Diintu Horumar ma keento!

D
Dadka muslimiinta ah ee maanta adduunka ku nooli waxay ku jiraan nolol aad u liidata, dalalka islaamkuna waa kuwa ugu liita adduunka, waa kuwo dagaalo sokeeye ku jira ama argagixiso arxan daran ka kici la’.

Dadka muslimiinta ah markaad waraysato oo aad tiraahdo maxaa sidaa idiin galay? Wuxuu kuugu jawaabeyaa dadku diintii bay ka tageen Illaahayna waa kasii jeestey. Waxaan is waydiiyey muxuu yahay waxa ay diintu kala maqan tahay?
 
Dalalka islaamka ee ay Soomaaliya ugu horreyso waa dalalka ugu cibaadada badan dadkeeduna ugu diinta jecel yihiin hadana waxaa loogu dhintaa gaajo, colaad iyo xanuun. Haddii diinta horumar lagu heleyo adduunka Soomaaliya ayaa ugu horumarsanaan lahayd.
 
Salaadda, soonka iyo dhammaan cibaadaadka aad ku xiiqday waxba adduunyadan kaaga tari maayaan, duco iyo baryootanna cadawna ku celin maysid roobna ku keeni maysid. Cibaadada ama diintu waa xeer waa hore la qoray ujeedkuna ahaa adkaynta xiriirka rooxaaniga ah iyo ilaalinta xuquuqda dadka kale, waxa uu ahaa qaanuun iyo dastuur u cuntamaya in badan oo kamida dadkii waqtigaas noolaa.
 
Quraanka iyo malaayiinta axaadiista ah ee dalkeenii buux-dhaafiyey kuma jirto kamana dhex helaysid hal aayad ama hal xadiis oo kuu tilmaamaya ama ka hadlaya qaabka laamiyada loo dhiso ama qaabka dayuuradaha iyo gawaadhida loo sameeyo.
 
Dadku qaab qaldan ayay u fahmeen diinta, qaab aan sax ahayna waa loogu sheegay, wixii loogu talo-galay wax aan ahayna way la aadeen welina natiijo aan soo socon ayay sugeyaan ama iyaga is canaananaya. Kuwo habaar qaba oo wadaado sheegtaana dadka maankay ka nijaaseeyeen oo habeen iyo maalin wuxuu xaqqirayaa oo liideyaa barashada cilmiga, wuxuuna leeyahay aakhiro waxba kaaga tari maaye ee waqtigaaga qaaliga ah ha ku lumin.
 
Dadka ku nool wadamada horumaray waxay ku hormareen dedaal ay la yimaadeen, kuma horumarin inay kaa soon iyo salaad badan yihiin, badankoodu ma aaminsana diintaada macaanka badan ee ku madax martay.
 
Dadka adduunka ugu tamarta yar dhaqaale, aqoon iyo maamul ahaanba waa dadka ugu diinta badan uguna cibaadada jecel taasina waxba uma tarin. Inaad cibaado badan tahay maaha micneheedu in Illaahaagu kuu soo dirayo injineero iyo duuliyayaal dal iyo duunyaba kuu dhisa. Ma jirto cid samada kaaga soo degeysa si ay kuugu adeegto balse waa inaad adigu fadhiga ka kacdo.
 
Waxaynu u baahanahay in dib loo qeexo doorka diintu ku leedahay ama ka qaadato nolosha dadka, waxaynu u baahanahay in dadka la baro ujeedka iyo waxa loogu talo galay diinta. Waa in la kala saaro lana kala xadeeyo xidhiidhka ka dhexeeya nolosha la hubo iyo nolosha danbe ee ina wareerisay, tan la hubo aayado iyo axaadiis waxba kama taryaane waa in loo shaqaystaa.
 
Kawarran masaajidkii aad ku cibaadeysaneysey ee Illaahaaga aad ku baryeysey wax kasta oo dhex yaal ama uu ka kooban yahay hadii gaal soo sameeyey? Dharka aad sidato kabaha iyo wax kasta oo noloshaada kuu fududeeya ay yihiin wax-soosaar gaal, adiguna aad habaar uun ka adag tahay weliba mid geed ma gaadho ah. Maxaad adduunka u joogtaa oo aan ka ahayn cibaado iyo habaar? Maxayse kuu tareen? Habaar iyo baryo midna irbad dun kuu gelin maayo.
 
Waxaasoo dhan waxa ka daran beenta iyo khuraafaadka ay muslimiintu isugu sheekeyaan iyagoo leh waxa horumar adduunka yaal kitaabkeena lagala soo baxay, oo yaa idinka idiin diidey maad kalasoo baxdaan 1400 sano ayaad adduunka joogtaane? Runta oo la isu sheega waa lama huraan, waxba kuu tari mayso been aad maalmo niyadaada ku qancisa.
 
Waxa iyana lama huraan ah in la qeexo yaa caalim/aqoonyahan ah? Maxaase cilmi ah? Ninka ama gabadha gawaadhida, hubka, dawada iyo aaladaha tiknoolajiyadda cusub inoo sameyeeya ayaa caalim ah mise ka habeen iyo maalin masaajidka fadhiya waxna aan inagu soo kordhin? Ma waxaa cilmi ah barashada qaabka suuliga loo galo ama waxa la aqriyo marka la geleyo suuliga iyo qaabka haweenka loogu galmoodo? Mise barashada caafimaadka, injineerniyadda iyo wixii la hal-maala?
 
Habaar, cibaado badan iyo baryootan waxay kuu tarayaan ama kuus oo dhicinayaan ma jirto, cid aad wax kaga qaadeyso ama ku diliysaa ma jirto, kac oo dalka dhiso. Dal duco laguma dhiso habaarna laguma dumiyo.
 
Diintu horumar ma keento balse qofka caqligiisa ayay naafeysaa una diidaa inuu horumar ku tallaabsado ama ka fikiro.
 
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Mo dee
Mo dee
1 Sannad Kahor

Markasta oo aan aragtiyahan akhriyo silsiladaa maskaxdayda ka furma. Thanks lkin bulsho badan fikirkan gaadhsiiya, muuqaalana ka duuba

Wali
Wali
10 Bilood Kahor
Reply to  Mo dee

Miyaad ku raacsanthy oo cilmaani weeye ninkani adiguna ma waad thy cilmaani

W/Q: Khaled Hassan