Diinta iyo dadnimada waa iyama?

D
Marka laga hadlayo dadnimada iyo diinta dadka qaar ayaa isku khalda siday u kala mudan yihiin. Diintu waa xidhiidh gaar ah oo kaala dhexeeya adiga iyo cidda aad aaminsantahay inay ku samaysatay halka dadnimaduna ay tahay xidhiidka guud ee aadanaha ka dhexeeya mideeya xayawaankana ay kaga duwan yihiin kaasoo ku dhisan xushmo iyo walaalnimo aan dabar lahayn, diintaad doonto aaminsanow midabkaad doonto lahaw afkaad doonto ku hadal meeshaad doontana ka kaalay waxa ina walaaleeya dadnimada.
 
Dadnimadu waxay ka mudan tahay diinta, diimaha waa ku kala duwanaan karnaa laakin ugu danbayn dhamaanteen dad baynu nahay.
 
Dadnimadu waxay dabooshaa dhammaan baahiyaha aasaasiga ah ee aan u baahanahay si guud kuwaasoo ah inaan nabad ku wada noolaano, is ixtiraamno, is gacan qabanno, isna magan gelino marka dhibaato dhacdo. Diinta waxa laga yaabaa inay dadka kala qaybiso, kala qaybintaas oo ku dhisan midab, jinsi ama iimaanka.
 
Dadnimadu waa innaga oo aqblana aadanaha oo dhami inay walaalo yihiin waxkasta oo ay ku kala duwan yihiin. Dadnimadu waa innaga oo dadka iyo xuquuqdooda ka horumarina wax walba oo dad samee ah sida diimaha.
 
Dadka Soomaaliyeed waxay u qexeen burburkii kadib adduunka oo dhan meel aanay joogin ma jirto, waxayna si fiican u kala barteen dadka dadnimada leh iyo kuwa bahalaha ah laakiin muuqa dadka leh.
 
Dadka Soomaaliyeed waxaa soo dhoweeyey oo qaabilay xeryaha qaxootigana ka daad gureeyey ummad aanay af, isir, dhaqan iyo diintoonna wadaagin balse dadnimo ahaan ugu gurmadey. Dadkaas waxba ma wadaagno isku qabiilna ma nihin waxbana inagama rabaan, balse waxaynu wadaagnaa dadnimada.
 
Dadka Soomaaliyeed kuma baxsan inay islaam yihiin ee waxay ku baxsadeen inay dad yihiin, waxaana u gurmadey dad kale oo aaminsan inay walaalohood u baahan yihiin gacan qabasho.
 
Sannad kasta kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo Islaam ah ayaa badaha isku gura qaar badanina waa ku dhintaan si ay u galaan ama u tagaan dhulka gaalada, dhalintaasi waxay ogyihiin ama rajo ka qabaan in la qaabilo lana soo dhoweeyo si ay u dhistaan nolol dhaanta tay ka carareen. Waxay ogyihiin dhaqan, af iyo diintoonna inaanay la wadaagin dalalka ay ku socdaan dadka ku nool laakiin dadnimada dadkaas ayay kaga kalsoon yihiin wax walba.
 
Makka iyo Madiina oo ah dhul barakysan sida ay aaminsan yihiin muslimiintu ma jirto ama waa yar yihiin cid ku qabta kalsooni ah in la qaabilo lana soo dhoweeyo. Islaamnimada waxaa ka qiima batay dadnimada.
 
Dalalaka gaalada marka aad tagto ma jirto cid diintaada kugu qabsanaysa oo shaaraca ayaad ku tukan, meeshaad doonto ayaadna masaajid ka dhisan. Dhul islaam maaha hadana xorriyad dhan walba ah baad ku haysataa.
 
Ma jiro dubbe Illaahaagu kuugu dhuftay gaalada nijaasta ah si ay wax kuu taraan kuuna soo dhoweeyaan balse iyagaa gartay inay wax ku taraan kuna gacan qabtaan maadama aad tahay walaalkood oo dhibaateysan dadnimada ayaana xidhaysa.
 

Si kasta oo aad u dhaqan xun tahay una arxan daran tahay diintaad doonto hayso sidaad doonto ugu dhaqan kaama dhigayso qofkaad u dhalatay qof aan ahayn. Si kasta u salaad iyo soon badnoow waxba kama bedeleyso shakhsiyadda aad u dhalatay.

 
Dadnimadu waa taa aad ku kala doortaya inaad aado London iyo Makka. Maanta qofka Soomaaliga ah ee xerada qaxootiga jooga haddii la waydiiyo meeshu jeclaan lahaa in loo qaado lana dhaho kala dooro Makka iyo London? Waxaa hubaal ah inuu dooran lahaa London oo dhul gaalo ah. Dadnimada dhulkaas gaalada taalla ayuu ka door-biday dhulka barakaysan ee islaamka.
 
Cibaadadaada badani ma dhisayso dalkaaga ama shakhsiyadaada mana hagaajineyso xidhiidhka idinka dhexeeya adi iyo dawladda ama dadk sababtoo ah looguma talo gelin hawshaas, waxaase loogu talo galay inaad kula macaamisho ama si gaar ah ugu raali geliso Illaahaaga.
 
Dadnima xumo waxa ah inaad mindiyo u lisato dadkii kuso badbaadiyey adoo leh waa gaalo. Waxaa laga yaabaa inaad dhibsato dhaqankooda, lebiskooda, cabitaankooda iyo doofaarka ay cunaaan, ha cadhoon hana waalaan waxaad aaddaa Makka iyo Madiina ama waxaad codsata in lagugu celiyo xeradii qaxootiga ee lagaasoo qaaday. Ninka ku quudiya ha nicin hana dilin ee dalkiisa uga tag.
 
Dadka aad la nooshahay qaderi nabadna kula noolow, u naxariiso oo gacan qabo waxay doonaan ha sameeyaan, ka dhex bax iyaga iyo Illaahooda, hadii diintaadu wanaagsan tahay dhaqankaaga laga arkayaa.
 
Dadku ma wada xuma mana wada wanaagsana waxaa kala reeba oo is dhaafiya waa nidaamka u degsan iyo dadnimadooda, nidaamkaaga dhaqan, maamul ama diimeed yaanu noqon mid habaaran oo cadaawadi ka buuxdo dadkana kugu dira.
 
Adduunyadani diin lagu dhaqmo iyo cibaado badan kuma taagna kamana mid aha diintu waxyaalaha dadka walaalayn kara oo taariikhda ayaa tusaale inoogu filan, adduunyadani waxay ku taagan tahay dadkuna wax isugu yahay siday u kala dadnimo wanaagsan yihiin. Diintu waa dhaqan aad abaal kaga raadineyso caalam kale oo aad aakhiro u taqaan.
 
Dadnimada ayaa ka horreysa diinta, qofka dadnimada leh ee wanaagsan waxa hubaal ah in dadku kusoo hiranayaan si kasta oo ay uga duwan yihiin, heshiis kuma nihiin Illaahyada ama diinta aad aaminsantahay laakin in aynu dad nahay isuna baahannahay waa marag ma doonto.
 
Aayadda Quraanka ah ee kuu sheegaysa inay Muslimiintu walaalo yihiin (إنماالمؤمنون اخوة) waxaad ku bedeshaa (dadka ayaa walaalo ah – إنما البشر اخوة), inaad naxariis yeelato oo kuwa tamarta daranna aad u damqato uma baahnid inaad kitaab kasoo akhrisato balse waa dareen kugu beeran.
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments