Eebbe Metaalkiis ma jiro!

E
Waxaa jirta aayaad Qur’aanka kariimka ah ka mid ah oo af cad ku sheegtay in Eebbe wax metaalkiisa ah ama shabbahaa aysan jirin, isla markaas aayado kale ayaa sheegay in uu Eebbe caroodo, xaddiisyana waxa ay sheegeen in uu Eebbe masayro ama hinaaso. Sida aynu og nahay aayadaha iyo axaaddiista la ma rumeeyo, lagu mana dhaqmo ee waxaa la aamminaa oo lagu camalfalaa fasiraaddooda oo ah sida ay u fasiraan wadaaddadu, waana meesha ay dad mufakariin ahi ka sheegeen in aysan sideedaba diini jirin ee ay jirto aragti diimeed, waayo in uu qofka shacabka ahi aayad ama xaddiis sida uu u arko u qaato u ma bannaana ee waa in uu sida ay wadaaddadu u fasiraan iyo aragtida wadaaddada qaataa.

Haddaba wadaaddo ayaa waxa ay fasiraaddooda ku sheegeen in sida uu Eebbe u caroodo ama u masayraa aysan ahayn sida dadka iyada oo la tixgelinayo aayadda sheegaysa in aysan jirin wax Eebbe u dhigmaa fasirkeeda. Wadaaddada waxaa la weydiiyey in sida aynu u caroonno ama u masayrno aynu dareenkeenna ka barannay, ha yeesho ee loo baahan yahay sida inaga duwan ee uu Eebbe dareemo marka uu caroodo ama uu masayro, waxa ayna wadaaddadu ku jawaabeen in ay tahay si aysan dadku fahmi karin oo Eebbe keli ahi uu garanayo. Waxaa isweydiin leh haddii aysan dadku fahmi karin maxaa loogu sheegay? Sida aynu og nahay ardada waxaa loo dhigaa cashar ay fahmi karaan, bulshadana waxaa loo jeediyaa khudbad ay fahmi karaan. Haddaba diinta inta Eebbe ku saabsan haddii aynaan fahmi karin labo arrimood baynu qaadan karnaa, waana in dhammaan aayadaha iyo xaddiisyada Eebbe ku saabsan macne darro loo keenay oo uu Eebbe macne la’aan u hadlo mar haddii aayadihiisa qaarkood loogu talogalay in aysan dadku fahmin iyo in aan Eebbe wax aqoon ah loo lahayn oo uu yahay wax aynaan garanayn maaddaama nusuusta ku saabsan aynaan fahmi karin, waxa aanna halkaas ka marnayn in la caabudo wax aan aqoon loo lahayn.

Haddii aynu isyeelyeelkaas kor ku xusan meel iska dhigno oo aynu iska dhigno dad fahmi kara hadal la sheegay sida Qur’aanka horta hadal waa margi, waana sababta nusuusta looga doortay fasirka ama aragtiyaha diiniga ah, laakiin bal waxa aynu eegaynaa falsafad ahaan sida uu Eebbe u fakaraa in ay tahay sida dadka iyo in uu leeyahay maqaam gaar ah oo ka baxsan fakarka dadka. Eebbe waxa uu sheegay in qofkii ka amar diida uu ciqaabayo, qofkii amarkiisa qaatana uu wanaajinayo, sidaasina fahankeenna waxa ay u la eg yahay sidii aabbeyaasheen oo ilmihii dhego adag xanuujin jirey, midkii baarri u ahna madaxa u salaaxi jirey, waxa ayna u sii eg tahay sidii Maxamed Siyaad uu qofkii kacaandiid ah u ciqaabi jirey, midkii kacaan ahna u darajayn jirey. Sidaas awgeed sida uu Eebbe abaalmarinta uga fakaraa waa sida dadka, lagu mana andacoon karo in uusan Eebbe lahayn wax metaalkiis ah oo isaga oo dhan baaba qof aan biyo ismarin ah marka arrintan laga eego.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ilaahey wakiil ka socda oo carabi kaliya ku hadla miyuu u baahan yahay?

Wadaaddada fasirkooda Eebbe lagaga fogaynayo fahanka dadka haddii aynu ku beddelanno in aynu Eebbe fahanno waxa uu Eebbe sheegay in uu jecel yahay in ay dadku isu laayaan oo isugu baaba’aan koox isaga taageersan iyo kuwo ka soo hor jeeda, isaguna uu hoggaaminayo kooxda taageersan oo uu jecel yahay. Taasi waa aragtidii Hitler oo sideedii ah ama xagga soomaalida waa aragtidii Maxamed Faarax Caydiid, mana aha murti dadka maskaxdooda ka weyn oo uu keenay ruux aan dadka la metaal iyo dabeecad ahayn oo ka sarreeyaa. Eebbe haddii uu dadka la rabo in ay noqdaan kooxo isneceb oo islaaya oo uu isagu garab ka mid ah hoggaamiyo waxa uu metaal u yahay sarkaal ama dagaal’ooge caadi ah, mana uu keenin wax aan dhaqan dad ahayn.

Marka la eego sida uu falsafad ahaan Eebbe u fakaro waxa uu tillaabo tillaabo u metelaa dadka, waxaana la yaab leh in wadaaddada diinta fasiraa aysan inta Eebbe ku saabsan keli ah ku sheegin wax aan la fahmi karin ee dhammaan diinta jawaabta ugu danbaysa ay ka dhigaan in aan la fahmayn. Tusaale ahaan shareecada waxaa fasirradeeda ka mid ah in qof nool gacan ama lug laga gooyo, waxa ayna wadaaddadu meelaha noocaas ah sheegaan in ay tahay murti rabbaani ah oo aan caqli lagu fahmi karin, la mana oggola in uu qof ka fakaro sida ay murti u tahay in qof nool jirkiisa la googooyo.

Waxyaalo aad u badan oo shareecada ah lama macneeyo sababta iyo murtida ku jirta ee waxaa hadalka lagu dhammeeyaa in aysan dadku fahmi karin, waxaana la moodaa in duuduub ahaan loo socdo in la sheego in aysan dadku Qur’aanka iyo xaddiiska fahmi karin. Meelo badan oo shareecada ka mid ah haddii ay labo nas iskhilaafaan waxa ay wadaaddadu qaataan midka sharta badan, midka fiicanna waa ay iska tuuraan, oo arrintaas waxa ay ku macneeyaan in uu Eebbe shartaas murti uga jeedo. Tusaale ahaan xaddiis baa sheegay in markii wax la dilayo iyo markii wax la biraynayo ama gawracayo si hagaagsan loo sameeyo, xaddiis kalena waxa uu sheegay in dad dhagax la la dhaco ilaa ay naftu ka baxayso, waxa ayna wadaaddadu qaateen xaddiiska sharta ah ee sheegay in dhagax lagu garaaco dad nool, midka in dilka la hagaajiyo ahna waa ay fogeeyeen. Waxaa la moodaa in shareecada oo asalkeedii ka soo baxday dhul oommane ah oo ay naxariistu ku yar tahay haddana ay fasirrada wadaaddadu uga sii dareen ilaa ay noqotay cadowga insaaniyadda.

QORMO LA XIRIIRTA:  Cuf-isjiidadka iyo Carshiga!

Ugu danbayn Eebbe wax uu sheegay oo aadan fahmayni in ay jiraan haddii aad rumaysan tahay waxa aad Eebbe ka dhigtay in uu ciyaar iyo isyeelyeel u hadlo, haddii aad rabtid in aad Eebbe fahantidna Eebbe dadka ayuu meelo badan shabbahaa oo ma uu keenin falsafad aan ahayn sida ay dadku u fakaraan oo weliba waxa aan laga aqoon dadka keligitaliska ah oo aan oggolayn maskaxda shacabkooda. Dabeecad dad baa inta diinta lagu qaadaadhigay baa haddana waxaa la sheegay in aysan dadka shabbihin iyo in aan la fahmi karin ee arrintaas maskax deggan oo aan qufulnayn ha lagu eego! Waxa ay u badan tahay muranka i na dhex yaal dad ahaan in aynu innagu samaysannay ee aysan jirin murti sare oo meel inaga baxsan laga soo tebiyey. Waxyaalaha la hubo waxaa ka mid ah dadku in ay noolaha dhulka jooga ugu nasiib daran yihiin.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments