Eebbe iyo aadanuhu ma u baahanyihiin qof u kala war qaada?

E
Sida aan arkaynay muddooyinkaan dambe wadaadada soomaalidu waxay ahayeen kuwo howshaa qabanaya, waxaad arkaysaa wadaad soo fariisanaya shaashadaha wax laga daawado kuna baaqaya in eebbe dartiis wax loola baxo, aadanahana eebbe u weydiinaya dembi dhaaf, caamada oo haween u badanina ay leeyihiin “Sheekhoow ilaahay ii weydii” waa adigaa iga xigee igala hadal oo waxaas ii weydii waxaa kaaga caddaanaysa in aysan iyagu waxba toos u weydiisan karin Eebbe ee uu yahay wadaadku midka leejada ku qaata sii daynta ducada qofka, hab isbaaro aan ku arki jirnay Xoghayaasha siyaasiyiinta horjoogayaasha dunida islaamka ayay ahayd haatanna waa mid eebbe qol loogu xirtay oo midkii la doono loo baryo midkaan wax haysana loo diido.
 
Dhanka kale haddii eebbe aadanuhu u simanyihiin maxaa idinka wakiil dadka idinkaga dhigay, oraahdaan waxay kaga jawaaban xadiis oranaya “Mid kastaa waa raaci, raaci kastaana wuxuu masuul ka yahay wuxuu raacay” sheekooyin horre oo jaahiligii ahna waa laga helayaa naskaan, wuxuuse si cad ula hadlayaa xoola dhaqatada ee mahan mid la hadlaya dadka, haatan waxay ku fasiraan inay Raaci/ilaaliyaal diinta ka yihiin, hadaba eebbe wacadkiisii meeyay ahaa in uu ilaalinayo diinta, wacad aan awood lahayni wacad mahan waa habkay u dhigayaane, wakiilada alle/Dabqaadyada waxay u sii muuqdaan kuwo ku siqaya wadadii ay qaadeen dhiggooda masiixiyiintu oo alle yarayaal noqday, waana hab ganacsi caamada lagu calool buuxsado, kuwanise waxay dhiggood ku dhaafeen dilka, dullaynta iyo yasmada aadanaha diidan fikirkooda, dhowaan aan aragno wadaad leh alla dembi dhaafkiisu aniguu gaar ii yahay!
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments