Sidaa darteed maqaalkaan iyo maqaaladeyda danbe ee soo socda waxaan ku soo koobi doonaa magacyadii, meelihii, xiliyadii ay noolaayeen, iyo fikradihii ay soo gudbiyeen haweenkaasi. Kuwaas oo ka mid noqday dhaxalka iyo horumarka maanta dunida ka jira.
Marka tusaalaha koobaad waxaan usoo qaadan lahaa, Hypatia, (351-415) waxayku dhalatay kuna dhimatay magaalada Alexanderia wadanka Egypt ama Masar oo markaas ka tirsanaa boqotooyadii Roman ka bari. Hypatia waxay ahayd Philosopher ama falsafadyahanad

Hypatia inkastoo aysan ahayn Christian hadana waxay isku si wax ubari jirtay xilligaas dad Christian ah iyo dad Pagan ah oo aan aaminsanayn diinta Christian ka. Waxay ahayd aqoonyahanad hadana dulqaad u leh kala duwanaanshaha diimaha iyo dadka. Ardadii wax kabartay ama ka aflaxay waxaa ka mid ahaa wadaadkii caanka ahaa ee Giriigga ahaa “Synesius”. Hayeeshee Hypatia waxaa dilay masiixiyiintii ay xaq- dhowri jirtay ixtiraamina jirtay. Dilka Hypatia wuxuu dhaliyey argagax ka dhashay boqortooyadii Romanka. Taasoo keentay inuu ka dhasho iskudhac udhexeeya Masiixiyiintii iyo Romankii.
Intii lagu guda jiray xiligii iftiinka “The age of Enlightenment” qarnigii 17aad ilaa 19aad waxay Hypatia summad ama muuqaal iftiin unoqotay dhaq-dhaqqayadii kasoo horjeeday kaniisadaha Catholic-ga. Sidoo kale qarnigii 19aad Hypatia waxay saamayn kaga tagtay sugaanta Europe gaar ahaan aqoonyahankii “Charles Kingsley”, isagoo qoray buug uu ugu magac daray “Hypatia, or New Foes with an Old Face”. Qarnigii 20aad intii lagu guda jiray Hypatia waxay muraayad u noqotay dhaq-dhaqaaqyadii udoodi jiray xuquuqda haweenka iyo kor uqaadistooda.
Ugu danbayn, Hypatia waxay kaga tagtay taariikhda, fikirka, cilmiga, falsafadda, suugaanta iyo siyaasada saamayn wayn oo ilaa iyo maanta ah tusaale nool ah. Sidaas darteed waxaan oran karnaa dooda ah dumarku kaalin kuma lahayn cilmiga iyo horumarka inay tahay mid ka fog runta oo is burinaysa iyadoo aan tusaale ka dhigan karno qoraalkaan iyo kuwo kaloo badan aan soo qori doono.
+393512061913
Wr Nio Xgaa igala zoo Xidhidh
Anaa Zomali Carapta ay ku Daba Luntay Ka Reebayeee Liph