Sida la og yahayna, diinta waa loo dhashaa ee lama qaato, oo caadi ahaan qofku ma qaato diin uu ku qancay markuu baaray ka dib, balse wuxuu qaataa diintii uu ka soo gaaray waaridki iyo bulshada uu la nool yahay, xaqa iyo baadilkana wuxuu u yaqaan hadba sidii aabbihiis iyo deriskiisu ugu sheegeen ama ku soo ababiyeen, oo xaal wuxuu isugu biyo shubtaa “Innaa wajadnaa aabaa’anaa …../ Aabbayaalkeen baaan ka soo gaarnay” iyo “Caado laga tagaa caro Allay leedahay”, taa awgeedna, waxaan aragnaa barafisoor Hindi ah oo si taqwo iyo khushuuc badan u caabudaya sac, isaga oo aan marna isweydiin halka sacu qiimahaas ka keenay. Si taa la mid ah, Soomaaliga geel jiraha ah ee aan wax akhrin waxna qorin, ee ay dhici karto in uusan salaad iyo soon toona aqoon, islaamka wuxuu u haystaa walax mucjiso ah, oo aan marna muqaddisnimadiisa laga hadli karin. Farqiga qura ee u dhexeeya barafisoorka iyo geel-jiruhuna waa in midkood ku dhashay Hindiya, ayna dhaleen waalidiin Hinduus ahi, halka kan kale ku dhashay Soomaaliya, ayna dhaleen waalidiin Muslim ahi.
Akhristow bal isweydii diintaadu waxay noqon lahayd haddii aad ku dhalan lahayd Mumbey, ama Tookiyo, ama Moosko, ama Rooma, Ama Tal-Abiib, waalidkaana asal ahaan ka soo jeedi lahaa ummadaha dhulalkaas degga. Sidoo kalena aan isweydiinno waxay noqon lahayd diinta wadaaddada diimaha kala duwan haddii qolo kastaa ka soo jeedi lahayd dhul aan ahayn midka qadartu ku abuurtay. Tusaale ahaan, soo ma dhici kari lahayn in wadaaddada buudigu yahuud noqdaan, kuwa yahuudduna masiixi, masiixiguna muslim, muslimkuna diintii kale ee la doono, cawaantuna muslimiin muwaxidiin ah. Run ahaantiina, waa dhif iyo naadir in dunida laga helo ruux haysta diin uu qaatay ka dib markii uu ku qancay xaq nimadeeda.
Ummadaha kala aamminsan diimaha iyo dhaqamada kala duwanina waxay nabad iyo xasillooni ku wada noolaan karaan haddii qolo kastaa qaddariso diinta iyo dhaqanka qolada kale. Dhibka iyo isku dhacanu waxay imaanayaan marka qolo tiraahdo annagaa saxsan inta kalena waa khaldan yihiin, annagaa ilbax ah inta kalena waa cawaan, annagaa Eebbe na doortay inta kalena ibliis baa durbaan u tuma, annagaa xaqa haysanna inta kalena waa baadil, annagaa jannada galayna inta kalena naartaa loo dareerinayaa.
si falsafetsan ayaad uga hadashay waana kugu raacat Jaalle. sii wad😉
Quraanka maad ka soo horjeedaa?
Iyo islaamka?