Eedayn iyo isdifaac

E

Dagaallada ay soomaalidu galaan waxay sheegaan in ciidanka weerarka ahi uu ka waxyeello badnaado ciidanka difaaca ah, laakiin doodda weli soomaalidu ma ay sheegin eedaynta iyo isdifaaca midka halis badan.

Dadka maxkamadaha ka warqabaa waxay og yihiin in qof uu dacwada oogo iyo in uu mid kale qareen (abukaate) yahay, oo uu dadka ay arrintu khusayso difaaco, laakiin ruuxa dacwada ooga iyo qareenka waxaa la og yahay in uu qareenku badanaaba xagga cilmiga sarreeyo.

Cilmi marka aynu leenahay waxaynu u jeednaa dalalka ay aqoontu ka shaqayso ee kama aynu wadno meel uu qof kastaa magaciisa ku horqorto Dr asaga oo jaahil axmaqa ah!

Haddaba maxaa keenay in qofka dacwadda oogaa uu aalaaba ka cilmi yar yahay midka wax difaaca? Su’aashu ma ay adka oo markii ay arrintu dood tahay waxaa lamahuraan ah in uu qofka wax difaacayaa ka hub badan yahay midka wax eedaynaya.

Qofka eedaysanaha ahi waa miskiin oo wuxuu u baahan yahay gurmad hubaysan, laakiin qofka eedaynaya waxaa ku filan in uu eed haysto oo uu ku oogo qofkaas miskiinka ah!

Maqaalkaan gaaban ciwaankiisu wuxuu sidaa labadaas macne oo weerarka iyo difaaca ah, laakiin wuxuu culayskiisu ku saabsan yahay ”isdifaac”.

Sababta aynaan eedaynta ugu dheeraanayn waa in aysan eedayntu dhib badnayn, oo dadka kuwa ugu caqli iyo cilmi yar baa ugu eedayn badan. Midda kale isdifaacu sida badan waa kedis oo qofka eedda wadaa wuxuu jeedinayaa arrin uu ka soo baaraandegey, halka uu eedaysanuhu degdeg isu difaacayo ama loo difaacayo.

Dadka caaqyada iyo jaahiliinta ah wax ka eed badan lama arko, isla markaas isma ay difaaci karaan, taasina waxay caddaynaysaa in aysan eedayntu la miisaan ahayn isdifaaca.

Haddii nin lagu eedeeyo in uu gabar qabsaday waxaa loo difaaci karaa siyaalo taxane ah oo looga fujinayo xanuunka eedda. ”Qabsi” waxaynu uga jeednaa waxa ay reermagaalku maanta u yaqaanniin ”kufsi”!

Run ahaantii afka saxda ah waxaa kufsi loo adeegsadaa geela ee dadka ”qadsi” baa la yiraahdaa, waxaynuna tusaalaheenna ”qabsi” uga dhiganay in uu yahay arrinta ugu daran oo maanta lagu eedeeyo rag badan oo soomaali ah, siiba ciidamada Cabdiqaasim oo uu qabsiga dumarka Marka iyo Kismaanyo u noqday taraawiix iyo wardi ay shaydaanka ugu dhawaadaan!

Tillaabada ugu horraysa ee difaaca laga bilaabaa waa in shaki la geliyo in uu eedaysanuhu denbigaas galay, taasina waxay abuuraysaa in ay dadkii eedda watey markooda difaac galaan oo ay caddayn doondoonaan.

In ay eeddu danaysi tahay waa in laga dhigo oo ay dadka eedda wataa faduul iyo marmarsiinyo wadaan. Mar kasta oo qof eed lagu wajaho waxaa u fiican in uu raadiyo sabab keenaysa in ay dadkii eedeeyey difaac galaan oo uusan asagu noqon meel lagu shabbaaxo ee eedda lala wadaagaa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma boqorro beelahooda la joogaybaa mise rusul aadanaha loo dirray!

Haddii ay caddaymo miiggan oo muuqda la yimaadaan waa in eedda laga dhigaa in aysan eedba ahayn oo ay wax caadi ah tahay, waxaana looga jeedaa in ay dadka eedda rimani caddeeyaan sida ay arrintu denbiga ku noqotay! Xeerkee baa denbi ka dhigay? Xaggeese lagu xukumaa xeerkaas?

Dhibaatada ugu weyni waa markii la caddeeyo in ay arrintu denbi tahay, waxaana markaas la bilaabaa in denbigii caddaaday loo leexiyo qof aan ahayn qofka lagu soo oogey! Marka ay arrintu halkaan marayso waxaa loo baahan yahay codkarnimo iyo belaayoniomo waaweyn, waayo denbigii baa meel kale loo rarayaa!

Waxaa laga yaabaa in la moodo in ay arrintaani ka soo horjeeddo in aynu hore u soo sheegnay in denbiga lagu caddeeyo eedaysanaha, laguna caddeeyey oo aan denbiga eegga la rari karin.

Maya! Denbiga eegga waa la rari karaa, waxaana la eegaa in eedaysanaha ay dantu ku kalliftay in uu denbigu sidaas darteed u dhacay, taas oo uu macneheedu yahay in ay dadka eedda wata ama kuwo kale abuureen oo sababeen in uu denbi dhacay, isla markaas ay dhibtuba intaan ka weynaan lahayd haddii uusan qofka la eedaynayaa ku damiyeen arrinta loo haysto.

Waxaa halkaas ka soo baxaysa in uu eedaysanuhu dhibaato dhici lahayd ka hortegey iyo in ay dad kale galeen dhibaato ka weyn midda meesha la keenay, waxaana furmaysa in ay dad kale difaac hor leh galaan iyo in uu eedaysanuhu noqdo qof fiican oo arrin xalliyey!

Haddii eeddu ay sidii aynu soo sheegnay tahay in nin lagu eedeeyey in uu gabar qabsaday waxaa markaan furan in la sheego in eedaysanaha la dili lahaa haddii uusan gabadha qabsadeen oo ay dad ugu hanjabeen in ay nafta ka goynayaan haddii uusan gabar qabsan!

Markaas waxaa laga doodayaa ”Qabsi iyo qurgooyo kee baa denbi ahaan daran?”, waxaana laga fakarayaa dad kale oo sameeyey hanjabaad dil ah, kuwaas oo dhiig daadin lahaa oo bulshada qaar layn lahaa haddii aan lagaga badbaadeen in gabadha la taataabtay.

Gabadha lafteedu in ay hanjabaadda ka danbaysey oo ay qabsigeeda ayadu abaabushey baa xataa lagu doodi karaa, si ay dadka oo dhami uga fakaraan ay tahay qof uu denbigeedu qoddo dheer yahay oo ay fiican tahay in ummadda laga qabto, ama la xiro ama la ganaaxo amaba la dilo!

Haddii uu difaacii soo adkaado waxaa loo sii gudbaa in uu eedaysanuhu astaahilin in denbi lagu oogo, oo uu da’ yar yahay ama uu marmar waasho ama uu sarqaansanaa ama uu ka yimid meel aysan arrintaani denbi ka ahayn. Xataa waxaa la oran karaa in uu sabool (faqri) yahay oo ay baahiyi u geysey in uu metelan tuug noqdo.

Waxaynu maqaallo hore ku soo sheegnay in loo hadlo si kicinaysaa dareenka dadka maqlaya. Sidaas awgeed markii la isdifaacay waxaa lamahuraan ah in dadka arrinta maqlaya dareenkooda la beddelo, si ay ugu garaabaan difaacaan eedda lagu kharribayo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Sooyaalka Sekularnimada Soomaaliyeed

Isdifaacu maxkamad keli ah ma aha ee waa arrin nolosha caadiga ah ka mid ah, oo saxaafadda markii wareesi la samaynayo waa in ay labada dhinac og yihiin eedaynta iyo isdifaaca.

Irrid kasta oo keenaysa in ay su’aalaha saxaafaddu sii bataan waa in uu qofka la waraysanayaa xiraa oo uu wakhtiga ku lumiyaa in uu faruuro arrimo kale oo ay in laga hadlaa asaga dan u tahay. Sida uu arrimahaas u keenayaa waa in ay xariir la leedahay su’aalo la weydiiyey, si aan loo dareemin in uu hadalka leexiyey.

Qofku waa in uu u diidaa in ay u furmaan su’aalo aan ahayn kuwii uu loogu soo talogalay, isla markaas waa in kuwii loogu soo talogalay uu qiyaasaa, oo uu abuura jawi ay qofkaas maskaxdiisu ciriiri dareento, si ay dadka dhegaysanayaa u dareemaan in uu wareeray, oo uusan u qalmin in uu saxaafadda ka shaqeeyo.

Waa in aysan dadka maqlaya ama akhrinayaa dareemin in uu luggooyo sameeyey ee ay dareemaan in qofkii waraystay uusan karti fiican lahayn, asaguna uu ka hadlay waxyaalo nuxur leh, uuna ahaa daacad.

Qofka waraysiga wada iyo idaacaddiisa laguma xanaaqo lamana caayo, ee waxaa la abuuraa jawi uu ku ceeboobo inta uusan asagu helin fursado uu kugu khalkhaliyo, oo uu kuu hoggaamiyo sidii uu rabo.

Hadalka iridaha u furmi kara iyo kuwa ka xirmi kara qofkii xukunkooda la wareega ayaa ku guulaysa waraysiga, waxaana muhiim ah in la ogaado aysan wax naxariis ahi jirin markii uu waraysi qaadayo cadow ku dadaalaya in uu dadka maqashiiyo qof uu dhaandhaamay!

Haddii ay kuwa waraysiga ka qaadayaa asaga jecel yihiin waa in uu qofku u dabacsanaadaa oo uusan xuurto iyo dhib dareensiin, laakiin waa in laftooda uu xukumaa oo aysan qaadsiin waddo uu ku kharribmo.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa hadalka eeddiisa iyo difaaciisa ku samcan qofkii og waxyaalaha ay dadku soo wadaan iyo dareenka ay ka qaadan doonaan jawiga iyo oraahaha la isdhaafsaday.

Guddoon kasta oo la xukumo qof baa ku farxa, waxaana difaacyada waraysiyada iyo kuwa maxkamadaha xukuma dadka maqlaya ama akhriyaya. Sidaas awgeed waa in uu qofku dareenka iyo maskaxda dadka xukumaa oo dejiyaa si ay ayaguna u xukumaan in uu qof xaq ku taagan yahay.

Dadku waxyaalaha maskaxdooda lagu shubo ayey ”xaq” u yaqaanniin, oo isdifaacu waa in dadka laga sifeeyo eed maskaxdooda la geliyey, dabadeedna madaxooda laga buuxiyo waxyaalo ay ku illaawaan eeddii iyo su’aalihii ay maqleen. Sidaas awgeed dadku waa iska gaadiid, waxaana raran yaqaan qofkii u sheega waxyaalo ay xaq u qabaan oo ay u khushuucaan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments