Doorashada nooca jinsiga ee ilmaha

D

Susan Gunn iyo Robert waa lammaane muddo is qabay oo ku nool koonfurta England, meelay ka maqleenba waa se duul fahansan dulucda murtida soomaliyeed ee ah “Eebe waa siduu doonaba yeele”, siday doorkan doonayaan inuu yeeli doonase iskuma ay hubaan.

Susan iyo Robert waxay gu’ kahor go’aansadeen inay Eebbe ka talo baxaan isku hallayntiisana hubanti ku doorsadaan. Waa dad taladooda iyo filashadii timaadaba togoogoda u ritay, waxanay go’aansadeen inay gu’gan gabadh dhalaan, waanay ka go’antay inay go’aankoodan fuliyaan hadii Eebbe yiraahdo iyo hadaanu odhanba.

Hadaba qoyskan waxaa saaciday farsamo loo yaqaan (In Vitro Fertilisation (IVF)), qaabkan waxa loo isticmaala si ilmaha loogu bacrimiyo meel ka baxsan ilmo-galeenka hooyada.

Habkan waxaa ugxanta hooyada laga soo qaadaa uur ku jirta kadibna waxaa lala kulansiiyaa manida aabaha, waxaanu mudo ku siman laba ilaa lix cisho yaallaa laabka laguna bacrimiyaa, kadibna waxa lagu beeraa makaanka hooyada.
Hadaba farsamooyinka cajiibka ah kuna cusub hab abuurkan aadane sameega ah waxa ka mida farsamda loo yaqaan Pre-implantation Genetic Diagnosis (PGD or PIGD).
Farsamdani waxay sahlaysaa in la fiirsho hidda sidayaasha caydinka, waxaana looga faa’iidaysan karaa sii odoroska cudurada ku dhici kara caydinka yar iyadoo la eegayo hab qoraalka hidasidayaashiisa hadiiba ay wax isdhaafsan yihiin.
Arrinka yaabka lihise wuxuu yahay in isla habkan loo adeegsan karo doorista jinsiga ilmaha Lab/Dhedig.
Waana hirgelinta doorista jinsiga danta qoyskani qaabkan ka leeyihiin si ay u hubiyaan hirgelinta hamigooda ah inay gabadh dhalaan.

Shaqadan sidii laysku ogaa waa shuqul kamida shuqulada Eebaha quraanka ka dhex hadla waanaka in badan ku abaal sheegta ee yidhi;

(لِّلَّهِ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ ۚ يَهَبُ
لِمَن يَشَاءُ إِنَاثًا وَيَهَبُ لِمَن يَشَاءُ الذُّكُورَ (49) أَوْ يُزَوِّجُهُمْ ذُكْرَانًا وَإِنَاثًا ۖ وَيَجْعَلُ مَن يَشَاءُ عَقِيمًا ۚ )
“Eebe waa ka maamula samooyinka iyo dhulka, waxuu doonana wuu abuuraa, dadka kuu doono wuxuu u hibeeya hablo, kuu doonana wiilal, amase waabu isugu daraa, kuu rabana waxaabuu ka dhigaa madhalays”

Sida muuqatase Susan iyo Robert dhawaaqa Eebbe dheg umay jalaqsiin awaamiirtii Eebbe aakhiru licibka abuurka bixin jirayna jid gooyay u dhigteen, waxaanay ku suura geliyeen wax sitimaan ka yar, Susan iyo Robet Eebbe sokadii waxay kaashadeen kaafir aqoonta adduun aad ugu talax tegay, Eebana aad uga gacan fudud oo arinkii Eebbe iyo gacan yarayaashiisa -Malaa’igta- ku qaadan jiray afartanka cishona afar cisho gudahood ku gaba-gabeeyay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xijaabku waa astaan gumaysi

Eegase, su’aasha is waydiinta mudani waxay tahay si ay ku maqleenba waxay soo sheegeen ragii Nebi Maxamed la noolaa, oo malahayga waxay Eebbe iyo Adoonkiisu kuwada hadlaan duulduulkiisu soo gaadhi jiray inuu Eebe markuu abuurka kale dhamystiro amar siiyo malaa’igta kuna dhawaaqo Lab amase Dheddig waxa uu yahay ruuxa dhalan doonaa
: ” فيقول الملك : أي رب ، أذكر أم أنثى ؟ أي رب ، أشقي أم سعيد ؟ فما الرزق ؟ فما الأجل ؟ فيقول الله ويكتب الملك ” .
“Malagii ayaa odhan doona Eebow caydinkani ma Labaa mase waa Dheddig”…Eebbana wuu ku dhawaaqi doonaa, malaguna wuu qori doonaa”

Hadaba tolow malagaa miskiinka ahi xaaladdan Susan iyo Robert sidii laysku ogaa caadadaduna ahayd Eebbe su’aashii ma waydiin doonaa? Eebese muxuu odhan doonaa?

kuwa Eebbe wax kasoo weriyaa haday isaga war gaadhsiin karaan waxaan odhan lahaa waxaad dhahdaan; “Eebbow eegga aamuskaa kuu khayr roon”!!.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments