Diintu waa xakamaha bulshada

D
Faylasuufkii siyaasada, Marchiavelli, ayaa waxa laga haayaa, “waxa uga muhiimsan malahan taliska in ay u ekaadaan in ay diin haystaan.” Sidoo kale, Napoleon Bonaparte, isana wuxuu yidhi “diintu waa waxa ugu fiican ee lagu aamusiin karo dadka caadiga ah.

Waligeed ayeyna culimadiyo caamaduba soo ogaayeen inay diintu tahay xarig ka mid ah xarkaha ugu waawayn ee ay dawladuhu ku xakameeyaan shacbigooda, kursigoodana ay ku dhawrtaan, mana ahan arin falanqayn u baahan waayo dadku way ka dharagsanyihiin.

Image may contain: 1 personHase’ahaatee, waxaa jira dad kale oo aanba ku baraarugsanayn oo iyaguna isku daya in ay diin u isticmaalaan xakamaynta bulshada iyaga oo aan wax talis ah umadda u hayn. Waxa ay bishimaha ku sitaan “midnimo iyo akhlaaqiyaad baan diinta ku dhawraynaa”

Dhibka jirase wuxuu yahay, diinta ay leeyihiin midnimo iyo akhlaaq baan ku ilaalineynaa ee bulshadu gaws dambeedka haku qaniinto, iyagaba ma aaminsano saxnaanteeda, gebigeed ama qaybo ka mid ah badanaa, ama bulshada si ka gadisan bay u aaminsan yihiin.

Waxyaabaha lagu garto in aysan bahasha xaqiiq ahaan u aaminsanayn balse ay qalab la i isticmaali karo uun u aaminsan yihiin waxaa ka kow ah, marka diin la soo hadal qaado arki maysid iyagoo xaqiiqdeeda iyo sida ay ku saxan tahay kuu sheegaya ama kaala hadlaya.

Waxa ay markaste carrabka ku adkeynayaan waxtarka ay bahasha ku tuhmayaan in ay bulshada u leedahay. Ilaahay ma jiraa haddaad dhahdo, cabsidiisa waxtarkeeda bey kuu sheegayaan, marka quraanka saxnaantiisa la haybshana nin ku dul oynaya bay ku tusayaan!

Bal adigu suurayso maanta haddii uu nin tuulo yimaado oo uu tuuladaa ugu sheekeeyo in uu col buurtaan dabadeeda soo fadhiyo isaga oo aan aaminsanayn in uu col meesha joogo balse u arka in ay tuulada isku duubnaan u keeneyso oo cabsi darteed aysan dadku ku dhiirranayn inay dhexdooda is qab-qabsadaan.
Ka warran bal haddii ninkaa marka loola banbaxo su’aalo oo la waydiiyo, colka goormaad soo aragtay iyo wax la halmaalo, uu dooddiisa ku soo koobo, “dan baa idiinku jirta inaad colka aamintaan oo akhlaaqdiina iyo isku duubnidiina ayeey ilaalinee middaa!”

QORMO LA XIRIIRTA:  Diin iyo Damiir

Dabcan boqolaal doodood baa laga furi karaa qaabdarrada ereygaa iyo madhaleysnimadiisa balse aan saddex uun ku soo koobo:

  1. Ninkaasi ikhtiyaarkii buu umadda ka qaaday si uu arin shaqsiyan la saxan uu umadda dhan afka ugu galiyo been buuna ugu sheekeeyay si hadaf ay naftiisa u sawirtay uu u gaadho.

  2. Umaddii buu walibana cay ugu daray oo wuxuu iska dhaadhiciyay in intaa yar ee uu fahmay aysan iyagu fahmi karayn. Bal maxay ka dhibtaa haddii uu dadka runta u sheego oo uu dhaho “war waxaan ma rumeysni balse danahaan baan isleeyahay way ku jiraan.”

  3. Ka warran bal haddii uu qaldanyahay oo meeshuu islahaa cabsidu is qabqabsiga bey yareynee ay dadka ku sii badisaba oo isku dhex yaac uu yimaado? Ka warran haddii uu col run ah uu docda kale fadhiyo oo umaddoo xagaa u wada jeeda gadaal looga yimaado?

Saw kama habooneyn inuu labo wajiilanimada umadda ka daayo oo uu u sheego dadka sida ay wax ugu muuqdaan iyo aaminaaddiisa, haku waafaqaan ama haku diidaane? Saw kama habooneyn in colka daacad loogu kuurgalo oo sahan la dirsado; midnimada wanaageedana uu bayaamiyo isagoon been ku soo gamban?

Soomaalidaa markay shukaansanayaan dhihi jiray “been baa lagu soo xero galiyaa run baase lagu dhaqaa.” Waana qoysaskeena waxa dayacaa baday ee haddana isla sheekadaa yaana bulshada loola imaan oo hal xaaraan ah nirigteeda xalaal looga dhigin.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments