Ex-Muslim Misogynist

E

Diinta Dabeecadda Iyo Doorka Haweenka

Hadaan ku hormaro qeexidda erayga “Misogyny” micno badan ayuu eraygaan leeyahay laakiin guud ahaan wuxuu u taaganyahay fikradda liididda ama hoos u dhigista haweenka jinsigooda darteed. Sida uu aaminsan yahay aqoonyahanka dhinaca cilmiga bulshada ee Allan G. Johnson “Misogyny waa dhaqan ku dhisan nacaybka dumarka, dumar ahaantooda oo kaliya”.
Marka aan fiirino taariikhda, in haweenka la liido waxay ahayd wax soo jireena iyadoo hadba heerar soo maraysay. Iyadoo hadba loogu marmarsiiyoonayo doodo ku salaysan diimo iyo dhaqamo ama hab dhismeedyo bulshooyin kala duwan oo muddo soo jiray.

Hayeeshee waxaa waayahaan danbe soo banbaxay ama soo muuqday dhalinyaro Somaliyeed oo ka baxay diinta Islaamka kuwaas oo ku doodaya in dabeecaddu haweenka u yeeshay ama u doortay kaalin gaara oo ka hoosaysa tan ragga. Taasoo ah inaan waxba laga qaban karin maadaama dabeecaddu sidaas u doortay. Halka ragga diintu ay ku doodaan in haweenka ilaahay u dooray inay ragga ka hooseeyaan. Hadaba aniga malahayga waxay ila tahay in dhalinyadaani ku qaldameen ama is mood siiyeen fikradda ah “Social Darwinism” ku inay tahay runta biyo kama dhibcaanka ah.

Hadaba waa maxay “social Darwinism”. Aragtida “Social Darwinism” waxay markii ugu horraysay maskaxdiisa ka timid aqoonyankii ingiriisiga ahaa “Herbert Spencer” dhamaadkii qarnigii 19aad markay soo caan baxday aragtidaan. Isagoo ku dabaqaya aragtii caanka ahayd ee uu lahaa saynisyahankii caanka ahaa “Charles Darwin” oo ahayd “Natural Selection”  ama doorashada dabeecadda.

Waxay aragtidaan Social Darwinism ka ah kusalaysan tahay ama ka dhigan tahay in dadka qayb ahaan naturally ama dabeecaddu u doortay inay ka sarreeyaan kuwa kale. Waana aragti loogala jeeday in lagu meelmariyo “social in equality” ama dadku inaysan sinayn si loo meelmariyo sababna loogu helo addoonsiga, gumaysiga iyo cunsuriayadda. Sidoo kale waxay leedahay arigtidaan sida xoolaha iyo noolaha kale ama geedaha ay ugu kala adkaysin badan yihiin jirtaanka nolosha ayey dadkuna ugu kala sareeyaan awood ahaan. Fikradaan waxay horseedday in dawladihii Yurub oo dib u socodka ahaa “imperialism’ ka.. ay kusameeyaan shucuubta kale ee ka awooda yar boob iyo gumaysi ama faquuq iyagoo isu arka inay ka mudan yihiin ama ka sarreeyaan. Waxay kaloo sababtay fikraddani dhaqdhaqaaqyadii cunsuriga ahaa ee ka dhashay qaaradda yurub sanadihii 1930-meeyadii sida Fascism iyo Nazism ka oo aad wada garanaysaan waxay geysteen.

QORMO LA XIRIIRTA:  Gabadh inaad noqoto danbi kuma lihid, ceebna ma aha!

Marka hadda waxaa is weydiin mudan haweenku ma waxay u dhaxeeyaan diinta iyo dabeecada?!.

Hadaba runtu sidaas maahan, oo dabeecaddu uma doorin haweenka meel gaara raggana meel gaara ama kaalin gaara. Laakiin ragga in badan oo ka mida ayaa raba inay u dooraan hawenka kaalimaha ay nolosha ka qaadan lahaayeen. Waxaanse waydiin lahaa dhalinyarada Ex-Muslim (Muslim hore) ah ee ku dooda in dabeecaddu dumarka meel u yeeshay maxaad ku diideen in diintuna meel uyeesho. Hadaba haddii la isu wada geeyo labada aragti waxaa ka muuqata raggii oo marna ku gabanaya diinta marna dabeeecadda si ay isugu qanciyaan in ay dumarka ka sarreeyaan. Hayeeshee hadda maahan xilligii haweenku qaadan jireen amarrada ragga ama ay ragu udoori jireen kaalinta ay ku yeelanayaan nolosha. Waayo haweenka maanta waan aragnay awooddooda iyo inay leeyihiin awoodda ragu leeyahay mid lamida ama ka weyn. Tusaale waddamada qaar haweenku waxay ku jiraan bulshada qaybaheeda kala duwan oo dhan Madaxweyne ilaa macalin.

Sidaa darteed doodda diinta, dabeecadda iyo doorka haweenka ku saabsani waa mid kala daadsan oo aan la darsin. Waa mid kasoo horjeedda runta aan maalin walba aragno oo horteenna taal. Marka, hawshu kama weyna nin wuxuu jeclaan lahaa sheegay, laakiin nasiib darro xaqiiqadu waa ka fogtahay wuxuu jeclaan lahaa.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments