Falsafadda Siyaasadda ee Spinoza

F

Wixii ka horreeyay kacaankii faransiiska Yurub iyo adduunka waxaa ka talin jiray maamulo siyaasi ah oo ku dhisan kaligi-talisnimo, kuwaas oo ahaa kuwo u dhaxeeya boqorrada iyo diimaha am raga diinta. sidaas darteed aqoon-yahamiintii iftiinku waxay xil wayn iska saareen in falsafaddu meel u yeesho arrintaas iyaga oo xoogga saaray maadada falsafadda siyaasiga ah ((political philosophy). Hadaba Ba-rouch Spinoza wuxuu ka mid haa aqoonyahankii arrintaas kaalinta wayn ku lahaa, inkasta oo waddanka Dutch ee uu ku dhashay uu ahaa waddan furfuran oo ay ku soo hiran jireen dadka laga badan yahay diin ahaan iyo dadka xorta ah xilligaas. Hadana arrinta xukunka iyo diinta isku dhex jiray waxay ahayd arrin wali taagan oo aan loo helin xal waara.

Spinoza in uu siyaasadda wax kaqoray waxaa u dheerayd in uu siyaasadda ku dhex jiray oo uu dhaq-dhqaaq siyaasi ah ka mid ahaa sida dhaq-dhaqaaqii jamuhhuriga ahaa ee uu hogaaminayay siyaasigii caanka ahaa Johnan De Witte kadib markii uu qoray buuggiisa caanka ah (Theological Political Treatise) hadaba maxay tahay figradda siyaasiga ee Spinoza?

QORMO LA XIRIIRTA:  Taariikh nolaleedkii Baruch Spinoza

Spinoza wuxuu ka soo horjeeday xukunka kaligi taliska ah oo ah kan boqoradda ama diinta wuxuu qabay in la dhiso xukun dastuuri ah oo dimuquraadi ah kaas oo aan ahayn mid ku sharciyaysan awoodda diinta iyo tan qofka kaligiis ah, maamulkaas oo ku yimid heshiis dhexmara bulshada ama “Contract Social” ama heshiis bulsho taas oo ah in dadku ay doortaan dawladda ay rabaan, dawladdaas oo ku dhisan waajibka iyo xaqa dadku leeyihiin. Wuxuu rumaaysnaa in diinta iyo siyaasadda la kala saaro balse diinta loo adeegsan karo marka ay timaado xeerka madaniga. wuxuuse ka soohorjeeday in dadka lagu kala saaro diinta ama dawladdu u eexato diin gaar ah. waxay lahayd Spinoza in dawladdu xaqdhawrto dadka laga badan yahay iyo in xoriyadda fikirka diinta iyo siyaasaddu yihiin arrimo asaas u ah dawladda dimuquradiga ah, inkasto oo uu la kulmay cadaadis dhinaca diinta ah hadana kama soo horjeedin in diintu kaalin ku lahaato bulshada iyo dawladda, hayeeshee taasi maahan in dawladdu ahaato diini ama “theocratic state” taas oo meesha ka saaray dulqaadka in diimuhu wada nooladaan iyo xoriyadda diinta iyo fikirka.

Mabaadiida kala saaridda diinta iyo siyaasadda iyo sinnaanta muwaadiniinta oo ku siman waajibka iyo xaqa waa mid dhextaal u ah muuqaalada dawlada casrigaa “Modern State” inkasta oo figradda falsafadda siyaasiga ah mar walba ay heer joogtay, hadana qarnigii 17sad waxaa ay ahayd markii uu dhashay dhaq-dhaqaaqii iftiinka “Enlightenment” kaas oo badalay wax badan oo soo jireen u ahaa qaaradda yurub sida hab xukunka, fikirka, aqoonta, sinnaanta, xoriyadaha, anshaxa, diinta iyo suugaanta. Spinoza wuxuu kaalin wayn ku lahaa dhaqdha-qaaqaas kaas oo markii danbe keenay kacaankii waynaa ee faransiiska kaas oo sababtiisu ay ahayd in laga taqaluso xukunka kaligii taliska ah iyo kaniisadda iyo in dadku sinnaadaan, taas oo hirgashay ugu danbayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Aragtida Hobbes, Spinoza iyo Kanta ee Diinta
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments