Wuxuu gabi ahaanba diiday figradaha Baybalka ama buugga muqadaska ah ee Kiristaanka, kuwaas oo sheegaya in Eebbe adduunka abuuray kadibna uu nabiyo u soo diray dadka toosiya wuxuu meesha ka saaray in Baybalku yahay buug ilaah qoray ama ilaah xaggiisa ka yimid, balse uu yahay buug dad qoreen asaga oo ku gacan sayray mucjisooyinka lagu sheegay buugga Muqdaska. Wuxuu ku dooday in adduunku waligii jiri doono oo uusan dhammaad lahyn taas oo ah mid sicad ooga soo hor-jeedda fikradda ku xusan Baybalka. Spinoza wuxuu ku dooday in uusan jirin ilaah meel jooga oo adduunka dhisay, balse eebe uu yahya dabeecdda dunida duniduna ay tahay Eebbe figraddaas oo loo yaqaan Pantheism ama wada jirka dabeecadda iyo Eebbe waa fikrad soo jireen ah oo ka facwayn diimaha waxaana rumaysnaa giriiggii hore, hayeeshee kaniisadda Kaatooliga ayaa waxay kala hortimid fikradaas dagaal cad, sababta oo ah in ay tahay fikrad xor ah oo hadana diiddan tan diimaha marka ay timaado habka dhismeedka adduunku ayada oo u aqoonsatay gaalnimo fikraddaas. Pantheism-ka.
Sanadadii 1600 ayaa kaniisaddu gubatay Giordano Bruno oo ahaa Aqoonyahan iyo wadaad ka tirsan kaniisadda asaga oo lagu eedeeyey in uu difaacay fikrada Pantheism-ka. Inkasta oo uusan sheegan Spinoza in uuyahya Eebbe diid ama Atheist hadana wuxuu diinta ku tilmaamay mid aan ahayn maangal kana soo horjeedda cilmiga iyo dareenka iyo xeerarka dabeecadda taas oo ka dhigaysa wax aan la rumayn karin inkasta oo uu sheegay in uu ilaah jiro hab ka duwan kan diimaha hadana taasi maysan badalin fikradda ragga diinta ee ahayd in uu Spinoza yahay qof ka baxay diiinta yahuudda.
Taas oo keentay cadaadiskii kaga yimid bulshada yahuuda iyo dawladda sida inta badan ku dhici jirtay aqoonyahankii xorta ahaa xilliyadaas noolaa.
Difaaca iimanka iyo fikradda xorta ah waxay ahaayeen walina yihiin kuwo iska soo horjeeda, waayo iimaanku waa rumayn aan la tijaabin karin marar badanna aan ahayn maangal halka cilmiga yahay wax ku dhisan caqli-gal iyo iyo tijaabo aan la shaki galin Karin.