Diintii Maxamed oo la afduubay ayaa ‘Sunni’ lagu magacaabay. Dhimashadii Maxamed kadib, Abuu Bakar ayaa afduubay qoyskii iyo qaraabaddii Maxamed. Abuu Bakar dabadii ninba nin dool ah ayuu usii dhiibay xukunka, waana la fogeeyay qoyskii iyo qaraabadii Maxamed, illaa Cali Bin Abii Dhaalib iyo Caa’isha oo xaaskii Nabiga ahayd ay dagaal foodda is dareen ayaga oo kala ah laba Islaam oo kala duwan. Qolo wax afduubtay iyo qolo afduubka ka dhiidhisay. Dagaalkaasi kadib waa la joojiyay in la isku magacaabo ‘khulafo’ arrintuna waxa ay noqotay mid si fiican u dhabaqlaysa, nin walbana halka uu kasoo gaaro ayuu ka taliyay (amiireeyay). Sidii ayay illaa maanta ku socotaa arrintu, marka aynu joogno sooyaalka Sunniga. Dad badan ayaa qaba in Bukhaari uusan waligii muslim noqon, balse uu ka faa’iidaystay isbar-baryaaca sidaas daraadeedna uu afduubka ka qaatay qeybtiisa asaga oo noqday ninka loo daba fariisto falkinta axaadiista iyo jihaynta dadkii afduubnaa ee isku arkayay in ay wado saxan ku socdeen.
Tan iyo maanta kala-sarreyn kama dhex jirto Sunniga, balse waa jaantaa rogan, kii maanta ashahaatana beriba waxa uu noqon karaa hogaamiye horbooda Sunniga, halkaas ayuuna kasii wadaa afduub diimeedkii socday ee la magac baxay ‘Sunni’. Haddii aysan afbuubkaasi iyo dhabaqlayntaasi jiri lahayn, ma dhici lahayn in uu Abuu Bakar Al Baghdadi – waa hogaamiyaha Daacish e – oo shalay ahaa maxbuus Maraykan uu maanta noqdo hogaamiyaha Sunniga sida ay dad badani oo Sunni ah u arkaan. Sidoo kale, Osama Bin Laden iyo Ina Godane waxa ay ka faa’iidaysteen isbar-baryaaca iyo dhabaqlaynta qaab dhismeedka Sunniga.
Diimaha kale ee jira dhamaantood waxa ay ka simanyihiin in ay leeyihiin kala-sarreyn aanan marnaba suuragelinayn in mid dool ihi inta uu soo dhexgalo, deetana uu hogaanka u qabto diintii. Sidaasi si la mid ah, Shiicada ayaa leh nidaam kala-sarreyn leh oo aanan lagu dhex walaaqan karin.
Marka la eego wareega dhulka iyo xagasha iftiinka cadceedu oogada dhulka kaga dhacdo, waxaynu ogaanaynaa in dhulku janjeedho ama qalooco, waliba xaqal ah 23.5°. waxyaabaha ka dhalanaya janjeedhkaasi way farabadanyihiin, balse waxa ka mid ah in qoraxdu meelo dhulka ka mid ah aanay kaba dhicin, gobolka Svalbard ee Norway ku yaala sanadwalba waxa u dhalata maalin 4 bilood jirta!, waa 4 bilood oo...
Waxaa jirta aayaad Qur’aanka kariimka ah ka mid ah oo af cad ku sheegtay in Eebbe wax metaalkiisa ah ama shabbahaa aysan jirin, isla markaas aayado kale ayaa sheegay in uu Eebbe caroodo, xaddiisyana waxa ay sheegeen in uu Eebbe masayro ama hinaaso. Sida aynu og nahay aayadaha iyo axaaddiista la ma rumeeyo, lagu mana dhaqmo ee waxaa la aamminaa oo lagu camalfalaa fasiraaddooda oo ah sida ay u...
Dadka sunniga ahi waxa ay sheegaan in uu Abuu Hurayra saaxiib la ahaa nin yuhuud ah oo ka mid ahaa dadka abuura sheekooyinka. Xilligaas ma ay jirin sheeko faneed oo lagu sawiro nolosha iyo riwaayado dadka lagu horumariyaa ee waxaa jirey qof dadka u sheekeeya oo ka qisooda boqorrada, nebiyada iyo madaxda isaga oo adeegsanaya awooddiisa sheekoyahannimo. Yuhuudka ay Abuu Hurayra saaxiibka ahaayeen...