayoobi una baahan in gebi ahaanba dib u eegis lagu sameeyo.

Kuwa sheegta culimada islaamka ama ku hadla afka diintu waxay ku waddo mariyaan dulmiga iyo bahdilaada diimaysan ee lagula kaco haweenka su’aalo ay kamid yihiin; Xaalka haweenku siduu ahaa islaamka ka hor? Maxay xuquuq lahaayeen? Anna waxaan is waydiiyey islaamku muxu xuquuq siiyey haweenka(Haweenka Adduunka) muxuuse usoo kordhiyey oo ayna markii hore haysan?

Islaamku haweenka wuxu u aqoonsan yahay walax lagu raaxaysto oo raaxada kadibna lacag la siiyo sida kuwa jidhkooda ka ganacsada, Ilaaha Islaamku wuxuu aayad quraan ah ku yiri;
(Wixii aad ku raaxaysataan ee dumara kiradooda siiya, waa amar eebbe ka yimide – فما استمتعتم به منهن فأتوهن اجورهن فريضة من الله)…
sidoo kale aakhiro haweenka abaal-marin ayaa ragga loo siin (حور العين) tolow haweenka maxaa iyaga lagu abaal marin ileen iyaguba way soo cibaadeysteen jannadiina waa galeene?

Illaaha quraanku wuxuu yidhi hooyadu ilmeheeda marka ay nuujiso lacag ku siiya taasina waxay ku tusaysa inay tahay wax la kiraysto oo aan qiime badan lahayn ilmahana xuquuq ku lahayn (Haddii ay idiin nuujiyaan siiya kiradooda -ان ارضعن لكم فأتوهن اجورهن) hooyadii ayaa la leeyahay ilmihii ay dhashay caanaha naaskeed ha looga gado.

Dumarku ragga lama sinna marka laga hadlayo magta, ninku magtiisu waa boqol geela gabadhana waa konton, dhaxalkana kama sinna oo ninku wuxuu qaadan wax u dhigma waxa ay qaataan laba dumar ahi (للذكر مثل حظ الانثيين – Al Nisaa 11) makhraatiga laba haween ahi waxay u dhigmaan makhraantiga hal nin taana kama sinna (Maragana ka yeela laba marag oo rag ah, hadaan laba nin la helinna Nin iyo laba haweena oo aad raali ka tihiin marag ahaan si haddii midi halmaanto tan kale u xasuusiso – وَاسْتَشْهِدُوا شَهِيدَيْنِ مِن رِّجَالِكُمْ ۖ فَإِن لَّمْ يَكُونَا رَجُلَيْنِ فَرَجُلٌ وَامْرَأَتَانِ مِمَّن تَرْضَوْنَ مِنَ الشُّهَدَاءِ أَن تَضِلَّ إِحْدَاهُمَا فَتُذَكِّرَ إِحْدَاهُمَا الْأُخْرَىٰ – Al-Baqara 282).

Raggu haweenka waa ka derejo sarreeyaan ( وللرجال عليهن درجة – Al-Baqrah 228), haweenka ragga ayaa talada iyo hogaanka ka leh iyagu waa inay ragga u dabo fadhiistaan wax walba (الرجال قوامون على النساء – Al-Nisaa 34) waayo haweenku caqli iyo diin toona ma leh sida u Maxamed sheegay (النساء ناقصات عقل ودين – Sahih Al-Bukhari), waxa kaloo la inoo sheegay inay haweenku cawro(ceeb) yihiin gebi ahaanba (المرأة عورة – Al Tirmidhi).

QORMO LA XIRIIRTA:  Kacbada haddii la dumiyo maxaa dhacaya?

Gabadhu inay guursato waa inay fasax ka qaadata ehelkeeda aabbe ama walaal waayo iyadu masuuliyadda wilaayada ma qaadi karto ismana bixin karto gurigana kama bixi karto bilaa ilaalo (محرم), guurka oo ah heshiis lawada galay waxaa xaq u leh furriinka ama burinta heshiiskaa ninka oo keliya weliba marka uu isagu doono ayuu furayaa.

Nebigu wuxuu yidhi hadii uu jiri lahaa qof la caabudeyo waxaan odhan laha haweeneydu ninkeeda ha u sujuudo (لو أمرت أحدا أن يسجد لأحد ؛ لأمرت المرأة أن تسجد لزوجها – Al Tirmidhi) waxa kale oo nebiga laga weriyey inuu yidhi haddii haweenaydu leefto jidhka ninkeeda oo cagaha ilaa madaxa malaxi ka da’ayso ma gudi karto xaqiisa (والذي نفسي بيده لو كان من قدمه الى مفرق رأسه قرحة تنجس بالقيح والصديد ثم استقبلته تلحسه ما ادت حقه) xaqqa ay bahdilaada intaa le’eg ku mutaystay tolow muxuu yahay?

Haweenka sida dharka ayuu u kala bedeli kara waayo Illaahay ayaa u fasaxay (واذ ارادتم استبدال الزوج مكان الزوج) waxaa sidoo kale loo ogol yahay ninka inuu afar guursado iyo adoonti weliba qaar caruur yihiin halka waxaas oo haween ah lagu amray inay tartarn u galaan geedka hal nin oo keliya oo ay weliba kala sugaan.

Cumar Binu Khadaab oo ahaa khaliifkii labaad ee muslimiinta sidoo kalana ahaa raggii ugu cunsurisanaa carabta ayaa wuxuu ka warinayaa Maxamed inuu yiri; wax laga waydiin maayo ninka sababta uu u garaacay xaaskiisa ( لا يسأل الرجل فيما ضرب امرأته – Abi Daud 2142), sidoo kale Cumar hadal kan lamid ah ayuu ku cel-celin jiray oo ahaa “Laba arrin midna wax lagama waydiiyo ninka; sababta uu u jidh-dilay xaaskiisa iyo sababta uu dumar badan u guursaday!”, la yaab ma leh hadalkoodu marka aad maqashid talooyinka Ilaaha wayn ee quraanku siinayo muslimiinta ee ku aaddan dumarka xilliga ayna rabin inay ragooda la galmoodaan (Kuwa aad ka cabsataan inay dhaga adaygaan -diidaan galmada- waaniya, kagana fogaada gogosha oo garaaca – وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ – Al Nisa 34)

Xadiis ayaa nebigu ku yidhi jeedalka haweenka lagu garaaco guriga albaabkiisa sudha si dumarku u arkaan edeb buuna u yahay ( علقو السوط حتى يراه اهل البيت فأنه ادب لهم – Altabaraani > Al-Kabiir 10671), ka warran hadaan idhaado budhka haweenka lagu garaaco guriga hortiisa dhig si haweeneydu u aragto in budhki lagu garaaci jirey weli yaalo? Saw garasho xumo maaha?

QORMO LA XIRIIRTA:  Haweenow xorriyadda cadaaladdaa ka horraysa

Nebi Maxamed wuxu yidhi dadka naarta waxaa ugu badan haween (اكثر اهل النار النساء) wuxuu kaloo sheegay in feedh qaloocan laga abuuray ( خلقت من ضلع اعوج) Wuxuu kaloo yidhi gabadhu ninkeeda haday u diido galmo ilaa waagu ka beryeyo malaa’igta ayaa nacladaysa oo habaaraysa ilaa waagu ka baryayo (تلعنها الملائكة حتى تصبح).

Waxaa laga sheegay nebigu inuu yidhi ma gulaysan doonan dad taladoooda haweeney u dhiibtey (ما افلح قوم ولوا امورهم امراة), tolow haweeneyda dal waynaha Jarmalka madaxda ka ah ee qaabishay qaxootiga islaamka ah miyaanay talo dhaamin badi ragga madaxda ka ah dalalka islaamka?

Waxa la yidhi haweenka guriyiina fadhiya (وقرن في بيوتكن) guri fadhigaasi wuxuuu ninka u sahleya inuu siyaabo kala duwan haweentii maskiinta ahayd u addoonsado, shaqo uma bixi karto, waxna ma baran karto, taasina waxay keeneysaa in lagu adooonsado biilka ninku bixiyo.

Gabadha muslimka ah waxa lagu qasbay inay jawaan dhex gasho ama teendha madaw si aanay ragga u fidneyn oo aan loo kufsan, kufsigu meelna kagama jiro diinta islaamka waayo guurka diinta islaamku kufsi iyo dhilaysi waxba ma dhaamo, wixii dhacana waxa masuuliyadda mar walba qaadaya haweeneyda maadama ay jidhkeeda ninka ku fidnaysay, nebigu wuxuu yidhi dabaday ma jiri doonto dhib ragga kaga xun haweenka (ما تركت بعدي فتنة اضر على الرجال من النساء) ninka naagta ayaa fidnaysa sida darteed ayuu u kufsaday waa mandiqa ay ku doodaan wadaadada Islaamku mar walba oo lagu xadgudbo gabadh.

Illaahay wuxuu yidhi dhagarta shaydaanku waa mid liitada oo daciif ah (ان كيد الشيطان كان ضعيفا) wuxuu kaloo Illaahay yidhi dhagarta haweentu waa daran tahay (ان كيدكن عظيم ), waxaa kaloo jirtey xadiis odhanayey haweenku shaydaanka marba dhan ka fuula ama isu eekaysiiya ( المراة تقبل في صورة الشيطان), diinta islaaamku waxay inoo sheegeysa in haweenku ka dhagar badan yihiin shaydaanka, anigu garan maayo dhagar iyo xumaan haweenka u gaar ah balse waxaan u arkaa wax lagu jidaysanayo bahdilka iyo dulmiga haweenka.

Salaadda waxaa kaa jebinaya Eyga, haweenka iyo dameerka, saw ayaan darro iyo caqli xumo maaha in haweenka lala simo xaywaanka.

Diinta islaamku way bahdishey haweenka wax ay ula hadhayna ma jirto, haweenka Soomaaliyeed wax aan liidnimo ahayn kama dheefin diinta islaamka kuwa ku faraxsanina kama duwana adoontii ooydey ee lugaha qabsatay ninkii adoonsan jirey iyadoo leh ha iga furin silsiladahan quruxda badan.

Jabka iyo dib u dhacu wuxuu ina haleelay markaan liidney, gumeyney, addoonsanay, garaacnay, dayacnay kala bar bulshada(haweenka) inagoo fulinayna dhaqan iyo diin shisheeye. Sababta halyeey iyo halyeeyadii innooga dhalan waayeen waxa weeye hooyadi baa dulman.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
7 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Abdurahman Ali Momin
Abdurahman Ali Momin
2 Sano Kahor

Gaalnimadu ma hormarba? Gaalaw waxad inkireysa in dhoobo laga abuuray asalkadii hore waxad illawsantahay in jirkaada kasameysmay biyaha kayimada Ragga iyo Dumarka Waxad inkireysa in ayjirto maalinta danbe (Qiyaamaha) Waxad illawsantahay inaad dhimaneyso oo aad aduunyada kuwaareyn adigoon ogeyn cida kudileysa oo nafta kaaqadeysa. Waxad kudoodeysa diinta Islamka hormar makeento Gaalnimadu hormar makeento. Diinta Iskamka waa nolol dhameystiran lagu gaaro hormar aduun iyo Aakhiro Nabigeenu waxa kuleyahay NNKH xadiis aduunyada ucamalfal sida adiga oo waligaa nolaanayo Aakhiradaadana u camalfal sida adiga oo berri dhimanayo. Sharecada Islamka waa nolal dhameystiran loogu hagaajinta nolasha shacbiga. Waxad u doodeysa xuquqda dumarka muxuu yahay… Akhri faalladan »

Zakaria
Zakaria
1 Sannad Kahor

War sxp shabakadan gaalada ahi ilaa goorme ayay jirtay kolay dad badan oo diinta cidhif ka saarna way la tagtay

Ninka rumaysan Allah lkn maxamed diidan
Ninka rumaysan Allah lkn maxamed diidan
2 Bilood Kahor

Gaalnimadu hormar makeento waxaa lagaa yidhi miyaanad arag wadamada gaalada siiba ku mulxidiinta sida japan iyo South Korea wadamada islaamkana waxaa ku badan xanuunada coladaha dilka dhaca aanooyinka waa musiibo in 2020 qof jooga uu rumaysto biyaha raga ayaa ka yimaada dhabrka waa been cad iyo biyaha ragu science ahaa waxaa la cadeeyay in ay xiniiyaha ka yimaadan dumarkuna biyo malaha lkn ugxan beey leeyihiin islamku wuxuu ku talinyaa adoonsi in qof nool la adoonsado iyo dagaalo caqiidooyin ku dhisan midwaliba sax iyadu isla tahay waligeedna xal loohili maayo horumarkii umadana waay curyaamiyen firiqooyinka kala duwani diintani hadii ay sax… Akhri faalladan »

sadia
sadia
1 Sannad Kahor

wiilka qoray qormadaan oo walaalkey somaaliyed ah waxan ku oran lahaa dinta islaamka adigoon aqoon u lahayn ha ku soo qorin Baraha bulshada, tan labaad anshax ayaa jira looga hadlo markii laga hadlayo diimaha aduunka jira loona baahanyahay inaad ku ixtiraamto dadka aaminsan diintaa, example, hadaan rabo inaan ka hadlo diinta budhistaha waxyaabaha aan anigu fikrad ahaan igula qaldantahay ma aha inan isticmaalo hidallo ay ka mid yihiin “geedka ninka”, hadaadan dagaal kula jirin dadka haytaa diintaas iyada ah, markaa waxaan kaa waaninayaa inaad fikradaada uga hadasho si ixtiraam ku jiro diin walba aad hadlayso sida ay dadka media ka… Akhri faalladan »

Sundus mohamed adem
Sundus mohamed adem
7 Bilood Kahor

Alle ka baq oo quraanka si khaldan ha ufasirin diinta islaamkana been haka sheegin

Dil wadaadkasta
Dil wadaadkasta
25 Maalmood Kahor

Huuno waa diin wasan!
adigoo isticmaalaya caqligaaga iskuday inaad u baratid diinta sida adigoo ku cusub , waa naxeysaa waxyaabaha ku qoran

Dil wadaadkasta
Dil wadaadkasta
25 Maalmood Kahor

Islaam waa ‘xaar/saxaro’

W/Q: Khaled Hassan