Diintu ma u dhalashaa mise qanaaco?

D
Walaalkayga diimaha rumaysanow wali ma is weydiisay sababta aad urumeysantahay diinta aad haysato? Wali maku fikirtay maxey tahay sababta aad udooratay diintan aad darteed qudh u jari karto? Maxeey tahay sababta aad u aamintay in Ciisa Masiix uuyahay badbaadiyaha kaliya ee kaligiis wax badbaadin karo? Maxaad u aamintay in Allaaah uuyahay ilaaha kaliya ee xaqqa lugu caabudo maxamadna uu yahay rasuulkiisa?

Tusaale ahaan maxaad u aamini weyday dhaqanka meelo badan ka wanaagsan diimaha ibraahiimiyada ee uu la yimid Buudha? Maxaad u aamintay in towraatka uu yahay kitaabka kaliya ee saxda ah?

Soo ma ogid in jannada aad aaminsantahay ey shaabahdo dhulka oo laga helo isla waxyaabaha dhulka laga helo sida caano, khamri, iyo naago. Sidoo kale Ilaaha diimaha Ibraahiimigu waxa uu aad u shabahaa boqoraddii waayadaas jiray ee keli teliska ahaa, sifaad badanna way wadaagaan oo waxaad mooddaa in laga soo jeexay.

Ma is weydiisay sababta adiga iyo ilaahaagu aad u wadaagtaan tilmaamooyin badan. Caqiidadaadu miyeyna aheyn oo kaliya tan laga aaminsan yahay deegaanka aad ku barbaartay ama qoyskaagu haysteen? Waligaa ma is waydiisay sababta keentay in qof waliba rumaysan yahay diinta iyo dhaqamada bulshada uu ka dhashay? Taasi miyeyna kuu muujinayn inaysan jirin doorasho iyo qanaaco qofka ka timidi jirin balse qof waliba diinta dhaxal ahaan ugu soo hagaagtay sida midabka iyo dhaqanka uu yeellanayo.

Xiligaan aan hada joogno cunug ayaa dhalanaya, hooyadiis iyo aabihiis shahaadada dhalasho waxey ugu qorayaan Muslim sidoo kale wadaad masiixi ah ayaa cunug yar biyo galinayo si masiixi looga dhigo, hooyo ayaa iyaduna gabadheeda shan sano jirka ah xijaab u xireyso, aabbana cunugiisa afar jirka ah ayuu u kaxeynayaa masaajidka, kumannaan cunug ayaa dhalanayo mid waliba wuxuu dhaxlayaa diinta waalidiintiis oo qudha siaa ayuuna ku barbaarayaa oo bilaabayaa inuu la diriro ama naco ciddii waydiimo ka keenta dhab ahaanshaha dhaqamadan loo dooray.

QORMO LA XIRIIRTA:  Alle-diidka Soomaalida ee la kulma hanjabaadaha dilka ah

soo lagama yaabo in iimaanka uu yahay lakowsi juqraafiyadeed taas oo macnaheeda yahay in qof walba uu heysto diinta laga aaminsanyahay meesha uu ku dhashay. Ka warran haddii aad ku dhalan lahayd meel aan ahayn meesha ad ku dhalatay, ma heysan lahayd diinta aad hadda heysato? Caqiidada aad heysatid soo maahan tan ay haysteen aabayaasha iyo aabayashoodii ka horreeyey. Maadama ay saas tahay ka warran hadda halka ay kaa dhaleen labo waalid oo somali ah haddi ey ku dhali lahayeen labo waalid oo Jabaaniis ah , ma heysan lahaydd diinta aad maanta haysato, mase laguugu yeeri lahaa magaca maanta ay dadku kugu wacaan?

soo layaab maahan haddii aan cunug yar ku tilmaamo inuu yahay Shuuci ama Calmaani, waan wada ognahay in cunug yar uusan Lahayn awood fahan oo uu ku kala doorto inuu noqdo Calmaani ama  Maarkisi sababta oo ah waa aragtiyo ay aad u adagatahay inuu fahmo cunug yar laakiin lama yaabno markaan aragon cunug yar oo la leeyahay waa Muslim, Masiixi, Hinduus ama Yuhuudi.
Sidaas oo ay tahayna diimuhu waa ka faham adag yihiin fikradahaas aan horay u soo sheegnay oo waa arrimo ku xiran rumaynta qaybiyaad aanan caddayn halka fikirka cilmaaniga ahi kaaga baahan yahay oo kaliya in laguu sheego mabaadi’da saldhigga u ah.

Marka aad leedahay cunug muslim ah macnaheeda waa cunug hooyadiis iyo aabihiis ay muslim yihiin.Ma ogtahay in qof walba uu diintiisa kaliya u arko sax kuwa kalene qalad marka uu cibaadeysanayana uu dareemo daganaansho iyo u dhawaansho ilaahiisa taas oo aan ka yareyn tan aad adiga dareento. Ma ogtahay in qof walba uu aqristo nusuus muqaddas ah uuna heysto xujooyin aan ka tabar yarayn kuwaaga oo uu ku difaaco waxa uu aaminsanyahay, sidoo kale uu arkay mucjisooyin uu ku rumeystay in waxa uu aaminsanyhay saxan yihiin sida adiguba aad ilaahaaga u mahadiso marka aad shil ka badbaado ama roob ka soo daahay xilli beereedkii yimaado.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nolosha danbe iyo noolaha kale

Dadkan kula midka ah ee diintu ay hiddaha ka tahay waxey aaminsan yihiin jiritaanka ilaah loo sheegay inuu sare degan yahay, waxeyna raacaan farriimo ay rumaysan yihiin inay eebahaas ka yimaadeen, aad ayeyna u jecel yihiin. Waxeyna caqiidadooda ku difaacaan isla xamaasadda aad adiga ku difaacdo caqiidadada.

Haddaba waxaas oo diimo ah sax ma wada noqon karaan? Waa wax intee le’eg suurta galnimada inaad adiga saxsan tahay? Marka aad qof ku dhahdo naarta ayaad galeysaa hadaad ilaah rumeyn weydid, su’aashaa meesha imaaneyso waxey tahay ilaahee ayaan rumeeyaa, nabigee ayaanse raacaa, diintee u hogaansamaa, naarteese iska ilaaliyaa waayo waxa jiro ilaahyo badan iyo naaro badan oo qofka muslimka ahi waxa uu galayaa naaraha diimaha kale sida dadka diimaha kale haystaa u galayaan naarta islaamka.

Haddii aan damcacdo inaan mid doorto ma jirto mid aad xujjad iyo caddayn adag ugu hagaagaysaa, taasina waa dhibka diimaha hasyta oo dhammaantood waxay u taagan yihiin ka warramidda iyo sharraxaadda awood sare o aan muuqan, ilaa awoodaas caddayn biyo kama dhibcaan ah loo helana way taagnaanaysaa muranka iyo faanka qola waliba xaqa sheeganayso, sidaa darteed intii aad  insho la’aan ku raaci lahayd wax aad ku dhalatay waxa habboon inaad baaritaan samayso oo aad ku qanacdo wixii garaadkaaga iyo garashadaadu kuu muujiyaan inay saxan yihiin haba ahaato diinta aabayaashaa’e balse waxa nasiib darro ah inaad xabsi ugu jirta adiga oo ka bixi kara dhaqamo dhaxal ahaan kugu soo gaaray.

Qofka aan diimaha maanta jira ee faraha badan rumayn gabi ahaantoodba iyo midka hal mid rumeeyey inta kalana beeniyay wax farqi wayn ahi uma dhexeeyo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments