Doodda Akhlaaqda (Morality)

D
Dooddani waa mid culus oo soo jireena, in badanna u dhaxaysey dadka Eebbe rumaysan (Theists) iyo dadka aan Eebbe rumaysanayn (Atheists) sida dad badan oo Soomaliyeed uga hadlaana uma fududa, doodduna ma aha dood qofeed ee waa dood aragtiyeed, waana dood dadka Eebbe rumaysan ugu jirta halka doodda Hoogga iyo Hallaaga adduunku (Proplem of Evil and suffering) ugu jirto dadka aan Eebbe rumaysnayn.

Doodda u dhaxaysa Mulxidiinta iyo Mu’miniintu inta badan kuma saabsana jiritaanka Akhlaaqiyaadka asalka ah (Objective Moral thruths), labada qolona iskuma diidadana jiritaankooda. (Dilka, Xatooyadda, Khiyaanada iyo Kufsigu, dhamaan waa ficilo xun xun, halka runta, ammaanada iyo caawinta dadku ka yihiin ficilo fiican).

Akhlaaqda iyo damiirkuna maaha mid diimaha laga helo ee waa dareen dadka oo dhami ka siman yihiin, (Mana jiro hadal Akhlaaqiya oo dadka diimuha keliyi odhan karaan). Sidoo kalena waa mid ka madax banaan aragtidda dadka iyo deegaankaba oo xittaa hadii ay jirto bulsho addoonsiga wanaag u taqaan kama dhigna in addoonsigu wanaagsan yahay.

Qoys ka tirsan qabiilka Kuna

Tusaale: Qabiilka Maxaysatada ah ee (Kuna) kuwaas oo ku dhaqan badhatamaha qaarada Ameerika xidhiidh buurana aan la lahayn adduunka intiisa kale, sidoo kale aan lahayn wax diina malaha aanayna weli gaadhin farriimihii Eebbe aadanaha usoo diray. Qabiilkani waa dad damiirkoodu aanu keenna sina uga hoosayn, baadhitaan ay qabiilkan ku sameeyeen Culimada Anthropology’ gu wuxuu tusinayaa inay si lamida dadka ilbaxa ah ee adduunka qarniga 21aad nool qabiilkani 97% uga jawaabi karaan dhammaan (Moral Dilemma) loo bandhigay. Taasina waxay caddayn u tahay inaan Damiirku ahayn shay diimaha laga helo.

Waxaase in badan dooddu ka taagan tahay xaggee ka timaadaa Akhlaaqdu, maxaa ficillada qaar ka dhiga kuwo xun kuwo kalena kuwo san? Waana halkaa halka dadka Eebbe rumaysani ku dooddaan in akhlaaqdu tahay mid Eebbe Aadanaha gaar u siiyay, sidoo kalena aanay jirin Akhlaaq dabarta Eebbe laftiisa wax kasta oo uu ina faro ama isagu falaana waa wanaag xittaa haddii aan inagu u aragno xumaan. Waxaanay Mu’miniitu dooddooda ku xoojiyaan kuna xujeeyaan Alle’koodyada in;
1) Haddiiba aan nahay walxo dabiiciya (Material objects) aanay marna suura gal ahayn inay dabeecaddu ina siiso Dareenka, Damiirka iyo Dadnimada. Waayo dabeecaddu waa “Danley”. Teeda kalena aanu wax micno ah samaynayn dareenkaasi marba haddii aanay xisaabi jirin, wanaag iyo waxyeelo midkaad samaysana aanu kownku kaba war hayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Akhlaaqda iyo Diin la'aanta

Alle’kood yadu iyagoo ka jawaabaya su’aallaha Mu’miniinta waxay ku doodaan, in markeeda horeba aanay jirin Akhlaaq ama Khalad iyo Sax ka baxsan maanka aaddanaha iyo miyir qabkiisa (The Cosmos is indifferent to us). Bal suuree adduun waxa keliya ee ka jiraa dhagxaan yihiin, hubaal adduunkaas kama jiri doonto dhib iyo dheef midina sida si lamidana macno ma samayn doonaan ereyada Farxad iyo Murugo midkoodna.
Sidoo kalena noolayaasha aan miyirka qabin iyo kuwa aan maankoodu weli buuxsamini toona ma galaan khalad akhlaaqiya, libaaxa lo’ gisida sarajooga ku cunaa ma sameynayo wax khalada, curriguna bisadda ma kufsadee wuu koraa uun, sida ilmaha yar ee shan jirka ahiba aanu u gefin.
Tusaale; Haddii ilmo yar oo shan jir ahi moobeelkaaga tuuro ma odhan kartid ilmahan yari waxa uu sameeyay waa khalad, waayo isagu maba laha garashadii uu ku qiimayn lahaa waxa ka dhalan kara ficilka tuurista moobilka, Sidaa si ka duwanse haddii aan anigu tuuro Moobilkaaga waxaan sameeyay waa khalad waayo waan garan karayey waxa ka dhalan kara tuurista moobilka, waana uun garashadaa waxa ina kala duwa inaga iyo dugaaga, sidaa darteed adigoo garashadii leh, kuma doodi kartid inaad u dhaqanto sida dugaagga. Waana inaad dhowrtaa heshiiska bulshada (the social contract).
Haddaba maadaamma aan nahay malakayuulo miyir qaba maankeennu waxuu ina farayaa in ujeedka u danbeeya ee Akhlaaqdu yahay kor u qaadida iyo ka shaqaynta fayoobida iyo farxadda dadka iyo ka dheeraynta dadka dhibaatada dhalaaxa qaadka ah.

Alle’koodyadu sidoo kale waxay qabaan in xisaabtu aanay waxba kusoo kordhinayn Damiirka dadka balse ay wax u dhimayso waayo ruuxa wanaagiisu ku xidhan yahay baqdin (Naar) iyo baqshiish raadis (Ajar), aanu marna ahayn ruux hubaashii dadnimo leh ( Bal waxaad suuraysaa haddaad maanta ogaan lahayd inaan Caddaab jirin maxaad fali lahayd?). Haddiiba jawaabtaadu tahay inaad samayn lahayd waxyaabo xun xun oonad hada ku kaci karin baqdinta naarta awgeed, ogow waxaa tahay ruux damiir daran, Eebbe iyo naar inaad aamintana uma baahnid e waxaad u baahan tahay Booliis dadka kaa illaaliya. Mulxidiintu waxay ku dooddaan in sida uu falkiyay (Immanuel Kant) in ficilku wanaagsan aanu wanaagiisu ku jirin abaalmarinta ka imaan karta balse wanaagu yahay mid ficilka u asal ah sidoo kalena waafaqsan gudashada waajibaadka dadnimada.

Sidaa si lamid ahna xattaa haddii ficil kaagu aanu lahayn wanaag iyo samaan kownka midna, hubaal waxuu macne wayn u leeyahay ruuxa uu saamayn doono, dadkana waa inaan ula dhaqanaa inaanay ahayn jid jannada lagu tago ee ay iyagu janadii yihiin, caawinta dadku maaha abaal janno lagu helo, ee iyada ayaaba jano ah.

Gebagebadii dad badan waxay ka weweraan waxa u danbayn doona akhlaaqda hadiibba ay meesha ka baxaan aamaninaadda Eebe iyo diimuhu. Waana sababta dad badani uga hor yimaadaan aragtida cilmiga ah Horumarka Noolayaasha (Evolution). Waxaanay ku doodaan in haddii da’ yarta la baro inay Daanyeerka ilmaadeer yihiin aanay jiri doonin wax u diidaya inay u dhaqmaan sida daanyeerka. Odhaah ingiriisi ahina waxaabay tidhaahdaa (“If you take away religion, you can’t hire enough police”).
“Haddaad diinta meesha ka saarto ma heli doontid booliis kugu filan”.
odhaahdanina waxay muujinaysaa aaminaadda ah in haddii diintu meesha ka baxdo dadku dugaagoobi doonaan.

Nasiib wanaagse xidhiidhka ka dhexeeya heerka diin la’aanta iyo damiirku waa arrin hadda in badan la baadheyey, cimli baadhis fara badana laga sameeyay. Tusaale ahaanna cilmi baadhista (Morality in Context: A Multilevel Analysis of the Relationship between Religion and Values in Europe) oo socotay intii u dhaxaysey (1981 illaa 2008) lagana sameeyay 48 Dal oo yurub ah taas oo ay hoggaaminaysay Dr. Ingrid Storm oo ka tirsan jaamacada (University of Manchester). Dr Storm oo ka hadlaysey cilmi baadhistana waxay tiri;

As religion has declined in Europe there has also been an increase in acceptance of personal autonomy on issues concerning sexuality and family. Each generation is more liberal on these issues than the one before. In contrast, we find no evidence that moral values have become more self-interested or anti-social.

Waxaase yaab leh in dhammaan 40ka waddan ee adduunka ugu fiqiirsan marka laga reebo Vietnam ay yihiin waddamo dadkoodu aad ehlu diin u yihiin. Sidoo kale guud ahaan 35ka waddan ee adduunka dadka ugu badani aanay waxna qorin waxna akhrin dhammaantood waa wadamo dadkooda badankoodu diin haystaan. Tobanka wadan ee ugu horreeya dhinaca sinnaanta jinsiga waa wadamo badanka dadkoodu bilaa diin yihiin, halka tobanka cagsigooda ahi ka yihiin wadamo dadka badankoodu ehlu diin yihiin. Wadamada adduunka dilka ugu faraha badan ka dhacaan waa wadamo dadka badankoodu reero diimeed yihiin, halka wadamada adduunka ugu dilka yari ay ka yihiin wadamo dadkoodu yihiin Cilmaaniyiin.
(Mase jiro wax xidhiidha oo ka dhexeeya diinta iyo dib u dhaca bulshooyinku).

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Abdikafi
Abdikafi
5 Bilood Kahor

Qormooyinka Noocan Ah Fadlan Halaso Badilyo inkasto Dhalinta aysan Wali Waxba Fahmin Hadana Waxa Lagayaba in Ay is Badalaan Wakh Badan inta Ay Akhriyaan, Mahadsanidiin

W/Q: Aadan Cali