Enerjiga iyo Siyaasadda

E
Siyaasaddu sideeda bannaan waa dano gaar ah oo loogu adeegaayo shacabka iyo dalka waxaana loo xilsaaray siyaasiyiinta. Siyaasi kasta waxaa khassab ku ah inuu u hogaansamo xeerarka iyo shuruucda dalka u yaal, hadaba maadaama Soomaaliya haysan xeerar qoran waxaa adkaatay in dib loo qoro xeerar cusub  kuwaas oo quseeyo Saliidda, Betroolka iyo Gaaska dabiiciga.

Imminka Soomaaliya waxa ay u qeybsan tahay maamul goboleedyo leh Madaxweyne u gaar ah midkiiba, taas waxa ay dhalisay in Madaxweyne kasta uu isu arko inuu dal gaar ah maamulo! Waxaa caadi iska ah in dowladaha Khaliijka ay lacago ku bixiyaan dowlad goboleedyada iyo Federaalkaba si ay u cuuryaamiyaan soo saarista enerjiga dareera.

Taariikhda markii ay ku beegneyd 11 Febraayo 2020, dowlad goboleedka Puntland waxa ay soo saartey war-murtiyeed ay ku diideyso sharciga Betroolka ee uu saxiixay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayadoo daliishaneysa qodobo dastuuri ah. Waxay digniin hawada ugu dirtay shirkadaha caalamiga inaysan soo saari karin shidaalka bad iyo dhul. Arrintaan waxay dib-u-dhac ku rideysaa soosaarka shidaalka sababo amni darro iyo kuwa sharci la’aaneed.

Hadaba waa maxay istiraatiijiyadda ay ka leeyihiin Carabta in Soomaaliya aysan lasoo bixin shidaalka? Waxaan isleeyahay labo qodob ayaa asal u ah: –

  • Haddii ay Soomaaliya la soo baxdo shidaalka waxaa dhalanaayo xifaaltan.
  • Qiimaha shidaalka hoos udhac ayaa ku imaanaya.

Sawiro akhristoow magaalo ay ku nool yihiin dad badan balse leh shan dukaan, waxaa dhalanaayo inay dukaamadaas ay lacag badan qabtaan macaamiil badan na helaan maalin kasta. Kawaran hadii ay labaatan dukaan ay ka furan yihiin isla magaaladaas? Markaan waxaa dhalanaayo tartan iib iyo inay lacag yar qabtaan macaamiil yar na helaan waana waxa ay carabta iska ilaalinaayan maadaama ay Soomaaliya ku taalo goob muhiim ah.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xaqdarro

Mustaqbalka iyo shidaalka

Air pollution in China is killing 1.6 million people a year, researchers say - The Washington PostMidowga Yurub (EU), Mareynkanka, Hindiya iyo Shiinaha waxa ay sameysteen istaraatiijiyad ay ku yareynayaan isticmaalka iyo ku tiirsanaanta fossil fuels 2050.  Shiinaha iyo Hindiya ayaa kamid ah dowladaha ugu hawo wasakhowga badan ay fossil fuels-ka dishteen, labaduba waxa ay sameysteen siyaasad ay uga hor imaanayaan fossil fuels-ka si ay u helaan hawo nadiif ah.  Hadaba mar hadii ay dowladihii waaweynaa aadkana ugu tiirsanaa fossil fuels-ka tafoxeyteen halkee bay u guurayaan?

Renewable energy

Tammarta dib loo cusboonaysiinkaro ayaa ah mid buuxin doonta booskii shidaalka dabiiciga ah, waxaa na laga dhalin karaa Cadceedda, Hydrogen power, hawada, hirarka iwm. Sababaha lagu xulan karo tammartaan waa inaysan dhamaaneyn dhibna u keeneyn deegaanka.

Gabogabo iyo gunaanad, waxaan u arkay inay arrimahaan yihiin kuwo ka daboolan bulshadeena. Dunida waa ay ka faai’deysanooyaan shidaalka inta aysan hoos u dhicin qiimahooda. Bal fiiri doqonnimada dadkeenna haysata, in kabadan 100 bilyan oo foosto/Barrel ayaa ku jirto xeebaha koonfurta Somaaliya ee kulaala badwaynta Hindiya sida ay ku qiyaaseen labadan shirkadood ee Soma Oil iyo Gas and Spectrum Geo oo Biritish ah baaritaano ay sameeyeen!  Markaas ayaa hunguri iyo musuqmaasuq laga raadinayaa dalalka carabta. Carabtana si ay ugu koobaan awoodda shidaalka gacantooda, balaq  ayeey u tuuraan siyaasiyiinteenna.

Maanta dalalkii dhoofin jirey shidaalka sida Khaliijka carabta waa ay ka tashadeen aayaha dambe. Hadaba ma wanaagsan tahay in jiilkaan qadaan macluulna u dhintaan ayagoo isticmaali kara shidaalka dalkeena ceegaaga? Ma wax wanaagsanaa inaan dayacno oo ka faa’iidaysan shidaalka, jiilka dambe na aysan waxba u tarin?

Waxay ila tahay in la gaaray xilligii baraarugga!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments