Eebbe inuu nin yahay ma ogtahay?

E

Markaad akhrisato Quraanka gaar ahaan bisha Ramadaan waxaad akhriskaa ka dheefeysaa abaalmarin iyo bogaadin laguugu kaydiyo bangiga Illaahay si marka aad dhimato nolosha danbe ay kuugu noqoto dhigaal aad ku badbaado.

Akhirska Quraanku wuxuu barayaa qofka muslimka ah Ilaaha weynee abuuray, wuxuu baranayaa inuu yahay nin. Meelo badan baad ku arkeysa ereyga isaga (هو) wuxuuna aad u necebyahay in haween la caabudo (إِن يَدْعُونَ مِن دُونِهِ إِلَّا إِنَاثًا)1 ama adeegayaashiisa (الملائكة) haween lagu sifeeyo maadama uu isagu nin yahay ( وَجَعَلُوا الْمَلَائِكَةَ الَّذِينَ هُمْ عِبَادُ الرَّحْمَٰنِ إِنَاثًا ۚ أَشَهِدُوا خَلْقَهُمْ ۚ سَتُكْتَبُ شَهَادَتُهُمْ وَيُسْأَلُونَ)2. Waxaad ogaaneysa inuu yahay boqor (ملك) kursi ku fadhiya weliba ay jiraan kuwo kursigaa ku sida (حملة العرش).

Waxaad ka ogaaneysaa Quraanka in Illaahay addoomihiisa u maleego dhagar iyo khiyaamo (وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ اللَّهُ ۖ وَاللَّهُ خَيْرُ الْمَاكِرِينَ)3 dhagartiisuna ay ka xoog wayn tahay tan haweenka iyo shaydaanka. Wuxuu leeyahay weji4 iyo indho5, wuxuu sidoo kale leeyahay gacmo wada midig ah6, Waa nin caytama ( عُتُلٍّ بَعْدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ)7.

Illaahay waa nin kibir badan (المتكبر), waana nin amaan jecel (وَلِلَّهِ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ فَادْعُوهُ بِهَا)8 oo aargoosta (إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ ذُو انتِقَامٍ)9, waxaad si aanan halkan kusoo koobi Karin u ogaaneysaa in Illaahay yahay nin maadama uu leeyahay sifo kasta oo qof lab ahi yeelan lahaa.

Dadka diinta islaamka la yimi faafiyey oo qoray waa ragg carbeed, waana wax iska caadi ah dhaqanka carabta in haweenka la liido (وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالْأُنثَىٰ)10, raggi diintaa la yimi waxay adeegsadeen ereyga isaga (هو) maadama ay raggu ahaayeen dhaqankooduna liideyo haweenka, waana sababta aan ilaahay loogu sifeyn ereyga iyada (هي).

QORMO LA XIRIIRTA:  Booqashada dhagaxa madaw

Quraanku wuxu ka turjumeya dhaqankii carbeed wuxuu ku qoran yahay afkoodii, wax kasta oo agtooda qiime kalahaa waxay inooga dhigeen wax barakaysan ha ugu yaraato timirta iyo dharkoodu, xatata kaadidii geelooda dawo ayay ka dhigeen waxayna inoo sheegeen in carabnimadu ka mudan tahay wixii kaso hadha.

Haddii haweeney nebiyad ahi diinta islaamka la iman lahayd waxaa hubaal ah in dhammaan dhanbaal wadayaasha (الانبياء) Illaahay ay ahaan lahaayeen haween, Illaaahay laftiisuna wuxuu ahaan lahaa haweeney qurux jecel ereyga iyada ayaana loo adeegsan lahaa (هي), ragguna waa ka hoosayn lahaayeen haweenka.

Qolyihii carbeed ee diinta islaamka sameeyey waxay isku dayeen oo ku dadaaleen inay suureeyaan Illaahay si la mid ah siday u suureeyen kuwa dhagaxa caabuda Illaah-yadooda iyaga oo aan arag lana kulmin Illaahay ayay hadana sameeyeen dhagax iyagoo aaminsan in ilaahay sidaa u egyahay, wixii amaan iyo xeerar ahaana iyagaa u sameeyey.

Akhirnta Quraanka waxaad ka dhex arkaysa in wacyiga ama garashada cidda ku hadlaysa ama ka dhex hadlaysa ay aad u liidato oo aanay adduunyadan war badan u hayn, isku dayga ay isku dayeen inay sharaxaad ka bixiyaan adduunkan iyo waxa dhex yaal waxay ku salaysan tahay intay le’ekayd garashadooda koobani waagaa oo hada laga joogo 14 qarni, qiimaynta iyo xeer-dejintiisuba waxay ku salaysan yihiin dhaqannadi ka jirey waaga lama degaanka.

________________

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
  1. Suuradda An-Nisaa: 117
  2. Suuradda A-Zukhruf: 19
  3. Suuradda Al-Anfaal: 30
  4. Suuradda Al-Rahmaan: 27
  5. Suuradda Huud: 37
  6. Sahih Muslim (1827)
  7. Suuradda Al-Qalam: 13
  8. Suuradda Al-Araaf: 180
  9. Suuradda Ibraahim: 47
  10. Suuradda Al-Imraan: 36
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments